< 1 Samweli 27 >

1 Daudi akasema moyoni mwake, “Katika mojawapo ya siku hizi nitaangamizwa kwa mkono wa Sauli. Jambo lililo bora ni kutorokea kwenye nchi ya Wafilisti. Hivyo Sauli atakata tamaa ya kunisaka popote katika Israeli, nami nitakuwa nimeponyoka mkononi mwake.”
Markaasaa Daa'uud wuxuu isyidhi, Maalin uun baan gacanta Saa'uul ku dhiman doonaa; haddaba wax iiga wanaagsan ma jiro inaan dalka reer Falastiin u baxsado mooyaane; oo Saa'uulna wuu iga quusan doonaa, oo mar dambe xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan igama doondooni doono; oo saas ayaan gacantiisa kaga baxsan doonaa.
2 Hivyo Daudi akaondoka na hao watu mia sita waliokuwa pamoja naye na kwenda kwa Akishi mwana wa Maoki mfalme wa Gathi.
Markaasaa Daa'uud kacay oo gudbay, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee isaga la joogay, oo waxay u yimaadeen Aakiish oo ahaa ina Maacoog, kaasoo ahaa boqorkii Gad.
3 Daudi na watu wake wakakaa huko Gathi pamoja na Akishi. Kila mtu alikuwa pamoja na jamaa yake, naye Daudi pamoja na wakeze wawili: yaani Ahinoamu wa Yezreeli, na Abigaili wa Karmeli, mjane wa Nabali.
Oo Daa'uudna Aakiish buu la joogi jiray Gad, isagii iyo raggiisiiba, oo nin waluba reerkiisii wuu watay, oo xataa Daa'uud wuu watay labadiisii naagood, kuwaasoo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel iyo Abiigayil tii reer Karmel oo Naabaal u dhaxday.
4 Sauli alipokuwa ameambiwa kwamba Daudi alikuwa amekimbilia Gathi, hakuendelea kumsaka tena.
Markaasaa Saa'uul waxaa loo soo sheegay in Daa'uud u cararay xagga Gad, oo isna mar dambe ma uusan doondoonin.
5 Ndipo Daudi akamwambia Akishi, “Kama nimepata kibali machoni pako, unipe sehemu katika mojawapo ya miji katika nchi nikae huko. Kwa nini mtumwa wako akae pamoja nawe katika mji huu wa kifalme?”
Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, magaalooyinka duurka ku yaal meel ha iga siiyeen, aan halkaas iska degee, waayo, bal anoo addoonkaaga ah maxaan magaalada reer boqor kuula degganahay?
6 Hivyo siku hiyo Akishi akampa Daudi mji wa Siklagi, nao Siklagi umekuwa mali ya wafalme wa Yuda tangu wakati huo.
Maalintaasaa Aakiish siiyey Siiqlag, oo sidaas aawadeed Siiqlag ilaa maanta waxaa iska leh boqorrada dalka Yahuudah.
7 Daudi akaishi katika nchi ya Wafilisti muda wa mwaka mmoja na miezi minne.
Oo maalmihii Daa'uud joogay duurka reer Falastiin tiradoodu waxay ahayd sannad dhan iyo afar bilood.
8 Basi Daudi na watu wake wakapanda na kuwashambulia Wageshuri, Wagirizi na Waamaleki. (Tangu zamani haya mataifa yalikuwa yameishi kwenye eneo lililotanda kuanzia Telemu katika njia iteremkayo Shuri hadi kufikia nchi ya Misri.)
Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii u keceen inay weeraraan reer Geshuur, iyo reer Geser, iyo reer Camaaleq, waayo, quruumahaas ayaa waagii hore dalka degganaa, oo waxay degganaayeen ilaa Shuur iyo xataa tan iyo dalka Masar.
9 Kila mara Daudi aliposhambulia eneo, hakubakiza hai mwanaume wala mwanamke, lakini alichukua kondoo na ngʼombe, punda na ngamia, na nguo. Kisha akarudi kwa Akishi.
Markaasaa Daa'uud dalkii weeraray, oo nololna kuma uu dayn nin iyo naag toona, wuxuuna la tegey idihii, iyo dibidii, iyo dameerrihii, iyo geelii, iyo dharkii, dabadeedna wuu soo noqday, oo Aakiish u yimid.
10 Akishi alipomuuliza, “Je leo umeshambulia wapi?” Daudi humjibu, “Dhidi ya Negebu ya Yuda,” au wakati mwingine husema, “Dhidi ya Negebu ya Yerameeli,” au “Dhidi ya Negebu ya Wakeni.”
Markaasaa Aakiish wuxuu ku yidhi, Yaad maanta soo dhacdeen? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaannu weerarnay xagga koonfureed oo dalka Yahuudah, iyo xagga koonfureed oo reer Yeraxme'eel iyo xagga koonfureed oo reer Qeyn.
11 Daudi hakumwacha hai mwanaume au mwanamke ili apate kuletwa Gathi, kwa maana Daudi aliwaza, “Wanaweza kujulisha habari zetu na kusema, ‘Hivi ndivyo alivyofanya Daudi.’” Hii ndiyo ilikuwa desturi yake wakati wote aliishi katika nchi ya Wafilisti.
Oo Daa'uudna nolol kuma uu dayn nin iyo naag toona, inuu Gad keeno aawadeed, waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo ay inagu sheekaystaan oo yidhaahdaan, Daa'uud saasuu yeelay, caadadiisuna saasay ahayd intuu duurka reer Falastiin degganaa oo dhan.
12 Akishi akamsadiki Daudi na kuwaza moyoni mwake, akasema, “Daudi amekuwa kitu cha kuchukiza kabisa kwa watu wake, Waisraeli, hivi kwamba atakuwa mtumishi wangu milele.”
Aakiishna Daa'uud buu aaminay, oo wuxuu isyidhi, Isagu dadkiisii reer binu Israa'iil oo dhan wuu isku diray oo aad bay u karahsadeen isaga; sidaas daraaddeed isagu wuxuu ii ahaan doonaa addoon weligiisba.

< 1 Samweli 27 >