< Isaya 2 >

1 Hili ndilo aliloliona Isaya mwana wa Amozi kuhusu Yuda na Yerusalemu:
Kanu waa eraygii uu Ishacyaah ina Aamoos ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem.
2 Katika siku za mwisho mlima wa Hekalu la Bwana utaimarishwa kama mlima mkuu miongoni mwa milima yote, utainuliwa juu ya vilima, na mataifa yote yatamiminika huko.
Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan.
3 Mataifa mengi yatakuja na kusema, “Njooni, twendeni mlimani mwa Bwana, kwenye nyumba ya Mungu wa Yakobo. Atatufundisha njia zake, ili tuweze kuenenda katika mapito yake.” Sheria itatoka Sayuni, neno la Bwana litatoka Yerusalemu.
Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.
4 Atahukumu kati ya mataifa na ataamua migogoro ya mataifa mengi. Watafua panga zao ziwe majembe, na mikuki yao kuwa miundu ya kukata matawi. Taifa halitainua upanga dhidi ya taifa jingine, wala hawatajifunza vita tena.
Oo isaguna quruumuhuu u kala garsoori doonaa, oo dad badan ayuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.
5 Njooni, enyi nyumba ya Yakobo, tutembeeni katika nuru ya Bwana.
Reer Yacquubow, kaalaya, oo aynu iftiinka Rabbiga ku dhex soconnee.
6 Umewatelekeza watu wako, nyumba ya Yakobo. Wamejaa ushirikina utokao Mashariki, wanapiga ramli kama Wafilisti na wanashikana mikono na wapagani.
Waad ka tagtay dadkaagii reer Yacquub, maxaa yeelay, waxay ka buuxsameen waxyaalihii bariga, oo waa faaliyayaal sida reer Falastiin, oo waxay la heshiiyaan dad shisheeyayaal ah.
7 Nchi yao imejaa fedha na dhahabu, hakuna mwisho wa hazina zao. Nchi yao imejaa farasi, hakuna mwisho wa magari yao.
Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa lacag iyo dahab, oo khasnadahooduna dhammaad ma leh, oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa fardo, oo gaadhifardoodyadooduna innaba dhammaad ma leh.
8 Nchi yao imejaa sanamu, wanasujudia kazi za mikono yao, vitu vile vidole vyao vimevitengeneza.
Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa sanamyo, oo waxay caabudaan shuqulkii gacmahooda, iyo wixii ay farahoodu sameeyeen.
9 Kwa hiyo mwanadamu atashushwa na binadamu atanyenyekezwa: usiwasamehe.
Oo ninka hoose waa u foororsadaa, oo ninka weynuna waa isu hoosaysiiyaa, haddaba dembigooda ha ka cafiyin.
10 Ingieni kwenye miamba, jificheni ardhini kutokana na utisho wa Bwana na utukufu wa enzi yake!
Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo.
11 Macho ya mtu mwenye majivuno yatanyenyekezwa na kiburi cha wanadamu kitashushwa, Bwana peke yake ndiye atakayetukuzwa siku hiyo.
Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
12 Bwana Mwenye Nguvu Zote anayo siku aliyoiweka akiba kwa wote wenye kujivuna na wenye kiburi, kwa wote wanaojikweza (nao watanyenyekezwa),
Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa,
13 kwa mierezi yote ya Lebanoni iliyo mirefu sana, na mialoni yote ya Bashani,
iyo weliba geedaha kedar la yidhaahdo ee Lubnaan ee dhaadheer ee sare u baxa oo dhan, iyo geedaha eelaah la yidhaahdo ee Baashaan oo dhan,
14 kwa milima yote mirefu na vilima vyote vilivyoinuka,
iyo buuraha dhaadheer oo dhan, iyo kuraha sare u jooga oo dhan,
15 kwa kila mnara ulio mrefu sana na kila ukuta wenye ngome,
iyo munaarad kasta oo dheer, iyo derbi kasta oo deyr leh,
16 kwa kila meli ya biashara, na kila chombo cha baharini cha fahari.
iyo doonniyaha Tarshiish oo dhan, iyo taswiiro la jecel yahay oo dhan.
17 Majivuno ya mwanadamu yatashushwa, na kiburi cha wanadamu kitanyenyekezwa, Bwana peke yake ndiye atatukuzwa siku hiyo,
Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
18 nazo sanamu zitatoweka kabisa.
Oo sanamyaduna dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.
19 Watu watakimbilia kwenye mapango ndani ya miamba, na kwenye mahandaki ardhini kutokana na utisho wa Bwana na utukufu wa enzi yake, ainukapo kuitikisa dunia.
Markii Rabbigu u soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo ayay dadku cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa ka geli doonaan qorrofyada dhagaxyada, iyo godadka dhulka.
20 Siku ile, watu watawatupia panya na popo sanamu zao za fedha na za dhahabu, walizozitengeneza ili waziabudu.
Oo maalintaas dadku sanamyadooda lacagta ah iyo sanamyadooda dahabka ah oo ay u samaysteen inay caabudaan waxay u tuuri doonaan jiirarka iyo fiidmeeraha,
21 Watakimbilia kwenye mapango miambani na kwenye nyufa za miamba kutokana na utisho wa Bwana na utukufu wa enzi yake, ainukapo kuitikisa dunia.
si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.
22 Acheni kumtumainia mwanadamu, ambaye hana kitu ila pumzi katika pua zake. Yeye ana thamani gani?
Ka joogsada binu-aadmiga ay neeftiisu ku jirto dulalka sankiisa, waayo, bal maxaa isaga lagu tiriyaa?

< Isaya 2 >