< Kutoka 40 >

1 Kisha Bwana akamwambia Mose:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo ku yidhi,
2 “Simika Maskani ya Mungu, yaani Hema la Kukutania, katika siku ya kwanza ya mwezi wa kwanza.
Bisha kowaad maalinteeda kowaad waa inaad taambuugga teendhada shirka qotomisaa.
3 Weka Sanduku la Ushuhuda ndani yake na ulifunike kwa pazia. Ingiza meza na kupanga vitu vyake juu yake.
Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.
4 Kisha ingiza kinara cha taa na uweke taa zake juu yake.
Oo miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa.
5 Weka madhabahu ya dhahabu ya kufukizia uvumba mbele ya Sanduku la Ushuhuda kisha uweke pazia kwenye lango la Maskani ya Mungu.
Oo meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh.
6 “Weka madhabahu ya sadaka za kuteketezwa mbele ya lango la Maskani ya Mungu, yaani Hema la Kukutania;
Oo meesha allabariga lagu gubona waxaad hor dhigtaa iridda taambuugga teendhada shirka.
7 weka sinia kati ya Hema la Kukutania na madhabahu, na uweke maji ndani yake.
Oo berkedda weysadana waxaad dhigtaa teendhada shirka iyo meesha allabariga dhexdooda, waana inaad biyo ku shubtaa.
8 Fanyiza ua kuzunguka maskani na uweke pazia penye ingilio la ua.
Oo waa inaad dayrka barxadda ku wareegsan qotomisaa, oo barxadda iriddeedana waxaad soo sudhaa daaha.
9 “Chukua mafuta ya upako, ipake Maskani ya Mungu pamoja na kila kitu kilichomo ndani yake; iweke wakfu pamoja na vitu vyote vilivyomo ndani mwake, nayo itakuwa takatifu.
Oo markaas waxaad qaadataa saliidda lagu subkado, oo waxaad ku subagtaa taambuugga, iyo waxa gudihiisa ku jira oo dhan, oo waa inaad quduus ka dhigtaa isaga iyo alaabtiisa oo dhanba; oo kolkaasuu quduus noqon doonaa.
10 Kisha yapake mafuta hayo madhabahu ya kuteketezea sadaka pamoja na vifaa vyake vyote; weka wakfu madhabahu nayo yatakuwa takatifu sana.
Oo waxaad kaloo subagtaa meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, oo meesha allabariga quduus ka dhig, oo markaasay meesha allabarigu waxay noqon doontaa tan ugu wada quduusan.
11 Paka sinia mafuta pamoja na kishikilio chake na uviweke wakfu.
Oo waxaad kaloo subagtaa berkedda weysada iyo salkeeda, oo waa inaad quduus ka dhigtaa.
12 “Mlete Aroni na wanawe kwenye ingilio la Hema la Kukutania na uwaoshe kwa maji.
Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad keentaa iridda teendhada shirka, oo waa inaad biyo ugu maydhaa iyaga.
13 Kisha mvike Aroni yale mavazi matakatifu, umtie mafuta na kumweka wakfu ili apate kunitumikia katikati ya ukuhani.
Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.
14 Walete wanawe na uwavike makoti.
Oo wiilashiisana waa inaad keentaa oo jubbado u gelisaa,
15 Kisha watie mafuta kama ulivyomtia baba yao, ili nao pia wanitumikie katika kazi ya ukuhani. Kutiwa mafuta kwao kutakuwa kwa ajili ya ukuhani utakaoendelea kwa vizazi vyote vijavyo.”
oo waa inaad iyana u subagtaa sidii aad aabbahood ugu subagtay oo kale, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada, oo subkiddoodu waxay iyaga u noqon doontaa wadaadnimo iyaga u jiraysa weligood iyo tan iyo ka ab ka ab.
16 Mose akafanya kila kitu sawa kama vile Bwana alivyomwagiza.
Sidaasuu Muuse yeelay, oo sidii Rabbigu ku amray oo dhan wuu wada sameeyey.
17 Kwa hiyo Maskani ya Mungu ilisimikwa katika siku ya kwanza ya mwezi wa kwanza, katika mwaka wa pili.
Oo sannaddii labaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa taambuuggii la qotomiyey.
18 Mose alipoweka wakfu Maskani ya Mungu, aliweka vitako mahali pake, akasimamisha mihimili, akatia mataruma na kusimamisha nguzo.
Oo Muuse wuxuu qotomiyey taambuuggii, saldhigyadiisiina wuu dhigay, oo wuxuu taagay looxyadiisii, ulahoodiina wuu ku gudbay, tiirarkiisiina wuu taagay.
19 Kisha akalitandaza hema juu ya Maskani ya Mungu na kuifunika hema, kama Bwana alivyomwagiza.
Oo taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
20 Akachukua ule Ushuhuda na kuuweka ndani ya Sanduku la Agano, akaweka ile mipiko ya kubebea hilo Sanduku na kuweka kiti cha rehema juu yake.
Markaasuu qaaday maraggii oo ku riday sanduuqii, oo ulihiina sanduuqii sudhay, daboolkiina wuxuu saaray sanduuqa dushiisii;
21 Kisha Mose akalileta Sanduku ndani ya Maskani ya Mungu, akatundika pazia ili kulifunika Sanduku la Ushuhuda, kama Bwana alivyomwagiza.
markaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
22 Mose akaweka meza ndani ya Hema la Kukutania, upande wa kaskazini ya Maskani ya Mungu nje ya pazia
Oo miiskiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka dibaddiisa oo ah taambuugga dhankiisa woqooyi.
23 na kupanga mikate juu yake mbele za Bwana, kama Bwana alivyomwagiza.
Oo intuu Rabbiga hor dhigay ayuu kibistii hagaajiyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
24 Akaweka kinara cha taa ndani ya Hema la Kukutania mkabala na meza upande wa kusini mwa Maskani ya Mungu
Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed.
25 na kuziweka taa mbele za Bwana, kama Bwana alivyomwagiza.
Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
26 Mose akaweka madhabahu ya dhahabu ndani ya Hema la Kukutania mbele ya pazia
Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa,
27 na kufukiza uvumba wenye harufu nzuri, kama Bwana alivyomwagiza.
oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
28 Kisha akaweka pazia kwenye ingilio la Maskani ya Mungu.
Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii.
29 Mose akaweka madhabahu ya sadaka za kuteketezwa karibu na ingilio la Maskani ya Mungu, yaani Hema la Kukutania, na kutoa juu yake sadaka za kuteketezwa na sadaka za nafaka kama Bwana alivyomwagiza.
Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
30 Akaweka sinia kati ya Hema la Kukutania na madhabahu, akaweka maji ndani yake kwa ajili ya kunawia,
Oo berkeddii weysadana wuxuu dhigay teendhadii shirka iyo meeshii allabariga dhexdooda, oo wuxuu ku shubay biyo in lagu maydho.
31 Naye Mose, Aroni na wanawe wakayatumia kwa kunawia mikono na miguu yao.
Oo Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisiiba gacmaha iyo cagaha ayay ku maydheen;
32 Wakanawa kila walipoingia katika Hema la Kukutania au walipoikaribia madhabahu kama Bwana alivyomwagiza Mose.
oo markay teendhada shirka galeen iyo markay meesha allabariga u soo dhowaadeenba way ku maydheen, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
33 Kisha Mose akafanya ua kuizunguka Maskani ya Mungu na madhabahu, pia akaweka pazia kwenye ingilio la huo ua. Hivyo Mose akaikamilisha kazi.
Markaasuu qotomiyey dayrkii barxadda taambuuggii iyo meeshii allabariga ku wareegsanaa, oo barxadda iriddeediina wuxuu sudhay daahii. Sidaasuu Muuse shuqulkii u dhammeeyey.
34 Ndipo wingu likafunika Hema la Kukutania, na utukufu wa Bwana ukaijaza Maskani ya Mungu.
Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay.
35 Mose hakuweza kuingia ndani ya Hema la Kukutania kwa sababu wingu lilikuwa limetua juu ya Hema, nao utukufu wa Bwana ukaijaza Maskani ya Mungu.
Oo Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday.
36 Katika safari yote ya Waisraeli, kila wakati wingu lilipoinuka kutoka juu ya Maskani ya Mungu, wangeondoka;
Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan,
37 lakini kama wingu halikuinuka, hawakuondoka, mpaka siku lilipoinuka.
laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado.
38 Kwa hiyo wingu la Bwana lilikuwa juu ya maskani mchana, na moto ulikuwa katika hilo wingu wakati wa usiku, machoni pa nyumba yote ya Israeli siku zote za safari zao.
Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.

< Kutoka 40 >