< Isaya 29 >

1 Ole wako, wewe Arieli, Arieli, mji alimokaa Daudi! Ongezeni mwaka kwa mwaka, na mzunguko wa sikukuu zenu uendelee.
Waxaa iska hoogtay Arii'eel, Arii'eel oo ah magaaladii Daa'uud degay. Sannad ba sannad ku dara, oo ciiduhuna sidooda ha u soo wareegeen.
2 Hata hivyo nitauzunguka Arieli kwa jeshi, utalia na kuomboleza, utakuwa kwangu kama mahali pa kuwashia moto madhabahuni.
Markaasaan Arii'eel dhibi doonaa, oo waxaa jiri doona baroor iyo oohin, oo waxay ii noqon doontaa sida Arii'eel oo kale.
3 Nitapiga kambi pande zote dhidi yako, nitakuzunguka kwa minara na kupanga mazingirwa yangu dhidi yako.
Oo aniguna waan ku hareerayn doonaa, oo qalcad baan kugu weerari doonaa, oo waxaan kugu kicin doonaa tuulmooyin.
4 Utakaposhushwa, utanena kutoka ardhini, utamumunya maneno yako kutoka mavumbini. Sauti yako itatoka katika nchi kama vile ya mzimu, utanongʼona maneno yako toka mavumbini.
Oo hoos baa laguu soo dejin doonaa, oo dhulkaad ka dhex hadli doontaa, oo hadalkaaguna isagoo gaaban ayuu ciidda ka yeedhi doonaa, oo codkaaguna wuxuu ahaan doonaa sida mid ruuxaan leh oo dhulka ka yeedhaya, oo hadalkaaguna ciidduu ka shuqshuqlayn doonaa.
5 Lakini adui zako wengi watakuwa kama vumbi laini, kundi la wakatili watakuwa kama makapi yapeperushwayo. Naam, ghafula, mara moja,
Laakiinse shisheeyahaaga badanu waxay noqon doonaan sida boodh, oo kuwa laga cabsado oo tirada badanuna waxay noqon doonaan sida buunsho sii bidaya, oo taasuna si kedis ah ayay dhaqso ugu noqon doontaa.
6 Bwana Mwenye Nguvu Zote atakuja na ngurumo, tetemeko la ardhi, na kwa sauti kuu, atakuja na dhoruba, tufani na miali ya moto iteketezayo.
Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.
7 Kisha makundi ya mataifa yote yale yapiganayo dhidi ya Arieli, yale yanayomshambulia yeye na ngome zake, na kumzunguka kwa jeshi, watakuwa kama ilivyo ndoto, kama maono wakati wa usiku:
Oo quruumaha badan oo Arii'eel la diriraya oo dhan, kuwaasoo iyada iyo qalcaddeeda la diriraya oo iyada dhibaba waxay noqon doonaan sida riyo ah wax habeennimo la arko.
8 kama vile mtu aliye na njaa aotavyo kuwa anakula, lakini huamka, bado njaa yake ingalipo, kama vile mtu mwenye kiu aotavyo kuwa anakunywa maji, lakini huamka akiwa anazimia, akiwa bado angali ana kiu. Hivyo ndivyo itakavyokuwa kwa makundi yote ya mataifa yanayopigana dhidi ya Mlima Sayuni.
Oo waxay noqon doontaa sida nin gaajaysan oo ku riyooday isagoo wax cunaya, laakiinse markuu toosay arkay isagoo calooshiisu madhan tahay, amase sida nin oomman oo ku riyooday isagoo biyo cabbaya laakiinse markuu soo toosay arkay isagoo itaaldaran oo aan weli oonbeelin, oo quruumaha Buur Siyoon la diriraya oo dhammuna sidaas oo kalay wada noqon doonaan.
9 Duwaeni na kushangaa, jifanyeni vipofu wenyewe na msione, leweni, lakini si kwa mvinyo, pepesukeni lakini si kwa kileo.
Yaaba, oo naxa, indhihiinna xidha oo indhabbeela. Way sakhraansan yihiin, laakiinse khamri kuma ay sakhraamin, way dhacdhacayaan laakiinse wax lagu sakhraamo kuma ay dhacdhacaan.
10 Bwana amewaleteeni usingizi mzito: Ameziba macho yenu (ninyi manabii); amefunika vichwa vyenu (ninyi waonaji).
Waayo, Rabbigu wuxuu idinku riday hurdo weyn, wuxuuna awday indhihiinnii oo nebiyadii ahaa, wuxuuna daboolay madaxyadiinnii oo wax arkayaashii ahaa.
11 Kwa maana kwenu ninyi, maono haya yote si kitu ila maneno yaliyotiwa lakiri katika kitabu. Kama mkimpa mtu yeyote awezaye kusoma kitabu hiki, nanyi mkamwambia, “Tafadhali kisome,” yeye atajibu, “Mimi siwezi, kwa kuwa kimetiwa lakiri.”
Oo riyo kastaaba waxay idiin noqotay sidii erayadii qorniin shaabad lagu xidhay, oo loo dhiibay qof wax akhriyi kara, oo lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Ma aan akhriyi karo, waayo, shaabad buu ku xidhan yahay.
12 Au kama mkimpa mtu yeyote kitabu hiki asiyeweza kusoma na kumwambia, “Tafadhali kisome,” atajibu, “Mimi sijui kusoma.”
Oo haddana qorniinkii waxaa loo dhiibaa mid aan akhris baran, oo waxaa lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Anigu waxba ma aan akhriyi karo.
13 Bwana anasema: “Watu hawa hunikaribia kwa vinywa vyao na kuniheshimu kwa midomo yao, lakini mioyo yao iko mbali nami. Ibada yao kwangu inatokana na maagizo waliyofundishwa na wanadamu.
Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,
14 Kwa hiyo mara nyingine tena nitawashangaza watu hawa, kwa ajabu juu ya ajabu. Hekima ya wenye hekima itapotea, nayo akili ya wenye akili itatoweka.”
sidaas daraaddeed bal eega, waxaan mar kale dadkan dhexdiisa ku sii samayn doonaa waxyaalo yaab ah, waana waxyaalo yaab iyo naxdinba leh, oo xigmadda nimankooda xigmadda leh way baabbi'i doontaa, oo waxgarashada raggooda garashada lehna way qarsoomi doontaa.
15 Ole kwa wale wanaokwenda kwenye vilindi virefu kumficha Bwana mipango yao, wafanyao kazi zao gizani na kufikiri, “Ni nani anayetuona? Ni nani atakayejua?”
Waxaa iska hoogay kuwa taladooda Rabbiga aad uga qariya, oo shuqulladoodana gudcurka ku sameeya, oo sii yidhaahda, Bal yaa na arka? Yaase na og?
16 Mnapindua mambo juu chini, kana kwamba mfinyanzi aweza kufikiriwa kuwa kama udongo wa mfinyanzi! Je, kile kilichofinyangwa chaweza kumwambia yule aliyekifinyanga, “Wewe hukunifinyanga mimi?” Je, chungu kinaweza kumwambia mfinyanzi, “Wewe hujui chochote?”
Waa sidee qalloocnaantiinnu! Dheryasameeyaha ma in lagu tiriyaa dhoobada, si wixii la sameeyey, uu kii sameeyey ka yidhaahdo, Isagu ima uu samayn, wixii la suubbiyeyna uu kii suubbiyey ka yidhaahdo, Isagu waxba garan maayo?
17 Kwa muda mfupi sana, je, Lebanoni haitageuzwa kuwa shamba lenye rutuba, na shamba lenye rutuba liwe kama msitu?
Sow in yaru kama hadhin intay Lubnaan beer midho badan u rogman doonto, oo beerta midhaha badanna duud oo kale lagu tirin doono?
18 Katika siku ile viziwi watasikia maneno ya kitabu, na katika utusitusi na giza macho ya kipofu yataona.
Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.
19 Mara nyingine tena wanyenyekevu watafurahi katika Bwana, wahitaji watafurahi katika yeye Aliye Mtakatifu wa Israeli.
Oo kuwa hooseeyaana aad bay Rabbiga ugu sii farxi doonaan, oo masaakiinta dadka ku dhex jirtaana waxay ku rayrayn doonaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
20 Wakatili watatoweka na wenye kudhihaki watatokomea, nao wote wenye jicho la uovu watakatiliwa mbali,
Waayo, kii wax dulmi jiray siima jiri doono, oo kii wax quudhsan jirayna wuu dhammaan doonaa, oo kuwa xumaanta suga oo dhanna way baabbi'i doonaan,
21 wale ambao kwa neno humfanya mtu kuwa mwenye hatia, wamtegeao mtego mtetezi katika mahakama, na kwa ushuhuda wa uongo humnyima haki yeye asiye na hatia.
kuwaasoo ah kuwa nin hadal aawadiis xumaanfale kaga dhiga, oo dabinka u dhiga kan iridda ku garnaqa oo kan xaqa ahna ku leexiya wax aan waxba ahayn.
22 Kwa hiyo hili ndilo Bwana, aliyemkomboa Abrahamu, analosema kwa nyumba ya Yakobo: “Yakobo hataaibishwa tena, wala nyuso zao hazitabadilika sura tena.
Haddaba Rabbigii Ibraahim soo furtay wuxuu reer Yacquub ka leeyahay, Reer Yacquub haatan ceeboobi maayo, oo wejigiisuna mar dambe cabsi la caddaan maayo.
23 Wakati watakapoona watoto wao miongoni mwao, kazi ya mikono yangu, watalitakasa Jina langu takatifu; wataukubali utakatifu wa yeye Aliye Mtakatifu wa Yakobo, nao watamcha Mungu wa Israeli.
Laakiinse carruurtiisu markay dhexdooda ku arkaan shuqulka gacmahayga ayay magacayga quduus ka dhigi doonaan, oo waxay quduus ka dhigi doonaan kan Quduuska ah ee reer Yacquub, oo waxay ka cabsan doonaan Ilaaha reer binu Israa'iil.
24 Wale wanaopotoka rohoni watapata ufahamu, nao wale wanaolalamika watayakubali mafundisho.”
Oo weliba kuwa xagga ruuxa ka qaldamaa garaad bay yeelan doonaan, oo kuwa iska gunuunacaana cilmi bay baran doonaan.

< Isaya 29 >