< Ezekieli 17 >
1 Neno la Bwana likanijia kusema:
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2 “Mwanadamu, tega kitendawili, ukawaambie nyumba ya Israeli fumbo.
Wiilka Aadamow, halxidho, oo reer binu Israa'iil masaal kula hadal,
3 Waambie hivi, ‘Hili ndilo Bwana Mwenyezi asemalo: Tai mkubwa mwenye mabawa yenye nguvu, yaliyojaa manyoya marefu ya rangi mbalimbali, alikuja Lebanoni. Akatua kwenye kilele cha mwerezi,
oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa Lubnaan yimid gorgor weyn oo baadad waaweyn oo baalashiisu dheerdheer yihiin, oo baalal badan oo kala midab ah leh, oo wuxuu qaatay intii ugu sarraysay oo geedka kedarka la yidhaahdo.
4 akakwanyua ncha yake na kuichukua mpaka nchi ya wafanyabiashara, akaipanda huko katika mji wa wachuuzi.
Oo wuxuu jaray laamihiisii yaryaraa, ta ugu korraysa, oo dal baayacmushtar badan geeyey, oo wuxuu dhigay magaalo baayacmushtariyaal.
5 “‘Akachukua baadhi ya mbegu za nchi yako na kuziweka katika udongo wenye rutuba. Akazipanda kama mti umeao kando ya maji mengi,
Markaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah.
6 nazo zikaota na kuwa mzabibu mfupi, unaoeneza matawi yake. Matawi yake yakamwelekea huyo tai, mizizi yake ikabaki chini ya huo mzabibu. Kwa hiyo ukawa mzabibu na kutoa matawi na vitawi vyenye majani mengi.
Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.
7 “‘Lakini kulikuwa na tai mwingine mkubwa, mwenye mabawa yenye nguvu yaliyojaa manyoya. Tazama! Huu mzabibu ukatoa mizizi yake kumwelekea huyo tai kutoka mle kwenye shamba lile ulikopandwa na kutanda matawi yake kumwelekea kwa ajili ya kupata maji.
Oo weliba waxaa kaloo jiray gorgor kale oo weyn, oo baadad waaweyn, oo baalashiisu ay badan yihiin, oo bal eeg, geedkan canabka ahu xididdadiisuu xaggiisa u soo leexiyey, oo laamihiisiina xaggiisuu u soo bixiyey si uu uga waraabiyo meel ka leexsan meeshii lagu dhex beeray.
8 Ulikuwa umepandwa katika udongo mzuri wenye maji mengi ili uweze kutoa matawi, kuzaa matunda na uweze kuwa mzabibu mzuri sana.’
Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.
9 “Waambie, ‘Hili ndilo Bwana Mwenyezi asemalo: Je, utastawi? Je, hautangʼolewa na kuondolewa matunda yake, ili uweze kunyauka? Majani yake mapya yanayochipua yote yatanyauka. Hautahitaji mkono wenye nguvu au watu wengi kuungʼoa na mizizi yake.
Waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miyaa geedkaasu liibaani doonaa? Miyuusan xididdadiisa rujin doonin, oo uusan midhihiisa u googooyn doonin si uu u engego, oo caleemihiisa cagaarka ah oo dhammu ay u engegaan, in kastoo aan xoog weyn amase dad tiro badanu xididdadiisa rujin?
10 Hata kama utapandwa pengine, Je, utastawi? Je, hautanyauka kabisa wakati upepo wa mashariki utakapoupiga, yaani, hautanyauka kabisa katika udongo mzuri ambamo ulikuwa umestawi vizuri?’”
In kastoo la beeray miyuu liibaani doonaa? Oo miyuusan kulligiis engegi doonin markii dabaysha bari ay taabato? Meeshii lagu beeray wuu ka engegi doonaa.
11 Ndipo neno la Bwana likanijia kusema:
Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
12 “Waambie nyumba hii ya kuasi, ‘Je, mnajua hii ina maana gani?’ Waambie: ‘Mfalme wa Babeli alikwenda Yerusalemu na kumchukua mfalme na watu maarufu, akarudi nao na kuwaleta mpaka Babeli.
Haddaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay.
13 Ndipo akamchukua mmoja wa jamaa ya mfalme na kufanya mapatano naye, akamfanya aape. Akawachukua pia viongozi wa nchi,
Oo boqorka farcankiisiina wuu watay, oo axdi buu la dhigtay, oo dhaar buu isagii marsaday, oo weliba wuxuu kaloo kaxaystay dalka raggiisii xoogga badnaa,
14 ili kuudhoofisha ufalme huo, usiweze kuinuka tena, ila uweze kuendelea tu chini ya mapatano yake.
si ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis.
15 Lakini mfalme aliasi dhidi yake kwa kutuma wajumbe wake kwenda Misri ili kupatiwa farasi na jeshi kubwa. Je, atashinda? Je, atafanikiwa? Je, mtu afanyaye mambo kama hayo ataokoka? Je, atavunja mapatano na bado aokoke?
Laakiinse isagu wuu ku caasiyoobay markuu ergooyinkiisii Masar ugu diray si ay isaga u siiyaan fardo iyo dad faro badan. Miyuu liibaanayaa? Kii waxyaalahaas oo kale sameeyaa miyuu baxsan doonaa? Amase intuu axdiga jebiyo miyuu baxsan doonaa?
16 “‘Hakika kama niishivyo, asema Bwana Mwenyezi, atafia huko Babeli, katika nchi ya mfalme aliyemketisha katika kiti cha enzi, ambaye alidharau kiapo chake na kuvunja mapatano yake.
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah meesha uu deggan yahay boqorkii isaga boqorka ka dhigay, oo uu isagu dhaartiisii quudhsaday, oo uu weliba axdigiisii jebiyey, isaga qudhdiisa ayuu Baabuloon gudaheeda kula dhiman doonaa.
17 Farao na jeshi lake kubwa, na wingi wake wa watu hawataweza kusaidia chochote katika vita, wakati watakapozungukwa na jeshi ili kukatilia mbali maisha ya watu wengi.
Oo Fircoon iyo ciidankiisa xoogga badan, iyo guuto badan toona isaga dagaalka kuma ay taageeri doonaan marka tuulmo la tuulo, oo qalcado la dhiso si dad badan loo baabbi'iyo.
18 Alidharau kiapo kwa kuvunja Agano. Kwa sababu aliahidi kwa mkono wake mwenyewe na bado akafanya mambo haya yote, hataokoka.
Maxaa yeelay, isagu dhaartii wuu quudhsaday markuu axdigii jebiyey, oo intuu gacantiisa ku dhaartay ayuu haddana waxyaalahaas oo dhan sameeyey, oo sidaas aawadeed innaba ma uu baxsan doono.
19 “‘Kwa hiyo hili ndilo Bwana Mwenyezi asemalo: Hakika kama niishivyo, nitaleta juu ya kichwa chake kiapo changu, alichokidharau na Agano langu lile alilolivunja.
Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah dhaartaydii uu quudhsaday iyo axdigaygii uu jebiyey ayaan madaxiisa kaga abaalmarin doonaa.
20 Nitautandaza wavu wangu kwa ajili yake, naye atanaswa katika mtego wangu. Nitamleta mpaka Babeli na kutekeleza hukumu juu yake huko kwa kuwa hakuwa mwaminifu kwangu.
Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.
21 Askari wake wote wanaotoroka wataanguka kwa upanga, nao watakaonusurika watatawanyika katika pande zote za dunia. Ndipo utakapojua kuwa Mimi Bwana nimesema.
Oo kuwiisa qaxay ee guutooyinkiisa oo dhammuba seef bay ku le'an doonaan, oo inta ka hadhaana waxay u kala firdhi doonaan qalbadaha oo dhan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan aniga Rabbiga ahu waxan ku hadlay.
22 “‘Hili ndilo Bwana Mwenyezi asemalo: Mimi mwenyewe nitachukua chipukizi kutoka kwenye kilele cha juu sana cha mwerezi na kukipanda, nitavunja kitawi kichanga kutoka matawi yake ya juu kabisa na kukipanda juu ya mlima mrefu ulioinuka sana.
Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan qaadan doonaa geedkedarka dheer laantiisa ugu sarraysa, oo meel baan ka taagi doonaa, oo waxaan gooyn doonaa mid curdan ah oo ka mid ah laamihiisa yaryar oo ugu korreeya, oo waxaan ku dul beeri doonaa buur dheer oo sare.
23 Katika vilele vya mlima mrefu wa Israeli nitakipanda, kitatoa matawi na kuzaa matunda na kuwa mwerezi mzuri sana. Ndege wa kila aina wataweka viota vyao ndani yake, nao watapata makazi katika kivuli cha matawi yake.
Buurta dheer oo dalka reer binu Israa'iil ayaan ku beeri doonaa, oo waxay soo bixin doontaa laamo, oo midhona way dhali doontaa, oo waxay noqon doontaa geedkedar wanaagsan, oo waxaa hoostiisa ku hoyan doona haad cayn kasta ah, oo waxay degganaan doonaan hooska laamihiisa.
24 Miti yote ya kondeni itajua kuwa Mimi Bwana ninaishusha miti mirefu na kuikuza miti mifupi kuwa miti mirefu. Mimi naikausha miti mibichi na kuifanya miti mikavu istawi. “‘Mimi Bwana nimesema, nami nitatenda.’”
Oo dhirta duurka ku taal oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan geedkii sare hoos u dejiyey, oo aan geedkii hoose kor u qaaday, iyo inaan geedkii qoyanaa qallajiyey, oo aan geedkii qallalnaa magooliyey. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas sameeyey.