< Ayubu 6 >

1 Kisha Ayubu akajibu:
Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,
2 “Laiti uchungu wangu ungeweza kupimwa, nayo taabu yangu yote ingewekwa kwenye mizani!
Hahe haddii dhibkayga la miisaami lahaa, Oo masiibadayda kafado la wada saari lahaa!
3 Kwa kuwa hakika ingekuwa nzito kuliko mchanga wa bahari zote, kwa hiyo si ajabu maneno yangu yamekuwa ya haraka.
Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha, Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.
4 Mishale ya Mwenyezi iko ndani yangu, roho yangu inakunywa sumu yake; vitisho vya Mungu vimejipanga dhidi yangu.
Waayo, Ilaaha Qaadirka ah fallaadhihiisii ayaa igu dhex jira, Oo naftayduna waabaydoodii way cabbaysaa, Oo Ilaah cabsiintiisiina anigay igu soo kacdaa.
5 Je, punda-mwitu hulia akiwa na majani, au ngʼombe dume hulia akiwa na chakula?
Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto? Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?
6 Je, chakula kisicho na ladha huliwa bila chumvi, au upo utamu katika ute mweupe wa yai?
Wixii aan dhadhan lahayn miyaa cusbola'aan la cuni karaa? Ukunta xabkeeduse miyuu dhadhan leeyahay?
7 Ninakataa kuvigusa; vyakula vya aina hii hunichukiza.
Naftaydu way diidaa inay taabato, Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.
8 “Laiti ningepata haja yangu, kwamba Mungu angenijalia hilo nililotarajia,
Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo, Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!
9 kwamba Mungu angekuwa radhi kuniponda, kuuachia mkono wake na kunikatilia mbali!
Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo, Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!
10 Ndipo bado ningekuwa na hii faraja, furaha yangu katika maumivu makali: kwamba sikuwa nimeyakana maneno yake yeye Aliye Mtakatifu.
Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.
11 “Ninazo nguvu gani, hata niendelee kutumaini? Matazamio yangu ya mbele ni nini, hata niendelee kuwa mvumilivu?
Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed? Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?
12 Je, mimi nina nguvu za jiwe? Je, mwili wangu ni shaba?
War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa? Mise jidhkaygu ma naxaas baa?
13 Je, ninao uwezo wowote wa kujisaidia mimi mwenyewe, wakati ambapo mafanikio yamefukuziwa mbali nami?
War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan?
14 “Mtu anayekata tamaa angetazamia moyo wa kujitoa wa rafiki zake, hata kama akiacha uchaji wa Mwenyezi.
Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.
15 Lakini ndugu zangu sio wa kutegemewa, ni kama vijito vya msimu, ni kama vijito ambavyo hufurika
Walaalahay waa u khiyaano badnaayeen sida durdur oo kale, Sida biyaha durdurrada ee iska baabba'a,
16 wakati vimefunikwa barafu iyeyukayo, ambavyo hujazwa na theluji inayoyeyuka,
Kuwaasoo barafka la madoobaaday, Oo uu barafka cad isku qariyo.
17 lakini hukauka majira ya ukame, na wakati wa hari hutoweka katika mikondo yake.
Markay qorraxoodaan way libdhaan, Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba'aan.
18 Misafara hugeuka kutoka njia zake; hukwea kwenda kwenye nchi ya ukiwa na kuangamia.
Kuwa safraa gees bay uga leexdaan, Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan.
19 Misafara ya Tema inatafuta maji, wafanyabiashara wa Sheba wanaosafiri hutazama kwa matarajio.
Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray, Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay.
20 Wamedhikika, kwa sababu walikuwa na matumaini; wanafika huko, lakini wanahuzunika kwa kukosa walichotarajia.
Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen, Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen.
21 Sasa nanyi mmethibitika kwamba hamna msaada wowote; mnaona jambo la kutisha, nanyi mnaogopa.
Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen, Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.
22 Je, nimewahi kusema, ‘Toeni kitu kwa ajili yangu, au mnilipie fidia kutoka mali zenu,
Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii? Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?
23 au niokoeni mikononi mwa adui, au nikomboeni kutoka makucha ya wasio na huruma’?
Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi? Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?
24 “Nifundisheni, nami nitanyamaza kimya; nionyesheni nilikokosea.
Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.
25 Tazama yalivyo ya kuumiza maneno ya kweli! Lakini mabishano yenu yanathibitisha nini?
Erayo runu xoog badanaa! Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?
26 Je, mna maana ya kuyasahihisha ninayosema, na kuyafanya maneno ya mtu anayekata tamaa kama upepo?
Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan? Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.
27 Mngeweza hata kupiga kura kwa ajili ya yatima, na kubadilishana rafiki yenu na mali.
Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.
28 “Lakini sasa kuweni na huruma mkaniangalie mimi. Je, ningeweza kusema uongo mbele zenu?
Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya, Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.
29 Tulizeni hasira, msiwe wadhalimu; angalieni tena, kwa maana nimehatarisha uadilifu wangu.
Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.
30 Je, pana uovu wowote midomoni mwangu? Je, kinywa changu hakiwezi kupambanua hila?
War ma caddaaladla'aan baa carrabkayga saaran? Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin?

< Ayubu 6 >