< Yoshua 19 >

1 Kura ya pili ikaangukia kabila la Simeoni, ukoo kwa ukoo. Urithi wao ulikuwa ndani ya eneo la Yuda.
Oo saamigii labaadna wuxuu u soo baxay reer Simecoon, oo waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Simecoon u heleen siday reerahoodu ahaayeen. Oo dhaxalkooduna wuxuu ku dhex jiray dhaxalkii reer Yahuudah.
2 Ulijumuisha: Beer-Sheba (au Sheba), Molada,
Oo waxay dhaxal u heleen: Bi'ir Shebac, ama Shebac, iyo Molaadaah,
3 Hasar-Shuali, Bala, Esemu,
iyo Hasar Shuucaal, iyo Baalaah, iyo Cesem,
4 Eltoladi, Bethuli, Horma,
iyo Eltoolad, iyo Betuul, iyo Hormaah,
5 Siklagi, Beth-Markabothi, Hasar-Susa,
iyo Siiqlag, iyo Beytmarkaabod, iyo Hasar Suusaah,
6 Beth-Lebaothi na Sharuheni; hii ilikuwa miji kumi na mitatu pamoja na vijiji vyake.
iyo Beytlebaa'ood, iyo Shaaruuhen, oo intaasu waa saddex iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,
7 Pia Aini, Rimoni, Etheri, na Ashani; hii ilikuwa miji minne na vijiji vyake,
Cayn, iyo Rimmon, iyo Ceter, iyo Caashaan, oo intaasu waa afar magaalo iyo tuulooyinkoodii,
8 pamoja na vijiji vyote vinavyoizunguka miji hii mpaka Baalath-Beeri (ambayo ndiyo Rama iliyo katika Negebu). Huu ulikuwa ni urithi wa kabila la Simeoni ukoo kwa ukoo.
iyo tuulooyinkii ku wareegsanaa magaalooyinkaas oo dhan ee ku yiil tan iyo Bacalad Bi'ir, iyo Raamaahda Koonfureed. Intaasu waa dhaxalkii qabiilkii reer Simecoon sidii ay reerahoodii ahaayeen.
9 Urithi wa Wasimeoni ulitolewa kutoka fungu la Yuda, kwa kuwa fungu la Yuda lilikuwa kubwa kuliko walivyohitaji. Hivyo kabila la Simeoni lilipewa urithi wao ndani ya eneo la Yuda.
Oo qaybtii reer Yahuudah waxaa ku jiray dhaxalkii reer Simecoon, maxaa yeelay, reer Yahuudah qaybtoodu waa ku badnaa; sidaas daraaddeed reer Simecoon waxay dhaxal ka heleen dhaxalkii reer Yahuudah dhexdiisa.
10 Kura ya tatu ikaangukia kabila la Zabuloni, ukoo kwa ukoo: Mpaka wa urithi wao uliendelea hadi Saridi.
Oo saamigii saddexaadna wuxuu u soo baxay reer Sebulun siday reerahoodu ahaayeen, oo dhaxalkoodii soohdintiisuna waxay ahayd ilaa Saariid.
11 Kuelekea upande wa magharibi ukafika Marala, ukagusa Dabeshethi, na kuendelea mpaka kwenye bonde karibu na Yokneamu.
Oo soohdintoodu waxay u baxday xagga galbeed, iyo xataa ilaa Marcalaah, oo waxay gaadhay tan iyo Dabbaashed, oo haddana waxay gaadhay tan iyo durdurka ku yaal Yoqnecaam horteeda;
12 Ukageuka mashariki, kuanzia Saridi kuelekea mawio ya jua hadi kwenye nchi ya Kisiloth-Tabori, na kwenda hadi Daberathi, kupanda Yafia.
oo waxay Saariid uga leexatay xagga bari ee qorraxdu ka soo baxdo, ilaa soohdinta Kislod Taabor, kolkaasay waxay u baxday xagga Daberad, oo haddana kor ugu baxday Yaafiica,
13 Kisha ukaendelea mashariki hadi Gath-Heferi na kufika Eth-Kasini, ukatokea Rimoni na kugeuka kuelekea Nea.
oo halkaasna waxay uga gudubtay xagga bari oo martay Gad Heefer iyo tan iyo Citaah Qaasiin, oo waxay u baxday xagga Rimmon oo gaadhaa ilaa Neecaah,
14 Huko mpaka ukazungukia upande wa kaskazini hadi Hanathoni na kuishia katika Bonde la Ifta-Eli.
soohdintu waxay xagga woqooyi ugu laabatay Xannaatoon, oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa dooxadii Yiftax'eel,
15 Miji mingine iliyojumuishwa ni Katathi, Nahalali, Shimroni, Idala na Bethlehemu. Kulikuwa na miji kumi na miwili pamoja na vijiji vyake.
iyo Qataad, iyo Nahalaal, iyo Shimroon, iyo Idalaah, iyo Beytlaxam, intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
16 Miji hii na vijiji vyake ilikuwa ndio urithi wa Zabuloni, ukoo kwa ukoo.
Intaasu waa dhaxalkii ay reer Sebulun u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
17 Kura ya nne ikamwangukia Isakari, ukoo kwa ukoo.
Oo saamigii afraadna reer Isaakaar buu u soo baxay sidii reerahoodu ahaayeen.
18 Eneo lao lilijumuisha: Yezreeli, Kesulothi, Shunemu,
Oo soohdintooduna waxay ahayd ilaa Yesreceel, iyo Kesullood, iyo Shuuneem,
19 Hafaraimu, Shioni, Anaharathi,
iyo Xafaarayim, iyo Shii'oon, iyo Anaaxaraad,
20 Rabithi, Kishioni, Ebesi,
iyo Rabbiid, iyo Qiishyoon, iyo Ebes,
21 Remethi, En-Ganimu, En-Hada na Beth-Pasesi.
iyo Remed, iyo Ceyn Ganniim, iyo Ceyn Xaddaah, iyo Beytfasees,
22 Mpaka ule ukagusa Tabori, Shahasuma na Beth-Shemeshi, na ukaishia kwenye Yordani. Ilikuwa miji kumi na sita, pamoja na vijiji vyake.
oo soohdintu waxay gaadhay ilaa Taaboor, iyo Shaxasimaah, iyo Beytshemesh, oo soohdintooda dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun, oo intaasuna waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
23 Miji hii pamoja na vijiji vyake ilikuwa urithi wa kabila la Isakari, ukoo kwa ukoo.
Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Isaakaar u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
24 Kura ya tano ikaangukia kabila la Asheri, ukoo kwa ukoo.
Oo saamigii shanaadna wuxuu u soo baxay reer Aasheer sidii reerahoodii ahaayeen.
25 Eneo lao lilijumuisha: Helkathi, Hali, Beteni, Akishafu,
Oo soohdintooduna waxay ahayd Xelqad, iyo Xali, iyo Beten, iyo Akshaaf,
26 Alameleki, Amadi na Mishali. Upande wa magharibi mpaka uligusa Karmeli na Shihor-Libnathi.
iyo Allammeleg, iyo Camcaad, iyo Mishaal; oo wuxuu gaadhay Karmel xaggeeda galbeed, iyo ilaa Shiihoor Libnaad,
27 Tena ukageuka mashariki kuelekea Beth-Dagoni, ukagusa Zabuloni na Bonde la Ifta-Eli, ukaenda upande wa kaskazini hadi Beth-Emeki na Neyeli, ukipitia Kabul upande wa kushoto.
oo waxay u leexatay xagga qorraxdu ka soo baxdo, ee ah Beytdaagoon, oo waxay gaadhay tan iyo Sebulun, iyo dooxadii Yiftax'eel xaggeeda woqooyi iyo ilaa Beytcemeq iyo Necii'eel, oo waxay u baxday xagga bidix ee ah Kabuul,
28 Ukaendelea hadi Abdoni, Rehobu, Hamoni na Kana, na kufika Sidoni Kuu.
iyo Cebroon, iyo Rexob, iyo Xammoon, iyo Qaanaah, iyo xataa Siidoonta weyn;
29 Mpaka huo ukageukia nyuma kuelekea Rama na kwenda hadi kwenye mji wenye ngome wa Tiro, ukageuka kuelekea Hosa na kutokeza baharini katika eneo la Akzibu,
oo soohdintii waxay u leexatay xagga Raamaah, iyo xagga magaaladii deyrka lahayd oo Turos, oo haddana soohdintu waxay u leexatay xagga Xosaah, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda ee Aksiib dhinaceeda ah,
30 Uma, Afeki na Rehobu. Ilikuwepo miji ishirini na miwili, pamoja na vijiji vyake.
iyo Cummaah, iyo Afeeq, iyo Rexob, oo intaasu waa laba iyo labaatan magaalo iyo tuulooyinkoodii.
31 Miji hii pamoja na vijiji vyake ilikuwa ndio urithi wa kabila la Asheri, ukoo kwa ukoo.
Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Aasheer u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba
32 Kura ya sita ikaangukia kabila la Naftali, ukoo kwa ukoo:
Oo saamigii lixaadna reer Naftaali buu u soo baxay sidii reerahoodii ahaayeen.
33 Mpaka wao uliendelea kutoka Helefi na kwenye mti mkubwa ulio katika Saananimu, ukipitia Adami-Nekebu na Yabineeli hadi Lakumu, na kuishia katika Mto Yordani.
Oo soohdintoodu waxay ka bilaabatay Xelef, tan iyo geedka ku yaal Sacananniim, iyo Adaamii Neqeb, iyo Yabne'eel, iyo ilaa Laquum; oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga Webi Urdun.
34 Mpaka ukaendelea magharibi kupitia Aznoth-Tabori na kutokea Hukoki. Ukagusa Zabuloni upande wa kusini, Asheri upande wa magharibi, na Yordani upande wa mashariki.
Oo soohdintu waxay u leexatay xagga galbeed tan iyo Asnood Taaboor, oo halkaasna waxay ugu baxday xagga Xuqoq; oo waxay gaadhay ilaa xagga koonfureed oo Sebulun, oo haddana waxay gaadhay xagga galbeed oo Aasheer, iyo tan iyo reer Yahuudah oo Webi Urdun xagga qorraxdu ka soo baxdo ka xiga.
35 Miji yenye ngome ilikuwa Sidimu, Seri, Hamathi, Rakathi, Kinerethi,
Oo magaalooyinkii deyrka lahaa waxay ahaayeen Siddiim, iyo Seer, iyo Xammad, iyo Raqad, iyo Kinnered,
36 Adama, Rama, Hazori,
iyo Adaamaah, iyo Raamaah, iyo Xaasoor,
37 Kedeshi, Edrei, na En-Hasori,
iyo Qedesh, iyo Edrecii, iyo Ceyn Xaasoor,
38 Ironi, Migdal-Eli, Horemu, Beth-Anathi na Beth-Shemeshi. Kulikuwa na miji kumi na tisa na vijiji vyake.
iyo Yiroon, iyo Migdal Eel, iyo Xoreem, iyo Beytcanaad iyo Beytshemesh, waxay ahaayeen sagaal iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
39 Miji hiyo pamoja na vijiji vyake ndio iliyokuwa urithi wa kabila la Naftali, ukoo kwa ukoo.
Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Naftaali u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinka iyo tuulooyinkooduba
40 Kura ya saba ikaangukia kabila la Dani, ukoo kwa ukoo.
Oo saamigii toddobaadna wuxuu u soo baxay qabiilkii reer Daan sidii reerahoodii ahaayeen.
41 Eneo la urithi wao lilijumuisha: Sora, Eshtaoli, Iri-Shemeshi,
Oo soohdintii ay dhaxalka u heleenna waxay ahayd Sorcaah, iyo Eshtaa'ool, iyo Ciir Shemesh,
42 Shaalabini, Aiyaloni, Ithla,
iyo Shacalabbiin, iyo Ayaaloon, iyo Yitlaah,
43 Eloni, Timna, Ekroni,
iyo Eeloon, iyo Timnaataah, iyo Ceqroon,
44 Elteke, Gibethoni, Baalathi,
iyo Elteqeeh, iyo Gibbetoon, iyo Bacalad,
45 Yehudi, Bene-Beraki, Gath-Rimoni,
iyo Yehud, iyo Bini Beraaq, iyo Gad Rimmoon,
46 Me-Yarkoni na Rakoni, pamoja na eneo linalotazamana na Yafa.
iyo Meey Yarqoon, iyo Raqoon, iyo soohdinta ka soo hor jeedda Yaafaa.
47 (Lakini Wadani walipata shida kulimiliki eneo lao; kwa hiyo walipanda kuishambulia Leshemu, wakaitwaa, wakawaua watu wake kwa upanga na kuukalia. Walikaa Leshemu na kuuita Dani kufuatana na jina la baba yao.)
Oo soohdintii reer Daan iyagay ka baxday, oo intay reer Daan tageen ayay la dirireen Leshem, oo way qabsadeen, oo dadkii degganaana waxay ku laayeen seef markaasay Leshem hantiyeen oo iska degeen, oo waxay u bixiyeen Daan, kaas oo ahaa magicii awowgood Daan.
48 Miji hii na vijiji vyake ndio iliyokuwa urithi wa kabila la Dani, ukoo kwa ukoo.
Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Daan u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba.
49 Walipomaliza kugawanya nchi katika migawo kulingana na sehemu zao zilizowaangukia, Waisraeli wakampa Yoshua mwana wa Nuni urithi katikati yao,
Sidaasay ku dhammeeyeen qaybintii dhulkii ay dhaxalka u qaybsanayeen siday soohdimihiisu ahaayeen, oo reer binu Israa'iil dhaxal bay Yashuuca ina Nuun dhexdooda ka siiyeen,
50 kama vile Bwana alivyokuwa ameamuru. Walimpa mji alioutaka, ambao ni Timnath-Sera ulio katika nchi ya vilima ya Efraimu. Naye akajenga mji, akakaa huko.
oo sidii Rabbigu ku amray waxay isagii siiyeen magaaladii uu weyddiistay taasoo ahayd Timnad Serah oo ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim; markaasuu magaaladii dhistay oo dhex degay.
51 Haya ndiyo maeneo ambayo kuhani Eleazari, Yoshua mwana wa Nuni, na viongozi wa koo za kabila za Israeli waliyoyagawanya kwa kura huko Shilo mbele za Bwana penye ingilio la Hema la Kukutania. Hivyo wakamaliza kuigawanya nchi.
Kuwanu waa qaybihii dhaxalka ahaa ee wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii, ay saamiga ugu qaybiyeen Rabbiga hortiisa, iyagoo jooga Shiiloh, oo fadhiya teendhadii shirka iriddeeda. Wayna dhammeeyeen qaybintii dhulka.

< Yoshua 19 >