< Danieli 9 >

1 Katika mwaka wa kwanza wa utawala wa Dario mwana wa Ahasuero (mzaliwa wa Umedi), ambaye alifanywa mtawala juu ya ufalme wa Babeli,
Sannaddii kowaad oo Daariyus kii ahaa ina Ahashwerus oo reer Maaday, oo boqorka looga dhigay boqortooyadii reer Kaldayiin,
2 katika mwaka wa kwanza wa utawala wake, mimi Danieli nilielewa kutokana na Maandiko, kulingana na neno la Bwana alilopewa nabii Yeremia, kwamba ukiwa wa Yerusalemu ungetimizwa kwa miaka sabini.
sannaddii kowaad oo boqornimadiisa ayaan anigoo Daanyeel ahu kitaabbadii ka gartay intay ahaayeen sannadihii Ilaah kala hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa wakhtiga la dhammaystirayo baabbi'inta wax la baabbi'inayo Yeruusaalem, waxayna ahaayeen toddobaatan sannadood.
3 Kwa hiyo nikamgeukia Bwana Mungu na kumsihi katika maombi na dua, katika kufunga, na kuvaa nguo ya gunia na kujipaka majivu.
Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya.
4 Nikamwomba Bwana Mungu wangu na kutubu: “Ee Bwana, Mungu mkuu na unayetisha, anayeshika agano lake la upendo kwao wanaompenda na kutii maagizo yake,
Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra;
5 tumetenda dhambi na kufanya mabaya. Tumekuwa waovu na tumeasi; tumegeuka mbali na maagizo yako na sheria zako.
waannu dembaabnay, oo wax baannu si qalloocan u samaynay, oo shar baannu falnay, oo waannu caasiyownay, oo xataa waannu ka baydhnay amarradaadii iyo xukummadaadii,
6 Hatukuwasikiliza watumishi wako manabii, ambao kwa jina lako walisema na wafalme wetu, wakuu wetu, baba zetu, na watu wote wa nchi.
oo ma aannu dhegaysan nebiyadii addoommadaada ahaa, oo magacaaga kula hadlay boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayo, iyo dadka waddanka deggan oo dhan.
7 “Bwana, wewe ni mwenye haki, lakini siku hii ya leo tumefunikwa na aibu: tukiwa wanaume wa Yuda, na watu wa Yerusalemu, na Israeli yote, wote walio karibu na walio mbali, katika nchi zote ulikotutawanya kwa sababu ya kukosa uaminifu kwako.
Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis.
8 Ee Bwana, sisi na wafalme wetu, wakuu wetu na baba zetu tumefunikwa na aibu kwa sababu tumefanya dhambi dhidi yako.
Sayidow, waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb, annaga iyo boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayaba, maxaa yeelay, waannu kugu dembaabnay.
9 Bwana Mungu wetu ni mwenye rehema na anayesamehe, hata ingawa tumefanya uasi dhidi yake.
Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay;
10 Hatukumtii Bwana Mungu wetu wala kuzishika sheria alizotupa kupitia kwa watumishi wake manabii.
mana aannu addeecin codkii Rabbiga Ilaahayaga ah, iyo inaannu ku soconno sharciyadiisa ay na hor dhigeen nebiyadii ahaa addoommadiisa.
11 Israeli yote imekosea sheria yako na kugeuka mbali, nao wamekataa kukutii. “Kwa hiyo laana na viapo vya hukumu vilivyoandikwa katika Sheria ya Mose, mtumishi wa Mungu, vimemiminwa juu yetu, kwa sababu tumefanya dhambi dhidi yako.
Haah, reer binu Israa'iil oo dhammu sharcigaagii way ku xadgudbeen, oo xataa way ka baydheen, si aanay u addeecin codkaaga, sidaas daraaddeed ayaa cadhada lanoogu riday, iyo weliba dhaarta ku qoran sharciga Muuse, oo ahaa addoonkii Ilaah; waayo, waannu kugu dembaabnay.
12 Umetimiza maneno uliyosema dhidi yetu na dhidi ya watawala wetu, kwa kuleta maafa makubwa juu yetu. Chini ya mbingu yote kamwe hapajatendeka kitu kama kile kilichotendeka kwa Yerusalemu.
Hadalladiisii uu kaga hadlay annaga iyo xaakinnadayada na xukumi jiray wuxuu ku adkeeyey xumaan weyn oo uu nagu soo dejiyey; waayo, samada hoosteeda oo dhan laguma samayn waxa Yeruusaalem lagu sameeyey oo kale.
13 Kama vile ilivyoandikwa katika sheria ya Mose, misiba hii yote imekuja juu yetu, lakini hatujaomba fadhili kwa Bwana Mungu wetu kwa kugeuka kutoka dhambi zetu na kuwa wasikivu katika kweli yake.
Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.
14 Bwana hakusita kuleta maafa juu yetu, kwa maana Bwana Mungu wetu ni mwenye haki katika kila afanyalo; lakini hata hivyo hatujamtii.
Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.
15 “Sasa, Ee Bwana Mungu wetu, ambaye uliwatoa watu wako Misri kwa mkono wenye nguvu, na ambaye umejifanyia Jina linalodumu mpaka leo, tumetenda dhambi, tumefanya mabaya.
Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.
16 Ee Bwana, wewe kwa kadiri ya matendo yako ya haki, ondoa hasira yako na ghadhabu yako juu ya Yerusalemu, mji wako, mlima wako mtakatifu. Dhambi zetu na maovu ya baba zetu yameifanya Yerusalemu na watu wako kitu cha kudharauliwa kwa wale wote wanaotuzunguka.
Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan.
17 “Basi Mungu wetu, sasa sikia maombi na dua ya mtumishi wako. Ee Bwana, kwa ajili yako angalia kwa huruma ukiwa wa mahali pako patakatifu.
Haddaba Ilaahayow, bal maqal tukashadayda iyo baryadayda anoo ah addoonkaaga, oo aawadaa, Sayidow, uga dhig in wejigaagu ka hor iftiimo meeshaada quduuskaa oo kharribantay.
18 Ee Mungu, tega sikio na ukasikie; fumbua macho yako ukaone ukiwa wa mji ule wenye Jina lako. Hatukutolei maombi yetu kwa sababu sisi tuna haki, bali kwa sababu ya rehema zako nyingi.
Ilaahayow, dhegahaaga soo jeedi oo i maqal; oo indhahaaga kala qaad, oo bal arag baabba'ayaga, iyo magaaladii magacaaga loogu yeedhayba, waayo, annagu kugu baryi mayno xaqnimo aannu leennahay, laakiinse naxariistaada ayaannu kugu baryaynaa.
19 Ee Bwana, sikiliza! Ee Bwana, samehe! Ee Bwana, sikia na ukatende! Kwa ajili yako, Ee Mungu wangu, usikawie, kwa sababu mji wako na watu wako wanaitwa kwa Jina lako.”
Sayidow, na maqal; Sayidow, na cafi; Sayidow, na dhegayso oo yeel; ha raagin; aawadaa baan kugu baryaynaa Ilaahayow, maxaa yeelay magaaladaada iyo dadkaagaba waxaa loogu yeedhay magacaaga.
20 Basi, nilipokuwa bado nikinena na kuomba, nikiungama dhambi yangu na dhambi ya watu wangu Israeli, na nikifanya maombi yangu kwa Bwana Mungu wangu kwa ajili ya mlima wake mtakatifu,
Oo intii aan hadlayay, oo aan tukanayay, oo aan dembigayga iyo dembigii dadkayga reer binu Israa'iil qiranayay, oo aan Rabbiga Ilaahayga ah u baryayay buurta quduuska ah oo Ilaahay,
21 wakati nilipokuwa bado katika maombi, Gabrieli, yule mtu niliyekuwa nimemwona katika maono hapo awali, alinijia kwa kasi karibu wakati wa kutoa dhabihu ya jioni.
intii aan ducaysanayay ayaa ninkii Jibriil ahaa, oo aan markii hore riyada ku arkay, degdeg iigu soo duulay, wakhtigii qurbaankii fiidkii la bixiyey, oo i taabtay.
22 Akanielimisha na kuniambia, “Danieli, sasa nimekuja kukupa akili na ufahamu.
Markaasuu wax i baray, oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, haatan waxaan u soo baxay inaan kaa dhigo mid wax aad u yaqaan.
23 Mara ulipoanza kuomba, jibu lilitolewa, ambalo nimekuja kukupasha habari, kwa maana wewe unapendwa sana. Kwa hiyo, tafakari ujumbe huu na uelewe maono haya:
Markaad baryootankaagii bilowday ayaa amarku soo baxay, oo waxaan u imid inaan kuu sheego; waayo, aad baa laguu jecel yahay, haddaba sidaas daraaddeed xaalka ka fiirso, oo riyada garo.
24 “Majuma sabini yameamriwa kwa ajili ya watu wako na kwa ajili ya mji wako mtakatifu, ili kumaliza makosa, kukomesha dhambi, kufanya upatanisho kwa ajili ya uovu, kuleta haki ya milele, kutia muhuri maono na unabii, na pia kumtia mafuta yeye aliye mtakatifu sana.
Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan.
25 “Ujue na kuelewa hili: Tangu kutolewa kwa amri ya kuutengeneza na kuujenga upya Yerusalemu mpaka kuja kwa Mpakwa mafuta, aliye mtawala, kutakuwako majuma saba na majuma sitini na mawili. Barabara zitajengwa tena pamoja na mahandaki, lakini katika wakati wa taabu.
Haddaba ogow oo garo in tan iyo markii amarku soo baxay in Yeruusaalem la soo celiyo oo la dhiso ilaa uu yimaado Kan subkan oo ah amiirka waxaa ahaan doona toddoba toddobaad, iyo laba iyo lixdan toddobaad; haddana wakhtiyada cidhiidhiga ah waa la dhisi doonaa oo waxaa loo yeeli doonaa jidad iyo derbi.
26 Baada ya majuma sitini na mawili, Mpakwa Mafuta atakatiliwa mbali, wala hatabaki na kitu. Watu wa mtawala atakayekuja watauharibu mji pamoja na mahali patakatifu. Mwisho utakuja kama mafuriko: Vita vitaendelea mpaka mwisho, nao ukiwa umeamriwa.
Oo laba iyo lixdanka toddobaad dabadood ayaa Kan subkan la gooyn doonaa waxbana ma haysan doono, oo dadka amiirka iman doona ayaa baabbi'in doona magaalada iyo meesha quduuska ah oo dhammaadkiisuna wuxuu ahaan doona mid daad leh, oo xataa ilaa ugu dambaysta waxaa jiri doona dagaal; baabba'na waa la goostay.
27 Mtawala huyo atathibitisha agano na watu wengi kwa juma moja. Katikati ya juma hilo atakomesha dhabihu na sadaka. Mahali pa dhabihu katika Hekalu atasimamisha chukizo la uharibifu, hadi mwisho ulioamriwa utakapomiminwa juu yake yeye aletaye uharibifu.”
Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya.

< Danieli 9 >