< Isaya 5 >

1 Nitaimba wimbo kwa ajili ya mmoja nimpendaye, kuhusu shamba lake la mizabibu: Mpendwa wangu alikuwa na shamba la mizabibu kwenye kilima chenye rutuba.
Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan.
2 Alililima na kuondoa mawe na akaliotesha mizabibu bora sana. Akajenga mnara wa ulinzi ndani yake, na kutengeneza shinikizo la kukamulia divai pia. Kisha akatazamia kupata mazao ya zabibu nzuri, lakini lilizaa matunda mabaya tu.
Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun.
3 “Basi enyi wakazi wa Yerusalemu na watu wa Yuda, hukumuni kati yangu na shamba langu la mizabibu.
Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.
4 Ni nini zaidi ambacho kingeweza kufanyika kwa shamba langu la mizabibu kuliko yale niliyofanya? Nilipotazamia kupata zabibu nzuri, kwa nini lilizaa zabibu mbaya tu?
Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen?
5 Sasa nitawaambia lile nitakalolitendea shamba langu la mizabibu: Nitaondoa uzio wake, nalo litaharibiwa, nitabomoa ukuta wake, nalo litakanyagwa.
Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa,
6 Nitalifanya nchi ya ukiwa isiyokaliwa na watu, halitakatiwa matawi wala kulimwa, nayo michongoma na miiba itamea huko, nitaamuru mawingu yasinyeshe mvua juu yake.”
oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn.
7 Shamba la mzabibu la Bwana Mwenye Nguvu Zote ni nyumba ya Israeli, na watu wa Yuda ni bustani yake ya kumpendeza. Alitazamia haki, lakini akaona umwagaji damu, alitazamia uadilifu, lakini akasikia vilio vya taabu.
Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.
8 Ole wenu mnaoongeza nyumba baada ya nyumba na kuunganisha mashamba baada ya mashamba hadi hakuna nafasi iliyobaki, nanyi mnaishi peke yenu katika nchi.
Hoog waxaa leh kuwa guriba guri ku dhejiya oo beerna beer kale ku dara ilaa meel la waayo oo ay keli ahaantood dhulka dhexdiisa degaan.
9 Bwana Mwenye Nguvu Zote amesema nikisikia: “Hakika nyumba kubwa zitakuwa ukiwa, nayo majumba ya fahari yatabaki bila kukaliwa.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.
10 Shamba la mizabibu la eka kumi litatoa bathi moja ya divai, na homeri ya mbegu zilizopandwa itatoa efa moja tu ya nafaka.”
Oo weliba toban tacab oo beer canab ahu waxay dhali doonaan qiyaas bad la yidhaahdo oo keliya, oo xomeer muggiis oo iniino ahuna wuxuu dhali doonaa in eefaah qaadi karo.
11 Ole wao wale waamkao asubuhi na mapema wakikimbilia kunywa vileo, wale wakawiao sana mpaka usiku, mpaka wamewaka kwa mvinyo.
Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!
12 Wana vinubi na zeze kwenye karamu zao, matari, filimbi na mvinyo, lakini hawayajali matendo ya Bwana, wala hawana heshima kwa ajili ya kazi ya mikono yake.
Diyaafadahooda waxaa yaal kataarad iyo shareerad, iyo daf iyo biibiile, iyo khamri, laakiinse iyagu kama fiirsadaan shuqulka Rabbiga, kamana fikiraan waxyaalihii ay gacmihiisu sameeyeen.
13 Kwa hiyo watu wangu watakwenda uhamishoni kwa sababu ya kukosa ufahamu, watu wao wenye vyeo watakufa kwa njaa na watu wao wengi watakauka kwa kiu.
Haddaba sidaas daraaddeed dadkaygii waxaa loo kaxaystay maxaabbiis ahaan, maxaa yeelay, aqoon ma laha, oo raggoodii sharafta lahaa way gaajoodeen, dadkoodii badnaana oon bay la gubteen.
14 Kwa hiyo kaburi limeongeza hamu yake na kupanua mdomo wake bila kikomo, ndani mwake watashuka wakuu wao na wingi wa watu, pamoja na wagomvi wao, na wafanyao sherehe wote. (Sheol h7585)
Haddaba sidaas daraaddeed She'ool calooshiisii buu isballaadhiyey, oo afkiisiina qiyaasla'aan buu u kala qaaday, oo kuwooda haybadda leh, iyo dadkooda badan, iyo kuwooda buuqa, iyo ku alla koodii reyreeyaba isagay hoos ugu dhaadhacaan. (Sheol h7585)
15 Hivyo mwanadamu atashushwa, na binadamu kunyenyekezwa, macho ya wenye majivuno yatanyenyekezwa.
Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa,
16 Lakini Bwana Mwenye Nguvu Zote atatukuzwa kwa ajili ya haki yake, naye Mungu Mtakatifu atajionyesha mwenyewe kuwa mtakatifu kwa haki yake.
laakiinse Rabbiga ciidammada caddaalad baa lagu sarraysiin doonaa, oo Ilaaha quduuska ahna waxaa quduus loogu tirin doonaa xaqnimo.
17 Kondoo watajilisha kwenye malisho yao wenyewe, wana-kondoo watajilisha katika magofu ya matajiri.
Oo markaasay baraarku daaqsintooda ikhtiyaar u daaqi doonaan, oo kuwii barwaaqaysnaana meelahooda baabba'ay waxaa cuni doona shisheeyayaal.
18 Ole wao wanaovuta dhambi kwa kamba za udanganyifu na uovu kama kwa kamba za mkokoteni,
Hoog waxaa leh kuwa xumaanta ku soo jiita xadhkaha aan waxba tarayn, oo dembigana ku soo jiita jaraha gaadhiga oo kale,
19 kwa wale wanaosema, “Mungu na afanye haraka, aharakishe kazi yake ili tupate kuiona. Huo mpango wa Aliye Mtakatifu wa Israeli na ukamilike, tena udhihirike ili tupate kuujua.”
kuwaasoo yidhaahda, Isagu ha soo dhaqsado, oo shuqulkiisana ha soo deddejiyo, si aannu u aragno aawadeed, oo Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil taladiisuna ha soo dhowaato oo ha timaado, si aannu iyada u aqoonsanno aawadeed!
20 Ole wao wanaoita ubaya ni wema, na wema ni ubaya, wawekao giza badala ya nuru, na nuru badala ya giza, wawekao uchungu badala ya utamu, na utamu badala ya uchungu.
Hoog waxaa leh kuwa sharka yidhaahda waa wanaag, wanaagna yidhaahda waa shar, oo gudcurkana iftiin ku beddela, iftiinkana gudcur ku beddela, oo qadhaadhkana macaan ku beddela, macaankana qadhaadh ku beddela.
21 Ole wao walio na hekima machoni pao wenyewe, na kujiona wenye akili machoni pao wenyewe.
Hoog waxaa leh kuwa isla caqliga badan ee isla miyirka badan!
22 Ole wao walio mashujaa kwa kunywa mvinyo, nao walio hodari katika kuchanganya vileo,
Hoog waxaa leh kuwa u xoogga badan inay khamri cabbaan, iyo dadka u itaalka weyn inay qasaan wax lagu sakhraamo,
23 wale wanaoachilia wenye hatia kwa kupokea hongo, lakini huwanyima haki wasio na hatia.
kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada!
24 Kwa hiyo, kama ndimi za moto zirambavyo nyasi, na kama vile majani makavu yazamavyo katika miali ya moto, ndivyo mizizi yao itakavyooza na maua yao yatakavyopeperushwa kama mavumbi; kwa kuwa wameikataa sheria ya Bwana Mwenye Nguvu Zote na kulisukumia mbali neno la Aliye Mtakatifu wa Israeli.
Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.
25 Kwa hiyo hasira ya Bwana inawaka dhidi ya watu wake, mkono wake umeinuliwa na anawapiga. Milima inatetemeka, maiti ni kama takataka kwenye barabara. Hata kwa haya yote, hasira yake haijageukia mbali, mkono wake bado umeinuliwa juu.
Haddaba sidaas daraaddeed ayaa cadhadii Rabbigu dadkiisa ugu oloshay, oo wuxuu iyaga ku soo fidiyey gacantiisii, wax buuna ku dhuftay, oo buurihiina way wada gariireen, oo meydadkoodiina jidadkay dhex daadsanaayeen sida qashin oo kale, hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisu weli way sii fidsan tahay.
26 Yeye anainua bendera kwa ajili ya mataifa yaliyo mbali, anapiga filimbi kwa ajili ya wale walio kwenye miisho ya dunia. Tazama wamekuja, kwa kasi na kwa haraka!
Oo isna meel fog ayuu calan uga taagi doonaa quruumaha, oo wuxuu iyaga uga foodhyi doonaa dhulka dhammaadkiisa, oo bal eega, dhaqsay u iman doonaan.
27 Hakuna hata mmoja wao anayechoka wala kujikwaa, hakuna hata mmoja anayesinzia wala kulala, hakuna mkanda uliolegezwa kiunoni, hakuna gidamu ya kiatu iliyokatika.
Midkoodna ma daali doono, mana kufi doono, oo midkoodna ma gam'i doono, mana seexan doono, dhex-xidhkuna ma furmi doono, yeelmaha kabahooduna ma go'i doono.
28 Mishale yao ni mikali, pinde zao zote zimevutwa, kwato za farasi wao ziko kama jiwe la gumegume, magurudumu ya magari yao ya vita ni kama upepo wa kisulisuli.
Fallaadhahoodu waa af miidhan, oo qaansooyinkooda oo dhammuna waa wada xodan yihiin, oo qoobabka fardahoodana waxaa la moodaa sida dhagaxmadow oo kale, oo giraangirahooduna waa sida cirwareenta oo kale,
29 Ngurumo yao ni kama ile ya simba, wananguruma kama wana simba, wanakoroma wanapokamata mawindo yao, na kuondoka nayo pasipo yeyote wa kuokoa.
oo cidoodu waxay ahaan doontaa sida gool cideed, oo waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo yaryar oo kale; hubaal way ciyi doonaan, wayna qabsan doonaan waxay ugaadhsanayaan, oo si ammaan ah ayay u qaadan doonaan, oo ciduna kama samatabbixin doonto.
30 Katika siku ile watanguruma juu yake kama ngurumo za bahari. Kama mtu akiitazama nchi, ataona giza na dhiki; hata nuru itatiwa giza kwa mawingu.
Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.

< Isaya 5 >