< Isaya 12 >
1 Katika siku ile utasema: “Nitakusifu wewe, Ee Bwana. Ingawa ulinikasirikia, hasira yako imegeukia mbali nawe umenifariji.
Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahadnaqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay.
2 Hakika Mungu ni wokovu wangu; nitamtumaini wala sitaogopa. Bwana, Bwana, ni nguvu zangu na wimbo wangu; amekuwa wokovu wangu.”
Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda.
3 Kwa furaha mtachota maji kutoka visima vya wokovu.
Haddaba farxad baad biyo kaga dhaansan doontaan ceelasha badbaadada.
4 Katika siku hiyo mtasema: “Mshukuruni Bwana, mliitie jina lake; julisheni miongoni mwa mataifa yale aliyoyafanya, tangazeni kuwa jina lake limetukuka.
Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.
5 Mwimbieni Bwana, kwa kuwa ametenda mambo makuu, hili na lijulikane duniani kote.
Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya.
6 Pazeni sauti mwimbe kwa furaha, watu wa Sayuni, kwa maana mkuu ni yeye Aliye Mtakatifu wa Israeli miongoni mwenu.”
Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.