< Torati 14 >

1 Ninyi ni watoto wa Bwana Mungu wenu. Msijichanje ama kujinyoa upara kwenye paji la uso kwa ajili ya aliyekufa,
Idinku waxaad tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah carruurtiisii, haddaba qof dhintay aawadiis jidhkiinna ha u goynina, oo indhihiinna dhexdoodana ha u xiirina.
2 kwa maana ninyi ni taifa takatifu kwa Bwana Mungu wenu. Bwana amewachagua ninyi kuwa taifa la kipekee kutoka mataifa yote juu ya uso wa dunia, mwe tunu yake.
Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.
3 Msile kitu chochote ambacho ni machukizo.
Waa inaydaan cunin innaba wax karaahiyo ah.
4 Hawa ndio wanyama mtakaokula: ngʼombe, kondoo, mbuzi,
Kuwanu waa xayawaanka aad hilibkooda cunaysaan, oo waa lo'da, iyo idaha, iyo riyaha,
5 kulungu, paa, kongoni, paa mweupe, mbuzi-mwitu, pofu na kondoo wa mlimani.
iyo deerada, iyo cawsha, iyo dibtaagta, iyo garannuugta, iyo goodirka, iyo biciidka, iyo adhidibadeedka.
6 Mnaweza kumla mnyama yeyote mwenye kwato zilizogawanyika mara mbili, pia yule anayecheua.
Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo calyanaqsiga raamsado oo xayawaanka ka mid ah kaas waa inaad cuntaan.
7 Hata hivyo, miongoni mwa wale wanaocheua au wale walio na kwato zilizogawanyika kamwe msile ngamia, sungura na pelele. Iwapo wanacheua, lakini hawana kwato zilizogawanyika; ni najisi kwenu kwa taratibu za kiibada.
Habase yeeshee kuwa caynkan ah oo calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela iyo bakaylaha iyo walada, maxaa yeelay, calyanaqsiga way raamsadaan laakiinse raafkoodu ma kala jeexna, oo iyagu waa idinka nijaas,
8 Nguruwe pia ni najisi; ingawa ana kwato zilizogawanyika, hacheui. Msile nyama yake wala kugusa mzoga wake.
oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, calyanaqsigase ma raamsado, sidaas daraaddeed waa idinka nijaas, oo kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, bakhtigoodana waa inaydaan taaban.
9 Katika viumbe hai vyote viishivyo kwenye maji, mnaweza kula yeyote aliye na mapezi na magamba.
Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh cuna,
10 Lakini chochote kisicho na mapezi na magamba msile; kwenu ni najisi.
laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn waa inaydaan cunin, maxaa yeelay, waa idinka nijaas.
11 Mnaweza kula ndege yeyote aliye safi.
Haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.
12 Lakini wafuatao msiwale: tai, furukombe, kipungu,
Laakiinse ha cunina haadda caynkan ah: baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,
13 kengewa mwekundu, kengewa mweusi, mwewe wa aina yoyote,
iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,
14 kunguru wa aina yoyote,
iyo cayn kasta oo tuke ah,
15 mbuni, kiruka-njia, dudumizi, kipanga wa aina yoyote,
iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag ah,
16 bundi, mumbi, bundi mkubwa,
iyo guumaysta yar, iyo guumaysta weyn, iyo guumaysgeesaleyda,
17 mwari, nderi, mnandi,
iyo cantalyaaga, iyo gorgorka, iyo xeebajoogta,
18 korongo, koikoi wa aina yoyote, hudihudi na popo.
iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelaljoogta, iyo fiidmeerta.
19 Wadudu wote warukao kwa makundi ni najisi kwenu, msiwale.
Oo wax baalal leh oo gurguurta oo dhammu waa idinka nijaas, oo iyaga waa inaan la cunin.
20 Lakini viumbe vyote vyenye mabawa vilivyo safi mwaweza kula.
Laakiinse haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.
21 Msile kitu chochote mtakachokuta kimekufa. Mnaweza kumpa mgeni yeyote anayeishi katika mojawapo ya miji yenu, naye anaweza kula au mnaweza kumuuzia mtu wa nchi nyingine. Lakini ninyi ni watu watakatifu kwa Bwana Mungu wenu. Msitokose mwana-mbuzi katika maziwa ya mama yake.
Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.
22 Hakikisheni mmetenga sehemu ya kumi ya mazao yote ya mashamba yenu kila mwaka.
Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan.
23 Mtakula zaka za nafaka yenu, divai mpya, mafuta na wazaliwa wa kwanza wa makundi yenu ya ngʼombe na ya kondoo na mbuzi mbele za Bwana Mungu wenu pale mahali atakapopachagua kama maskani kwa ajili ya Jina lake, ili kwamba mpate kujifunza kumheshimu Bwana Mungu wenu daima.
Oo Rabbiga Ilaahaaga ah meesha uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo hortiisa waa inaad ku cuntaa meel tobnaadka hadhuudhkaaga, iyo kan khamrigaaga, iyo kan saliiddaada, iyo curadyada lo'daada iyo kuwa adhigaaga, inaad barato inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsato had iyo goorba.
24 Lakini ikiwa mahali pale ni mbali sana nanyi mmebarikiwa na Bwana Mungu wenu na hamwezi kubeba zaka yenu (kwa sababu mahali pale Bwana atakapopachagua kuliweka Jina lake ni mbali sana),
Oo haddii jidku kugu dheer yahay, oo aad u qaadi kari weydo, meesha kaa fog aawadeed oo uu Rabbiga Ilaahaaga ahu u dooranayo inuu magiciisa dhigo, markii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku barakeeyo,
25 basi badilisheni zaka yenu kuwa fedha, mkaichukue hiyo fedha mwende nayo mahali Bwana Mungu wenu atakapopachagua.
markaas waa inaad lacag u beddeshaa, oo aad lacagta gacanta ku qabsataa, oo markaas waa inaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu dooranayo,
26 Tumieni hiyo fedha kununua chochote ukitakacho: ngʼombe, kondoo, divai au kinywaji chochote chenye chachu au chochote mnachotaka. Kisha ninyi na wa nyumbani mwenu mtaila mbele za Bwana Mungu wenu na kufurahi.
oo markaas waxaad lacagta ku soo iibsataa wax alla wixii naftaadu doonayso oo ah dibi, ama ido, ama khamri, ama wax lagu sakhraamo, ama wax alla wixii nafsaddaadu ku weyddiisato, oo waxaad ku cuntaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa, oo waa inaad adiga iyo reerkaaguba faraxdaan.
27 Msiache kuwajali Walawi waishio katika miji yenu, kwa kuwa hao hawana shamba wala urithi wao wenyewe.
Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb iyo dhaxal midna idinlama laha.
28 Mwishoni mwa kila mwaka wa tatu, leteni zaka zote za mazao ya miaka ile na uyahifadhi kwenye miji yenu,
Oo saddex sannadood oo kasta markay dhammaadaanba waa inaad soo bixisaa meeltobnaadka waxa sannaddaas kuu baxay, oo waxaad ku kaydsataa irdahaaga gudahooda.
29 ili Walawi (ambao hawana mashamba wala urithi wao wenyewe) na wageni, yatima na wajane wanaoishi kwenye miji yenu wapate kuja kula na kushiba, ili Bwana Mungu wenu apate kuwabariki ninyi katika kazi zote za mikono yenu.
Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.

< Torati 14 >