< Torati 26 >

1 Mtakapokuwa mmeingia nchi ile ambayo Bwana Mungu wenu anawapa kama urithi na mtakapokuwa mmeimiliki na kukaa ndani yake,
Oo markaad gashid dalkii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu dhaxalka kuu siinayo, oo aad hantido ee aad dhex degto,
2 chukueni baadhi ya mavuno ya kwanza ya yale yote mtakayozalisha kutoka udongo wa nchi ambayo Bwana Mungu wenu anawapa na mweke kwenye kapu. Kisha uende mahali ambapo Bwana Mungu wako atapachagua kuwa makao kwa ajili ya Jina lake
waa inaad keentaa midhaha dhulka kuwa ugu horreeya oo dhan, kuwaasoo aad ka guran doonto dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku siinayo, oo waa inaad dambiil ku riddaa oo kolkaas waxaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu uu u dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo.
3 na umwambie kuhani atakayekuwepo kwa wakati huo, “Ninatangaza leo kwa Bwana Mungu wako kwamba nimekuja katika nchi ambayo Bwana aliwaapia baba zetu kwamba atatupa.”
Oo waa inaad u timaadaa wadaadka waagaas joogi doono, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan maanta u qirayaa Rabbiga Ilaahaaga ah inaan imid dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaasheen inuu ina siinayo.
4 Kuhani atapokea lile kapu mikononi mwako na kuliweka chini mbele ya madhabahu ya Bwana Mungu wako.
Oo markaas wadaadku waa inuu dambiisha gacantaada ka qaadaa oo uu hor dhigaa meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahaaga ah.
5 Kisha utatangaza mbele za Bwana Mungu wako: “Baba yangu alikuwa Mwaramu aliyekuwa anatangatanga, akaenda Misri pamoja na watu wachache, akaishi huko hadi akawa taifa kubwa, lenye nguvu na watu wengi.
Oo markaas waa inaad jawaabtaa oo Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa ka tidhaahdaa, Aabbahay wuxuu ahaa mid reer Suuriya ah oo warwareega. Wuxuu ku dhaadhacay Masar, oo halkaasuu degay, isagoo reerkiisu yar yahay, oo halkaas wuxuu ku noqday quruun weyn oo xoog badan oo tiro badan.
6 Lakini Wamisri walituonea na kututaabisha, wakitufanyisha kazi ngumu.
Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.
7 Kisha tulimlilia Bwana, Mungu wa baba zetu, naye Bwana akasikia sauti yetu na akaona huzuni yetu, taabu yetu na mateso yetu.
Oo annana markaasaannu Rabbiga ah Ilaahii awowayaashayo u qayshannay, kolkaasaa Rabbigu codkayagii maqlay oo dhibkayagii iyo hawshayadii iyo dulmigayagii arkay.
8 Kwa hiyo Bwana akatutoa nchi ya Misri kwa mkono wenye nguvu na ulionyooshwa, pamoja na utisho mkuu, ishara za miujiza na maajabu.
Markaasaa Rabbigu dalkii Masar nagaga soo baxshay gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, iyo cabsi weyn, iyo calaamooyin iyo yaabab,
9 Akatuleta mahali hapa akatupa nchi hii, nchi inayotiririka maziwa na asali;
oo meeshan buu na keenay, oo wuxuu na siiyey dalkan oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
10 nami sasa ninaleta malimbuko ya ardhi ambayo wewe, Ee Bwana, umenipa.” Weka kapu mbele za Bwana Mungu wako na usujudu mbele zake.
Oo haatan Rabbiyow, waxaan keenay dhulkii aad i siisay midhihiisii u horreeyey. Kolkaas waa inaad midhaha hor dhigtaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo aad ku sujuuddaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa.
11 Kisha wewe pamoja na Walawi na wageni wote walioko miongoni mwenu mtafurahi katika vitu vyote vizuri ambavyo Bwana Mungu wenu amewapa pamoja na wa nyumbani mwenu.
Waa inaad adiga iyo kan reer Laawi ah iyo qariibka idin dhex joogaaba ku faraxdaan kulli wanaagga Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey adiga iyo reerkaagaba.
12 Wakati utakapokuwa umeshatoa zaka zote za mazao yako katika mwaka wa tatu, ambao ni mwaka wa zaka, utampa Mlawi, mgeni, yatima na mjane, ili waweze kula katika miji yenu na kushiba.
Oo markaad wada dhammaysid bixintii meeltobnaadyada aad ka bixinaysid midhaha kuu baxa sannadda saddexaad taasoo ah sannaddii bixinta meeltobnaadyada, waa inaad siisaa kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inay irdahaaga gudahooda ku cunaan oo dhergaan.
13 Kisha umwambie Bwana Mungu wako: “Nimeondoa katika nyumba yangu ile sehemu iliyowekwa wakfu na nimempa Mlawi, mgeni, yatima na mjane, kulingana na yote uliyoamuru. Sijazihalifu amri zako wala kusahau hata mojawapo.
Oo Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa waxaad ka tidhaahdaa, Anigu gurigaygii waan ka soo bixiyey waxyaalihii quduuska ahaa, oo sidaad iigu amartay oo dhan ayaan u siiyey kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka. Amarradaadii midna kuma xadgudbin, mana aanan illoobin iyagii.
14 Sijala sehemu iliyowekwa wakfu wakati nilipokuwa nikiomboleza, wala sijaondoa mojawapo wakati nilipokuwa najisi, wala sijatoa sehemu yake yoyote kwa wafu. Nimemtii Bwana Mungu wangu; nimefanya kila kitu ulichoniamuru.
Oo iyaga wax kama cunin anoo barooranaya, waxna kama qaadan anigoo nijaas ah, qof dhintayna wax ugama siin. Waan dhegaystay codkii Rabbiga Ilaahayga ah, oo waxaan sameeyey wixii aad igu amartay oo dhan.
15 Angalia chini kutoka mbinguni, maskani yako matakatifu, uwabariki watu wako Israeli pamoja na nchi uliyotupa kama ulivyoahidi kwa kiapo kwa baba zetu, nchi inayotiririka maziwa na asali.”
Rabbiyow, hoygaaga quduuska ah oo samada ah hoos ka soo fiiri oo barakee dadkaaga reer binu Israa'iil, iyo dhulkii aad na siisay oo aad ugu dhaaratay awowayaashayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
16 Bwana Mungu wako anakuagiza leo kufuata amri hizi na sheria; zishike kwa bidii kwa moyo wako wote na kwa roho yako yote.
Maanta Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku amrayaa inaad qaynuunnadan iyo amarradan yeeshaan, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ka yeeshaan.
17 Umetangaza leo kwamba Bwana ndiye Mungu wako na kwamba utafuata njia zake, kwamba utayashika maagizo yake, amri zake na sheria zake nawe utamtii.
Oo maanta waxaad Rabbiga u ballanqaaddeen inuu isagu Ilaah idiin yahay, iyo inaad jidkiisa ku soconaysaan, oo aad qaynuunnadiisa iyo amarradiisa iyo xukummadiisa xajinaysaan, oo aad codkiisa dhegaysanaysaan.
18 Naye Bwana ametangaza leo kwamba ninyi ni taifa lake, hazina yake ya thamani kama alivyoahidi, ili kwamba mpate kuyashika maagizo yake yote.
Oo Rabbiguna wuxuu maanta idiin ballanqaaday inaad ahaanaysaan dad hanti isaga u ah siduu idiin ballanqaaday, iyo inaad xajinaysaan amarradiisa oo dhan,
19 Ametangaza kwamba atawaweka juu kuliko mataifa mengine aliyoyafanya katika sifa, kuwa fahari na heshima, na kwamba mtakuwa taifa takatifu kwa Bwana Mungu wenu, kama alivyoahidi.
iyo inuu idinka sare mariyo quruumaha uu sameeyey oo dhan xagga ammaanta iyo xagga magaca iyo xagga sharaftaba, iyo inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u ahaanaysaan dad quduus ah siduu yidhi.

< Torati 26 >