< Yeremia 40 >

1 Neno likamjia Yeremia kutoka kwa Bwana baada ya Nebuzaradani kiongozi wa walinzi wa mfalme kumfungua huko Rama. Alikuwa amemkuta Yeremia akiwa amefungwa kwa minyororo miongoni mwa mateka wote kutoka Yerusalemu na Yuda waliokuwa wakipelekwa uhamishoni Babeli.
Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Nebuusaradaan oo sirkaalkii waardiyayaasha ahaa uu Yeremyaah oo silsilado ku xidhan iyo dadka Yeruusaalem iyo kuwa dalka Yahuudah maxaabiis ahaan Baabuloon ugu kaxaynayay oo uu Yeremyaah Raamaah ku sii daayay.
2 Kiongozi wa walinzi alipomwona Yeremia, akamwambia, “Bwana Mungu wako aliamuru maafa haya kwa mahali hapa.
Sirkaalkii waardiyayaashu Yeremyaah ayuu soo kexeeyey, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa masiibadan meeshan kaga hadlay.
3 Sasa Bwana ameyaleta haya, amefanya sawasawa na vile alivyosema angefanya. Yote haya yametokea kwa sababu ninyi mlifanya dhambi dhidi ya Bwana na hamkumtii.
Haddaba Rabbigu wuu dejiyey, oo wuxuu u sameeyey siduu ku hadlay, maxaa yeelay, Rabbigaad ku dembaabteen, oo codkiisiina ma aydaan addeecin, oo sidaas daraaddeed ayaa waxanu idiinku dheceen.
4 Lakini leo ninakufungua minyororo iliyo kwenye viwiko vya mikono yako. Twende pamoja mpaka Babeli ikiwa unataka, nami nitakutunza. Lakini kama hutaki, basi usije. Tazama, nchi yote iko mbele yako, nenda kokote unakotaka.”
Haddaba bal eeg, maanta silsiladihii gacanta kaaga xidhnaa waan kaa furay. Hadday kula wanaagsan tahay inaad Baabuloon ii raacdid, kaalay oo aniguna si wanaagsan baan kuu dhaqaalayn doonaa, laakiinse hadday kula xun tahay inaad Baabuloon ii raacdid, iska dhaaf. Bal eeg, dalkii oo dhammu adiguu ku hor yaal. Haddaba meel alla meeshii kula wanaagsan ee kula habboon inaad tagtid, tag.
5 Lakini kabla Yeremia hajageuka kuondoka, Nebuzaradani akaongeza kusema, “Rudi kwa Gedalia mwana wa Ahikamu mwana wa Shafani, ambaye mfalme wa Babeli amemchagua awe juu ya miji ya Yuda, ukaishi naye miongoni mwa watu, au uende popote panapokupendeza.” Kisha huyo kiongozi akampa posho yake na zawadi, akamwacha aende zake.
Oo weliba intuusan dib u noqonin ayuu ku yidhi, Waxaad ku noqotaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan oo boqorkii Baabuloon uu taliye uga dhigay magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo isaga la joog dadka dhexdiisa, amase waxaad tagtaa meel alla meeshii kula habboon inaad tagtid. Markaas sirkaalkii waardiyayaashu wuxuu isagii siiyey sahay iyo hadiyad, kolkaasuu iska sii daayay.
6 Kwa hiyo Yeremia akaenda kwa Gedalia mwana wa Ahikamu huko Mispa, na kuishi naye miongoni mwa watu walioachwa katika nchi.
Markaas Yeremyaah wuxuu Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu tegey Misfaah, oo isaguu la dhex degay dadkii dalka ku hadhay.
7 Maafisa wote wa jeshi na watu wao waliokuwa bado wapo kwenye eneo la wazi waliposikia kwamba mfalme wa Babeli amemteua Gedalia mwana wa Ahikamu kuwa mtawala wa nchi, na amemweka kuwa kiongozi wa wanaume, wanawake na watoto waliokuwa maskini zaidi katika nchi ambao hawakuchukuliwa kwenda uhamishoni Babeli,
Oo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhan iyo raggoodiiba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu dalkii taliye uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam, oo uu isagii u dhiibay rag, iyo naago, iyo carruurba, kuwaasoo ahaa masaakiintii dalka ku hadhay oo aan Baabuloon maxaabiis ahaan loogu kaxaysan,
8 wakamjia Gedalia huko Mispa. Hawa walikuwa Ishmaeli mwana wa Nethania, Yohanani na Yonathani wana wa Karea, Seraya mwana wa Tanhumethi, wana wa Efai Mnetofathi, na Yezania mwana wa Mmaaka, pamoja na watu wao.
ayay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah, waxayna ahaayeen Ismaaciil ina Netanyaah, iyo Yooxaanaan iyo Yoonaataan oo ahaa ilma Qaaree'ax, iyo Seraayaah ina Tanxumed, iyo ilma Ceefay oo ahaa reer Netofaah iyo Yesanyaah oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyagii iyo raggoodii oo dhammuba.
9 Gedalia mwana wa Ahikamu mwana wa Shafani akaapa ili kuwatia moyo wao na watu wao. Akasema: “Msiogope kuwatumikia Wakaldayo. Kaeni katika nchi na kumtumikia mfalme wa Babeli, na itakuwa vyema kwenu.
Markaasaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan wuxuu dhaar u maray iyagii iyo raggoodiiba, oo wuxuu ku yidhi, Ha ka cabsanina inaad reer Kaldayiin u adeegtaan. Haddaba dalka iska degganaada, oo boqorka Baabuloon u adeega, oo idinna waad nabdoonaan doontaan.
10 Mimi mwenyewe nitakaa Mispa ili kuwawakilisha mbele ya Wakaldayo wanaotujia, lakini ninyi mtavuna divai, matunda ya kiangazi na mafuta, nanyi mtaweka katika vyombo vyenu vya kuhifadhia, na kuishi katika miji mliyojitwalia.”
Aniguna waxaan degganaan doonaa Misfaah, si aan ugu joogo reer Kaldayiinka hadba noo imanaya, idinkuse waxaad urursataan khamri, iyo midhaha beergoosadka, iyo saliid, oo weelashiinna ku shubta, oo waxaad degganaataan magaalooyinkii aad qabsateen.
11 Wayahudi wote waliokuwa Moabu, Amoni, Edomu na nchi nyingine zote waliposikia kwamba mfalme wa Babeli ameacha mabaki ya watu katika Yuda na amemweka Gedalia mwana wa Ahikamu mwana wa Shafani kuwa mtawala wao,
Sidaas oo kalena Yuhuuddii reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom dhex joogtay oo dhan, iyo kuwii dalalka kale joogay oo dhammuba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu qaar kaga tegey dalkii Yahuudah iyo inuu iyagii madax uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan
12 wakarudi wote katika nchi ya Yuda kwa Gedalia huko Mispa, kutoka nchi zote ambazo walikuwa wametawanywa. Nao wakavuna divai na matunda tele wakati wa kiangazi.
ayay Yuhuuddii oo dhammu ka soo wada noqdeen meelihii loo kala eryay oo dhan, oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah, oo Gedalyaah bay ugu yimaadeen Misfaah, markaasay soo ururiyeen khamri iyo midhaha beergoosadka oo fara badan.
13 Yohanani mwana wa Karea pamoja na maafisa wote wa jeshi waliokuwa bado wapo kwenye eneo la wazi wakamjia Gedalia huko Mispa
Oo weliba Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhammuba waxay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah
14 na kumwambia, “Je, hujui kwamba Baalisi mfalme wa Waamoni amemtuma Ishmaeli mwana wa Nethania akuue?” Lakini Gedalia mwana wa Ahikamu hakuwaamini.
oo waxay ku yidhaahdeen, Ma og tahay in Bacaliis oo ah boqorka reer Cammoon uu Ismaaciil ina Netanyaah u soo diray inuu ku dilo? Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam ma uu rumaysan.
15 Kisha Yohanani mwana wa Karea akamwambia Gedalia kwa siri huko Mispa, “Acha niende nikamuue Ishmaeli mwana wa Nethania, wala hakuna atakayejua. Kwa nini akuue na kusababisha Wayahudi wote waliokuzunguka watawanyike, na mabaki wa Yuda waangamie?”
Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax si qarsoodi ah Gedalyaah ugula hadlay Misfaah, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye inaan tago ii fasax, Ismaaciil ina Netanyaah aan soo dilee oo ciduna ma ogaan doonto. Bal muxuu kuu dilayaa oo ay Yuhuuddii kugu soo wada ururtay oo dhammu u kala firdhaan, oo intii dadka dalka Yahuudah ka hadhayna ay u dhintaan?
16 Lakini Gedalia mwana wa Ahikamu akamwambia Yohanani mwana wa Karea, “Usifanye jambo kama hilo! Unalosema kuhusu Ishmaeli si kweli.”
Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam wuxuu Yooxaanaan ina Qaaree'ax ku yidhi, Adigu waxan waa inaadan innaba samayn, waayo, been baad Ismaaciil ka sheegaysaa.

< Yeremia 40 >