< Kutoka 12 >
1 Bwana akamwambia Mose na Aroni katika nchi ya Misri,
Oo Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun kula hadlay dalka Masar, oo ku yidhi,
2 “Mwezi huu utakuwa mwanzo wa miezi kwenu, yaani mwezi wa kwanza wa mwaka wenu.
Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad.
3 Iambie jumuiya yote ya Israeli kwamba katika siku ya kumi ya mwezi huu, kila mtu atatwaa mwana-kondoo mmoja kwa ajili ya familia yake, mmoja kwa kila nyumba.
Shirka reer binu Israa'iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qoys waluba wan ha qaato;
4 Ikiwa nyumba yoyote ina watu wachache wasioweza kumaliza huyo mwana-kondoo mzima, nyumba hiyo itabidi ishirikiane na nyumba ya jirani wa karibu, baada ya kuzingatia idadi ya watu waliomo. Mtaangalia ni kiasi gani cha nyama kitahitajika kulingana na mahitaji ya kila mtu.
oo haddii qoys uusan wada qaadan karin wan, de markaas waa in isaga iyo deriskiisa oo ah kan qoyskiisa ku xiga ay mid wada qaataan oo ay u qaybsadaan sida tirada dadku tahay; nin walba sida cuntadiisu tahay waa inaad u tirisaan kalaqaybinta wanka.
5 Wanyama mtakaowachagua, lazima wawe wa kiume wa umri wa mwaka mmoja wasiokuwa na dosari, mwaweza kuwachukua kati ya kondoo au mbuzi.
Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyada ka bixisaan,
6 Tunzeni wanyama hao mpaka siku ya kumi na nne ya mwezi, ambapo lazima watu wa jumuiya yote ya Israeli wachinje wanyama hao wakati wa jioni.
oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan.
7 Ndipo watakapochukua baadhi ya hiyo damu na kuipaka kwenye vizingiti vya juu na miimo ya milango ya nyumba ambamo watakula wana-kondoo hao.
Oo waa inay dhiigga wax ka qaataan, oo ay mariyaan fayaaradda albaabka labadeeda dhinac iyo meesheeda sare oo ah guryaha ay wax ku dhex cuni doonaan.
8 Usiku huo huo watakula nyama iliyookwa kwenye moto, pamoja na mboga chungu za majani na mikate isiyotiwa chachu.
Oo habeenkaas waa inay cunaan hilibka oo dab lagu dubay, iyo kibis aan khamiir lahayn, oo ha ku cuneen caleemo qadhaadh.
9 Msile nyama mbichi wala iliyochemshwa, lakini iwe imeokwa kwenye moto, kichwa, miguu na nyama zake za ndani.
Ha cunina isagoo ceedhiin ama biyo lagu kariyey, laakiin waxaad cuntaan isagoo dab lagu dubay, oo qaba madaxiisa iyo mijihiisa iyo waxa gudihiisa ku jira qaba.
10 Msibakize nyama yoyote mpaka asubuhi; nazo kama zitabakia mpaka asubuhi, lazima mziteketeze kwa moto.
Oo waa inaydnaan waxba ka reebin ilaa subaxda, laakiin waxa ka hadha markuu waagu beryo waa inaad dab ku gubtaan.
11 Hivi ndivyo mtakavyokula: Mtajifunga mikanda viunoni, mtakuwa mmevaa viatu vyenu miguuni na kushika fimbo zenu mkononi mwenu. Mle kwa haraka; hii ni Pasaka ya Bwana.
Oo sidan waa inaad u cuntaan, idinkoo guntan, oo kabihiinnu cagaha idiinku jiraan, ushiinnuna gacanta idiinku jirto; oo waa inaad degdeg u cuntaan; waayo, waa Rabbiga Kormariddiisa.
12 “Usiku huo huo nitapita katika nchi yote ya Misri na kumuua kila mzaliwa wa kwanza, wa wanadamu na wa wanyama, nami nitaihukumu miungu yote ya Misri. Mimi ndimi Bwana.
Waayo, habeenkaas waxaan dhex mari doonaa dalka Masar, oo waxaan wada layn doonaa curadyada dalka Masar oo dhan, kuwa dadka iyo kuwa duunyadaba, oo ilaahyada Masar oo dhan waxaan ku soo dejin doonaa xukummo. Anigu waxaan ahay Rabbiga.
13 Damu itakuwa ishara kwa ajili yenu ya kuonyesha nyumba ambazo mtakuwamo; nami nitakapoiona damu, nitapita juu yenu. Hakuna pigo la uharibifu litakalowagusa ninyi nitakapoipiga Misri.
Oo dhiiggu wuxuu idiin noqon doonaa calaamo kor taal guryaha aad ku jirtaan; oo markii aan dhiigga arko, waan iska kiin kor mari doonaa, belaayo idin baabbi'isaana idinkuma dhici doonto, markaan wax ku dhufto dhulka Masar.
14 “Siku hii itakuwa kumbukumbu kwenu, mtaiadhimisha kuwa sikukuu kwa Bwana, katika vizazi vyenu vyote: mtaishika kuwa amri ya kudumu.
Oo maalintanu waa inay xusuus idiin noqotaa, oo waa inaad Rabbiga u iiddaan. Waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan iid amar ahaan.
15 Kwa siku saba mtakula mikate isiyotiwa chachu. Katika siku ya kwanza mtaondoa chachu yote ndani ya nyumba zenu, kwa maana yeyote atakayekula chochote chenye chachu kuanzia siku ya kwanza hadi ya saba lazima akatiliwe mbali kutoka Israeli.
Toddoba maalmood waxaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn; weliba maalinta kowaad waa inaad khamiirka ka saartaan guryihiinna; waayo, ku alla kii cuna kibis khamiir leh maalinta kowaad ilaa maalinta toddobaad, qofkaas waa laga gooyn doonaa reer binu Israa'iil.
16 Katika siku ya kwanza mtakuwa na kusanyiko takatifu, na kusanyiko jingine katika siku ya saba. Katika siku hizo msifanye kazi kamwe isipokuwa kutayarisha chakula cha kila mmoja; hilo ndilo tu mtakalofanya.
Maalinta kowaad waxaa idiin ahaan doona shir quduus ah, maalinta toddobaadna shir quduus ah. Wax shuqul ah maalmahaas waa inaan la qaban, waxa qof kastaaba cuno mooyaane, taas oo keliya baa la samayn karaa.
17 “Mtaadhimisha Sikukuu ya Mikate Isiyotiwa Chachu, kwa sababu hiyo ndiyo siku ile niliyovitoa vikosi vyenu kutoka Misri. Mtaiadhimisha siku hii kwa vizazi vyenu vyote kuwa amri ya kudumu.
Oo idinku waa inaad dhawrtaan iidda kibista aan khamiirka lahayn, waayo, maalintaas qudheeda ayaan dadkiinna badnaantiisii ka soo bixiyey dalkii Masar; sidaas daraaddeed amar ahaan waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan maalintaas.
18 Katika mwezi wa kwanza mtakula mikate isiyotiwa chachu, kuanzia jioni ya siku ya kumi na nne hadi jioni ya siku ya ishirini na moja.
Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, ilaa laga gaadho maalinta koob iyo labaatanaad oo bisha, markay fiidkii tahay.
19 Kwa muda wa siku saba isionekane chachu yoyote katika nyumba zenu. Yeyote alaye chochote chenye chachu ndani yake, lazima akatiliwe mbali kutoka jumuiya ya Israeli, akiwa ni mgeni au mzawa.
Toddoba maalmood waa inaan guryihiinna khamiir laga helin; waayo, ku alla kii wax khamiir leh cuna, qofkaas waa laga gooyn doonaa shirka reer binu Israa'iil, hadduu yahay qariib iyo hadduu waddanka ku dhex dhashayba.
20 Msile chochote kilichotiwa chachu. Popote muishipo, ni lazima mle mikate isiyotiwa chachu.”
Wax khamiir leh waa inaydnaan cunin; guryihiinna oo dhan waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn.
21 Ndipo Mose akawaita wazee wote wa Israeli na kuwaambia, “Nendeni mara moja mkachague wanyama kwa ajili ya jamaa zenu, mkachinje mwana-kondoo wa Pasaka.
Markaasaa Muuse wuxuu u wada yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, La baxa wanan oo qoys, qoys u qaata, oo qala wanka Kormaridda.
22 Chukueni kitawi cha hisopo, kichovyeni kwenye damu iliyopo kwenye sinia na kuipaka baadhi ya hiyo damu kwenye vizingiti na kwenye miimo yote miwili ya milango. Mtu yeyote asitoke nje ya mlango wa nyumba yake mpaka asubuhi.
Waxaad qaadataan xidhmo geed husob ah, oo waxaad dartaan dhiigga ku jira xeedhada, oo albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ku taabsiiya dhiiga ku jira xeedhada; oo midkiinna ilaa waagu ka beryo yuusan albaabka gurigiisa dibadda uga bixin.
23 Bwana apitapo katika nchi yote kuwapiga Wamisri, ataiona damu juu ya vizingiti na kwenye miimo ya milango, naye atapita juu, wala hatamruhusu mwangamizi kuingia katika nyumba zenu na kuwapiga ninyi.
Waayo, Rabbigu wuxuu dhex mari doonaa dalka, oo wuxuu layn doonaa Masriyiinta, oo markuu arko dhiigga ku yaal albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ayaa Rabbigu kor mari doona albaabka, oo u oggolaan maayo in baabbi'iyuhu guryihiinna soo galo oo idin laayo.
24 “Shikeni maagizo haya yawe kanuni ya kudumu kwenu na kwa ajili ya wazao wenu.
Oo waxan amar ahaan waa inaad weligiin u dhawrtaan idinka iyo carruurtiinnuba.
25 Mtakapoingia katika nchi Bwana atakayowapa kama alivyoahidi, shikeni desturi hii.
Oo markii aad timaadaan dalka Rabbigu idin siin doono, oo uu idiinku ballanqaaday, waa inaad dhawrtaan u adeegiddan Ilaah.
26 Watoto wenu watakapowauliza, ‘Sikukuu hii ina maana gani kwenu?’
Oo markii carruurtiinnu idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan u-adeegiddan Ilaah?
27 Basi waambieni, ‘Hii ni dhabihu ya Pasaka kwa Bwana, ambaye alipita juu ya nyumba za Waisraeli katika nchi ya Misri na hakudhuru nyumba zetu alipowapiga Wamisri.’” Ndipo watu wa Israeli waliposujudu na kuabudu.
waxaad ku odhan doontaan, Waa allabarigii Rabbiga Kormariddiisii, kii kor maray guryihii reer binu Israa'iil markay Masar joogeen, oo samatabbixiyey reerahayagii, Masriyiintiise laayay. Markaasaa dadku madaxa u foororiyey oo u sujuuday.
28 Waisraeli wakafanya kama vile Bwana alivyomwagiza Mose na Aroni.
Markaasaa reer binu Israa'iil tageen oo sidaas yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen.
29 Ilipofika usiku wa manane, Bwana akawapiga wazaliwa wa kwanza wote katika Misri, kuanzia mzaliwa wa kwanza wa Farao, mrithi wa kiti cha ufalme, hadi mzaliwa wa kwanza wa mfungwa, aliyekuwa gerezani, na wazaliwa wa kwanza wa mifugo yote pia.
Oo waxaa dhacday in habeenbadhkii Rabbigu laayay curadyadii dalkii Masar oo dhan, inta laga bilaabay curadkii Fircoon oo carshigiisii ku fadhiyey ilaa la gaadhay curadkii maxbuuska godxabsiga ku jiray, iyo curadyadii xoolaha oo dhan.
30 Farao, na maafisa wake wote, na Wamisri wote wakaamka usiku, na kulikuwa na kilio kikubwa katika nchi ya Misri, kwa kuwa haikuwepo nyumba ambayo hakufa mtu.
Markaasaa habeenkaas waxaa kacay Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo Masriyiintii oo dhan; oo oohin aad u weyn baa Masar ka dhacday, waayo, ma jirin guri aan meyd oollin.
31 Wakati huo Farao akawaita Mose na Aroni na kuwaambia, “Ondokeni! Tokeni kwa watu wangu, ninyi pamoja na Waisraeli! Nendeni mkamwabudu Bwana kama mlivyoomba.
Markaasuu Muuse iyo Haaruun u yeedhay habeennimadii, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo dadkayga ka dhex baxa, idinka iyo reer binu Israa'iilba; taga oo Rabbiga u adeega, sidaad u tidhaahdeen.
32 Chukueni makundi yenu ya kondoo na mbuzi pamoja na ngʼombe, kama mlivyosema, nanyi mwende zenu. Nanyi pia mnibariki.”
Oo adhyihiinna iyo lo'diinnaba kaxaysta, sidaad u tidhaahdeen, iina soo duceeya.
33 Wamisri wakawahimiza Waisraeli waondoke kwa haraka na kuacha nchi yao. Kwa kuwa walisema, “La sivyo, tutakufa wote!”
Oo Masriyiintuna waxay dadka ku deddejiyeen inay dhaqso uga saaraan dalka; waayo, waxay yidhaahdeen, Kulligeen waxaynu nahay dad go'ay.
34 Hivyo watu wakachukua donge lao la unga kabla ya kutiwa chachu, wakaweka ndani ya mabakuli ya kukandia, wakayaviringisha katika vitambaa na kuyabeba mabegani mwao.
Markaasaa dadkii waxay qaateen cajiinkoodii intaanu khamiirin, iyo weelashoodii ay wax ku dhex cajiimi jireen, oo intay maryahoodii ku xidheen ayay garbaha saarteen.
35 Waisraeli wakafanya kama Mose alivyowaelekeza, nao wakawaomba Wamisri wawapatie vitu vya fedha, dhahabu na nguo.
Oo reer binu Israa'iilna waxay yeeleen sidii Muuse eraygiisu ahaa; oo waxay Masriyiintii weyddiisteen alaab lacag ah iyo alaab dahab ah iyo dhar;
36 Basi Bwana alikuwa amewafanya Wamisri kuwa wakarimu kwa hawa watu, wakawapatia Waisraeli vile walivyotaka kwao; kwa hiyo wakawateka nyara Wamisri.
oo Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay, oo sidaas daraaddeed way u daayeen inay qaataan wixii ay weyddiisteenba. Oo iyana Masriyiintii way dheceen.
37 Waisraeli wakasafiri kutoka Ramesesi mpaka Sukothi. Walikuwepo wanaume wapatao 600,000 waendao kwa miguu bila kuhesabu wanawake na watoto.
Oo reer binu Israa'iilna waxay ka sodcaaleen Racmeses oo waxay tageen Sukod, tiradooduna waxay ku dhowayd lix boqol oo kun oo nin oo lugaynaya oo aan carruurta lagu tirin.
38 Watu wengine wengi wakafuatana nao, pamoja na makundi makubwa ya mifugo wakiwemo kondoo, mbuzi na ngʼombe.
Oo waxaa kaloo raacay dad faro badan oo isku darsan, iyo adhyihii, iyo lo'dii, oo ahaa xoolo aad u badan.
39 Wakatengeneza maandazi yasiyotiwa chachu kwa ule unga uliokandwa waliokuwa wameutoa Misri, donge hilo la unga halikuwa limetiwa chachu, kwa kuwa walikuwa wameondolewa Misri kwa haraka nao hawakuwa na muda wa kuandaa chakula chao.
Oo cajiinkii ay Masar kala yimaadeen ayay ka dubteen kibis aan khamiir lahayn, waayo, ma ay khamiirin; maxaa yeelay, dalkii Masar degdeg bay kaga soo bexeen, oo ma aanay sii joogi karin, mana ay diyaarsan sahay.
40 Waisraeli walikuwa wameishi Misri kwa muda wa miaka 430.
Reer binu Israa'iil intay dalka Masar qariib ku ahaayeen waxay ahayd afar boqol iyo soddon sannadood.
41 Ilikuwa ni siku ya mwisho ya hiyo miaka 430, vikosi vyote vya Bwana vilipokuwa vimeondoka Misri.
Oo markii afartii boqol iyo soddonkii sannadood dhammaadeen, isla maalintaas ayaa Rabbiga dadkiisii badnaa oo dhammu ka baxay dalkii Masar.
42 Kwa sababu Bwana aliutenga usiku ule ili kuwatoa Waisraeli katika nchi ya Misri, katika usiku huu Waisraeli wote wanapaswa kuadhimisha kwa kukesha ili kumheshimu Bwana katika vizazi vijavyo.
Habeenkaasu waa habeen aad Rabbiga loogu dhawro, bixintii uu iyaga Masar ka soo bixiyey aawadeed; kaasu waa habeenkii Rabbiga oo ay reer binu Israa'iil oo dhammu ka ab ka ab aad u dhawraan.
43 Bwana akamwambia Mose na Aroni, “Haya ndiyo masharti kwa ajili ya Pasaka: “Mgeni hataruhusiwa kula Pasaka.
Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Kanu waa amarkii iidda Kormaridda; shisheeyuhuna yuusan wax ka cunin;
44 Mtumwa yeyote ambaye mmemnunua aweza kuila kama mmemtahiri,
laakiinse nin kasta addoonkiisa uu lacagta ku iibsaday, markaad guddo dabadeed waa inuu wax ka cunaa.
45 lakini kibarua yeyote au msafiri haruhusiwi kula.
Kii qariib ah iyo midiidinka la soo kiraystay toona midkoodna waa inuusan wax ka cunin.
46 “Sharti iliwe ndani ya nyumba; msichukue nyama yoyote nje ya nyumba hiyo. Msiuvunje mfupa wowote.
Oo waa in isku guri lagu cuno; oo waa inaadan hilibka waxba dibadda uga bixin; lafna waa inaydnaan ka jebin.
47 Jumuiya yote ya Israeli ni lazima waiadhimishe Pasaka hiyo.
Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inuu dhawro.
48 “Mgeni aishiye miongoni mwenu ambaye anataka kuadhimisha Pasaka ya Bwana ni lazima wanaume wote waliomo nyumbani mwake wawe wametahiriwa, ndipo aweze kushiriki kama mzawa. Mwanaume yeyote asiyetahiriwa haruhusiwi kuila.
Oo haddii mid qariib ahu idinla dego, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro iidda Kormaridda, de waa in intiisa lab oo dhan la wada gudaa, oo markaas ha soo dhowaado oo ha dhawro, oo markaas wuxuu noqon doonaa sidii mid dalka ku dhashay; laakiinse qof buuryoqab ahu waa inuusan wax ka cunin.
49 Sheria iyo hiyo itamuhusu mzawa na mgeni anayeishi miongoni mwenu.”
Kan waddanka ku dhashay iyo kan qariibka ah oo idin dhex degganu waa inay isku sharci ahaadaan.
50 Waisraeli wote walifanya kama vile Bwana alivyomwagiza Mose na Aroni.
Sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen.
51 Siku ile ile Bwana akawatoa Waisraeli katika nchi ya Misri kwa vikosi vyao.
Oo isla maalintaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga bixiyey dalkii Masar, siday guutooyinkoodii ahaayeen.