< Kutoka 16 >

1 Jumuiya yote ya Kiisraeli ikaondoka Elimu, wakafika Jangwa la Sini, lililokuwa kati ya Elimu na Sinai, siku ya kumi na tano ya mwezi wa pili baada ya kutoka Misri.
Markaasay ka ambabbexeen Eelim, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen cidlada Siin la yidhaahdo, taasoo u dhaxaysa Eelim iyo Siinay, waxayna ahayd bishii labaad, maalinteedii shan iyo tobnaad, taasoo ka dambaysay baxniintii ay Masar ka soo bexeen.
2 Huko jangwani hiyo jumuiya yote wakawanungʼunikia Mose na Aroni.
Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu cidladii Muuse iyo Haaruun ugu gunuuseen.
3 Waisraeli wakawaambia, “Laiti tungelikufa kwa mkono wa Bwana huko Misri! Huko tuliketi tukizunguka masufuria ya nyama na tukala vyakula tulivyovitaka, lakini ninyi mmetuleta huku jangwani ili mpate kuua mkutano huu wote kwa njaa.”
Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.
4 Kisha Bwana akamwambia Mose, “Nitanyesha mikate kutoka mbinguni kwa ajili yenu. Watu watatoka kila siku na kukusanya kitakachowatosha kwa siku ile, kwa njia hii, nitawajaribu nione kama watafuata maelekezo yangu.
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waxaan samada idiinka soo dayn doonaa kibis, oo dadku waa inay dibadda u baxaan oo maalin walba soo urursadaan in maalin ku filan, si aan u tijaabiyo iyaga, bal inay sharcigayga ku socdaan iyo in kale.
5 Siku ya sita watatayarisha kile waletacho ndani, nacho kitakuwa mara mbili kuliko ya kile walichokusanya kila siku.”
Oo maalinta lixaad waa inay diyaarsadaan wixii ay soo gurteen, kolkaasay noqon doontaa intii ay maalin walba guran jireen in labanlaabkeed ah.
6 Kwa hiyo Mose na Aroni wakawaambia Waisraeli wote, “Jioni mtajua kwamba Bwana ndiye aliwatoa Misri,
Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhaahdeen, Makhribka baad ogaan doontaan inuu Rabbigu idinka soo bixiyey dalkii Masar,
7 kisha asubuhi mtauona utukufu wa Bwana, kwa sababu amesikia manungʼuniko yenu dhidi yake. Sisi ni nani hata mtunungʼunikie?”
oo subaxdana waxaad arki doontaan ammaantii Rabbiga, waayo, wuu maqlayaa gunuuskiinna aad Rabbiga u gunuusaysaan. Oo annagu maxaannu nahay oo aad noogu gunuusaysaan?
8 Pia Mose akasema, “Mtajua kuwa alikuwa Bwana wakati atakapowapa nyama mle ifikapo jioni na mikate yote mtakayohitaji asubuhi kwa sababu amesikia manungʼuniko yenu dhidi yake. Sisi ni nani? Hamnungʼuniki dhidi yetu, bali dhidi ya Bwana.”
Markaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga.
9 Kisha Mose akamwambia Aroni, “Iambie jumuiya yote ya Waisraeli kwamba, ‘Mje mbele zake Bwana, kwa maana amesikia manungʼuniko yenu.’”
Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Shirka reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga hortiisa ku soo dhowaada; waayo, wuu maqlay gunuuskiinnii.
10 Aroni alipokuwa akizungumza na jumuiya yote ya Waisraeli, wakatazama kuelekea jangwani, na huko wakaona utukufu wa Bwana ukitokeza katika wingu.
Intii Haaruun la hadlayay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan waxay eegeen xaggii cidlada, oo bal eeg, ammaantii Rabbiga ayaa daruurtii ka dhex muuqatay.
11 Bwana akamwambia Mose,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu isagii ku yidhi,
12 “Nimesikia manungʼuniko ya Waisraeli. Waambie, ‘Jioni mtakula nyama, na asubuhi mtashiba mikate. Ndipo mtajua ya kwamba Mimi ndimi Bwana Mungu wenu.’”
Anigu waan maqlay gunuuskii reer binu Israa'iil; haddaba la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Makhribka waxaad cuni doontaan hilib, subaxdana waxaad ka dhergi doontaan kibis; oo waad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.
13 Jioni ile kware wakaja wakaifunika kambi na asubuhi kulikuwa na tabaka la umande kuzunguka kambi.
Oo waxaa dhacday in makhribkii digaagduur yimaadeen oo ay xeradii oo dhan qariyeen, oo subaxdiina waxaa degmadii hareeraheeda ku soo degay sayax.
14 Wakati umande ulipoondoka, vipande vidogo vidogo kama theluji vilionekana juu ya uso wa jangwa.
Oo markii sayaxii soo degay baabba'ay ayaa waxaa dhulkii cidlada ku hadhay wax yaryar oo goobaaban oo laale'eg sayax barafoobay.
15 Waisraeli walipoona, wakaambiana, “Hiki ni nini?” Kwa kuwa hawakujua kilikuwa kitu gani. Mose akawaambia, “Huu ndio mkate ambao Bwana amewapa mle.
Oo markay reer binu Israa'iil arkeen ayaa midkoodba ka kale ku yidhi, Maxay tahay? Waayo, ma ay garanayn waxay tahay. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Tanu waa kibistii Rabbigu idiin siiyey inaad cuntaan.
16 Hivi ndivyo Bwana alivyoamuru: ‘Kila mmoja akusanye kiasi anachohitaji. Chukueni pishi moja kwa kila mtu mliye naye katika hema yenu.’”
Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado.
17 Waisraeli wakafanya kama walivyoambiwa, baadhi yao wakakusanya zaidi, wengine pungufu.
Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen, oo qaarna wax badan buu soo gurtay, qaarna wax yar.
18 Nao walipopima katika pishi, yule aliyekusanya zaidi hakuwa na ziada, wala aliyekusanya kidogo hakupungukiwa. Kila mmoja alikusanya kiasi alichohitaji.
Oo markay comerkii ku qiyaaseen, kii wax badan soo gurtay waxba kama hadhin, kii wax yar soo gurtayna waxba kama dhinmin, oo nin waluba in cuntadiisa ugu filan buu soo gurtay.
19 Kisha Mose akawaambia, “Mtu yeyote asibakize chochote mpaka asubuhi.”
Markaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna yuusan wax ka reebin ilaa subaxda.
20 Hata hivyo, wengine hawakuzingatia aliyosema Mose, wakahifadhi kiasi fulani mpaka asubuhi, lakini kile alichohifadhi kikajaa mabuu na kuanza kunuka. Kwa hiyo Mose akawakasirikia.
Habase yeeshee Muuse ma ay dhegaysan, laakiinse qaarkood baa wax ka reebay ilaa subaxdii, kolkaasaa dirxi galay, oo ay urtay. Markaasaa Muusena iyagii u cadhooday.
21 Kila asubuhi, kila mmoja alikusanya kiasi alichohitaji na jua lilipokuwa kali, iliyeyuka.
Oo subax kasta nin waluba wuxuu guran jiray in cuntadiisa ugu filan; oo markii qorraxdu soo kululaatana, way dhalaali jirtay.
22 Siku ya sita, wakakusanya mara mbili, kiasi cha pishi mbili kwa kila mtu, nao viongozi wa jumuiya wakaja kumwarifu Mose.
Oo maalintii lixaad waxay soo gurteen kibistii hore labanlaabkeed, qof waluba wuxuu soo gurtay laba comer, markaasaa taliyayaashii shirka oo dhammu intay u yimaadeen Muuse u sheegeen.
23 Mose akawaambia, “Hivi ndivyo alivyoagiza Bwana: ‘Kesho itakuwa siku ya mapumziko, Sabato takatifu kwa Bwana. Kwa hiyo okeni kile mnachotaka kuoka na mchemshe kile mnachotaka kuchemsha. Hifadhini chochote kinachobaki na mkiweke mpaka asubuhi.’”
Kolkaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu ku hadlay, Berri waa maalin weyn oo nasasho ah, oo waa sabti quduus u ah Rabbiga. Wixii aad duban lahaydeen dubta, oo wixii aad karin lahaydeen kariya, oo wax alla wixii idiin hadha meel dhigta oo ha idiin yaalleen ilaa subaxda.
24 Kwa hiyo wakavihifadhi mpaka asubuhi, kama Mose alivyoagiza, na havikunuka wala kuwa na mabuu.
Kolkaasay meel dhigteen ilaa subaxdii, sidii Muuse ku amray; oo mana ay urin, dirxina laguma arag.
25 Mose akawaambia, “Kuleni leo, kwa sababu leo ni Sabato kwa Bwana. Hamtapata chochote juu ya nchi leo.
Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Intan maanta cuna; waayo, maanta waa maalin sabti u ah Rabbiga; oo maanta waxba duurka ka heli maysaan.
26 Kwa siku sita mtakusanya, lakini siku ya saba, yaani Sabato, hakutakuwepo chochote.”
Lix maalmood waa inaad soo gurataan, laakiinse maalinta toddobaad waa sabtida, oo maalintaas waxba ma jiri doonaan innaba.
27 Hata hivyo, baadhi ya watu wakatoka kwenda kukusanya siku ya saba, lakini hawakupata chochote.
Oo waxaa dhacday maalintii toddobaad inay dadkii qaarkood dibadda u bexeen inay wax soo gurtaan, laakiinse waxba ma ay helin.
28 Ndipo Bwana akamwambia Mose, “Je, mtaacha kushika maagizo na maelekezo yangu mpaka lini?
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ilaa goormaad diidaysaan inaad dhawrtaan amarradayda iyo qaynuunnadayda?
29 Fahamuni kuwa Bwana amewapa ninyi Sabato, ndiyo sababu katika siku ya sita amewapa mikate ya siku mbili. Kila mmoja inampasa kukaa pale alipo katika siku ya saba. Hata mmoja haruhusiwi kutoka.”
Bal eega, Rabbigu wuxuu idin siiyey sabtida, oo sidaas daraaddeed buu isagu maalintii lixaad idiin siiyey kibis laba maalmood idinku filan; haddaba nin kasta oo idinka mid ahu meeshiisa ha joogo, oo maalinta toddobaad ninna yuusan meeshiisa ka bixin.
30 Kwa hiyo watu wakapumzika siku ya saba.
Oo sidaas daraaddeed baa dadkii maalintii toddobaad u nasteen.
31 Watu wa Israeli wakaita ile mikate mana Ilikuwa myeupe kama mbegu za mtama na ladha yake ilikuwa kama mkate mwembamba uliotengenezwa kwa asali.
Oo reer binu Israa'iil waxay magaceedii u bixiyeen Maanna; oo waxay u caddayd sida midhaha koryander la yidhaahdo, waxayna u dhadhan ekayd sidii buskud malab lagu sameeyey.
32 Mose akasema, “Hivi ndivyo alivyoagiza Bwana: ‘Chukueni pishi ya mana na kuhifadhi kwa ajili ya vizazi vijavyo ili vione mikate niliyowapa mle jangwani nilipowatoa katika nchi ya Misri.’”
Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, oo wuxuu yidhi, Comer muggiis ha loo dhigo farcankiinna dambe, inay arkaan kibistii aan idinku masruufi jiray markaad cidlada joogteen oo aan dalkii Masar idinka soo bixiyey.
33 Kwa hiyo Mose akamwambia Aroni, “Chukua gudulia na uweke pishi moja ya mana ndani yake. Kisha uweke mbele za Bwana ili kihifadhiwe kwa ajili ya vizazi vijavyo.”
Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Weel qaado oo waxaad ku shubtaa comer muggiis oo Maanna ah, oo Rabbiga hor dhig in loo hayo farcankiinna dambe.
34 Kama Bwana alivyomwagiza Mose, hatimaye Aroni alikuja kuihifadhi ndani ya Sanduku la Ushuhuda.
Sidii Rabbigu Muuse ku amray ayaa Haaruun Maragga hortiis u dhigay, in loo hayo aawadeed.
35 Waisraeli wakala mana kwa miaka arobaini, mpaka walipofika katika nchi iliyokaliwa na watu; walikula mana hadi walipofika mpakani mwa Kanaani.
Oo reer binu Israa'iil waxay maannadii cunayeen afartan sannadood, ilaa ay yimaadeen dhul la deggan yahay. Waxay cuni jireen maannadii ilaa ay yimaadeen dalkii reer Kancaan xadkiisii.
36 (Pishi moja ni sehemu ya kumi ya kipimo cha efa.)
Comer waa eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis.

< Kutoka 16 >