< Amosi 9 >

1 Nilimwona Bwana akiwa amesimama kando ya madhabahu, naye akasema: “Piga vichwa vya nguzo ili vizingiti vitikisike. Viangushe juu ya vichwa vya watu wote; na wale watakaosalia nitawaua kwa upanga. Hakuna awaye yote atakayekimbia, hakuna atakayetoroka.
Waxaan arkay Sayidka oo ag taagan meesha allabariga, oo wuxuu yidhi, Fayaaradaha garaac ilaa meelahooda sare gariiraan, oo dadka oo dhan madaxooda ku wada jejebi, oo intii ka hadhana seef baan ku layn doonaa. Midkoodna ma carari doono, oo midkoodna ma baxsan doono.
2 Wajapojichimbia chini mpaka kwenye vina vya kuzimu, kutoka huko mkono wangu utawatoa. Wajapopanda juu hadi kwenye mbingu, kutoka huko nitawashusha. (Sheol h7585)
Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna. (Sheol h7585)
3 Wajapojificha juu ya kilele cha Karmeli, huko nitawawinda na kuwakamata. Wajapojificha kutoka kwenye uso wangu katika vilindi vya bahari, huko nako nitaamuru joka kuwauma.
Oo xataa hadday ku dhuntaan Buur Karmel dhaladeeda anigaa halkaas ka baadhi doona oo ka soo bixin doona, oo xataa hadday badda gunteeda iga dhuntaan, halkaasna waan ka amri doonaa mas, oo isna wuu qaniini doonaa.
4 Wajapopelekwa uhamishoni na adui zao, huko nako nitaamuru upanga uwaue. Nitawakazia macho yangu kwa mabaya wala si kwa mazuri.”
Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.
5 Bwana, Bwana Mwenye Nguvu Zote, yeye agusaye dunia nayo ikayeyuka, na wote wakaao ndani mwake wakaomboleza: nayo nchi yote huinuka kama Naili, kisha hushuka kama mto wa Misri;
Oo Sayidka Rabbiga ciidammada ahu waa kan dhulka taabta oo dhulkuna wuu dhalaalaa, oo kuwa deggan oo dhammuna way wada barooran doonaan, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.
6 yeye ambaye hujenga jumba lake la kifalme katika mbingu na kuisimika misingi yake juu ya dunia, yeye aitaye maji ya bahari na kuyamwaga juu ya uso wa nchi: Bwana ndilo jina lake.
Waa isaga kan qolladihiisa sare samada ka dhistay, oo hoygiisa hoose ee isku qabtana dhalka ku aasaasay, oo intuu biyaha badda u yeedha dhulka korkiisa ku daadiya, magiciisuna waa Rabbi.
7 “Je, Waisraeli, ninyi si sawa kwangu kama Wakushi?” asema Bwana. “Je, sikuleta Israeli kutoka Misri, Wafilisti kutoka Kaftori, na Washamu kutoka Kiri?
Dadka Israa'iilow, sow aniga ilama mid ahidin sida reer Itoobiya? ayaa Rabbigu leeyahay. Sow anigu reer binu Israa'iil kama soo bixin dalkii Masar? Reer Falastiinna sow kama soo bixin Kaftoor, reer Suuriyana sow kama soo bixin Qiir?
8 “Hakika macho ya Bwana Mwenyezi yako juu ya ufalme wenye dhambi. Nami nitauangamiza kutoka kwenye uso wa dunia: hata hivyo sitaiangamiza kabisa nyumba ya Yakobo,” asema Bwana.
Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.
9 “Kwa kuwa nitatoa amri, na nitaipepeta nyumba ya Israeli miongoni mwa mataifa yote, kama vile nafaka ipepetwavyo katika ungo, na hakuna hata punje moja itakayoanguka chini.
Waayo, bal eega, anigu waan amri doonaa, oo dadka Israa'iil waan ku kala haadin doonaa quruumaha oo dhan, sida hadhuudh xaadhin loogu haadiyo, laakiinse xabbad yaruna dhulka kuma dhici doonto.
10 Watenda dhambi wote miongoni mwa watu wangu watauawa kwa upanga, wale wote wasemao, ‘Maafa hayatatupata wala kutukuta.’
Dembilayaasha dadkayga oo dhan oo leh, Belaayo na soo gaadhi mayso nana heli mayso, dhammaantood seef bay ku dhiman doonaan.
11 “Katika siku ile nitaisimamisha hema ya Daudi iliyoanguka. Nitakarabati mahali palipobomoka na kujenga upya magofu yake, na kuijenga kama ilivyokuwa awali,
Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore,
12 ili wapate kuyamiliki mabaki ya Edomu, na mataifa yote yale yanayobeba Jina langu,” asema Bwana ambaye atafanya mambo haya.
inay iyagu dhaxlaan kuwii ka hadhay reer Edom iyo quruumaha magacayga loogu yeedho oo dhan, ayaa Rabbiga waxan sameeya leeyahay.
13 “Siku zinakuja,” asema Bwana, “wakati mvunaji atatanguliwa na mkulima, naye mpanzi atatanguliwa na yeye akamuaye zabibu. Divai mpya itadondoka kutoka milimani, na kutiririka kutoka vilima vyote.
Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti kan beerta falaa uu soo gaadhi doono kan gooya, oo kan canabka ku tuntaana wuxuu soo gaadhi doonaa kan iniinaha beera, oo buurahana waxaa ka soo daadan doona khamri macaan, oo kuraha oo dhammuna way wada dhalaali doonaan.
14 Nitawarejesha tena watu wangu Israeli waliohamishwa; wataijenga tena miji iliyoachwa magofu, nao wataishi ndani mwake. Watapanda mizabibu na kunywa divai yake; watalima bustani na kula matunda yake.
Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan.
15 Nitaipanda Israeli katika nchi yao wenyewe, hawatangʼolewa tena kutoka nchi ambayo nimewapa,” asema Bwana Mungu wenu.
Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.

< Amosi 9 >