< Ayubu 38 >

1 Kisha Bwana akamjibu Ayubu kutoka upepo wa kisulisuli. Akasema:
Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
2 “Nani huyu atiaye mashauri yangu giza kwa maneno yasiyo na maarifa?
Waa kuma kan talada ku madoobeeya Erayada aan aqoonta lahayn?
3 Jikaze kama mwanaume; nitakuuliza swali, nawe unijibu.
Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
4 “Ulikuwa wapi nilipoweka misingi ya dunia? Niambie, kama unafahamu.
Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay? Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
5 Ni nani aliyeweka alama vipimo vyake? Hakika wewe unajua! Ni nani aliyenyoosha kamba ya kupimia juu yake?
Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray? Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
6 Je, misingi yake iliwekwa juu ya nini, au ni nani aliyeweka jiwe la pembeni,
Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
7 wakati nyota za asubuhi zilipoimba pamoja, na malaika wote walipokuwa wakipiga kelele kwa furaha?
Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen, Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
8 “Ni nani aliyeifungia bahari milango ilipopasuka kutoka tumbo,
Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay,
9 nilipoyafanya mawingu kuwa vazi lake, na kuyafungia katika giza nene,
Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
10 nilipoamuru mipaka yake, na kuiweka milango yake na makomeo mahali pake,
Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
11 niliposema, ‘Unaweza kufika mpaka hapa wala si zaidi; hapa ndipo mawimbi yako yenye kiburi yatakapokomea’?
Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
12 “Umepata kuiamrisha asubuhi ipambazuke, au kuyaonyesha mapambazuko mahali pake,
Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay? Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
13 yapate kushika miisho ya dunia, na kuwakungʼuta waovu waliomo?
Si uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?
14 Dunia hubadilika kama udongo wa mfinyanzi chini ya lakiri; sura yake hukaa kama ile ya vazi.
Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa, Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,
15 Waovu huzuiliwa nuru yao, nao mkono wao ulioinuliwa huvunjwa.
Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday, Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.
16 “Je, umepata kufika kwenye chemchemi za bahari? Au kutembea mahali pa ndani pa vilindi?
Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay?
17 Umewahi kuonyeshwa malango ya mauti? Umewahi kuiona milango ya uvuli wa mauti?
Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey? Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?
18 Je, wewe unafahamu ukubwa wa dunia? Niambie kama unajua haya yote.
Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
19 “Njia ya kufika kwenye makao ya nuru ni ipi? Nako maskani mwa giza ni wapi?
Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
20 Je, unaweza kuvirudisha kwenye makao yake? Unajua njia za kufika maskani mwake?
Si aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
21 Hakika unajua, kwa kuwa ulikuwa umeshazaliwa! Kwani umeishi miaka mingi!
Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!
22 “Je, umeshawahi kuingia katika ghala za theluji, au kuona ghala za mvua ya mawe,
Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo? Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,
23 ambazo nimeziweka akiba kwa ajili ya wakati wa taabu, na kwa ajili ya wakati wa vita na mapigano?
Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada, Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?
24 Ni ipi njia iendayo mahali umeme wa radi unapotawanyiwa, au mahali upepo wa mashariki unaposambaziwa juu ya dunia?
Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
25 Ni nani aliyepasua mifereji kwa ajili ya maji mengi ya mvua yaendayo kasi na njia ya umeme wa radi,
Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,
26 ili kusababisha mvua kunyeshea mahali pasipokaliwa na mtu, jangwa lisilo na yeyote ndani yake,
Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,
27 ili kuitosheleza nchi ya ukiwa na jangwa, na majani yaanze kumea ndani yake?
Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
28 Je, mvua ina baba? Ni nani baba azaaye matone ya umande?
Roobku ma aabbuu leeyahay? Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?
29 Barafu inatoka tumbo la nani? Ni nani azaaye ukungu kutoka mbinguni,
Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay? Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?
30 wakati maji yawapo magumu kama jiwe, wakati uso wa vilindi vya maji unapoganda?
Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale, Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.
31 “Je, waweza kuufunga mnyororo wa Kilimia? Waweza kulegeza kamba za Orioni?
Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo? Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?
32 Waweza kuyaongoza makundi ya nyota kwa majira yake, au kuongoza Dubu na watoto wake?
Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto? Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?
33 Je, unajua sheria zinazotawala mbingu? Waweza kuweka utawala wa Mungu duniani?
Miyaad taqaan amarrada samooyinka? Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
34 “Waweza kuiinua sauti yako mpaka mawinguni, na kujifunika mwenyewe na gharika ya maji?
Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa, Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?
35 Je, wewe hutuma umeme wa radi kwenye njia zake? Je, hutoa taarifa kwako kukuambia, ‘Sisi tuko hapa’?
Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan, Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?
36 Ni nani aliyeujalia moyo hekima au kuzipa akili ufahamu?
Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey? Yaase maanka waxgarashada siiyey?
37 Nani mwenye hekima ya kuyahesabu mawingu? Ni nani awezaye kuinamisha magudulia ya mbinguni
Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara? Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
38 wakati mavumbi yawapo magumu, na mabonge ya udongo kushikamana pamoja?
Markii boodhku taallooyin noqdo, Oo ciidduna ay isku dhegto?
39 “Je, utamwindia simba jike mawindo, na kuwashibisha simba wenye njaa
Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid? Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,
40 wakati wao wamejikunyata mapangoni mwao, au wakivizia kichakani?
Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan, Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?
41 Ni nani ampaye kunguru chakula wakati makinda yake yanamlilia Mungu, yakizungukazunguka kwa ajili ya kukosa chakula?
Bal yaa tukaha cunto ku quudiya, Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan, Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?

< Ayubu 38 >