< 1 Samweli 23 >

1 Daudi alipoambiwa kuwa, “Tazama, Wafilisti wanapigana dhidi ya Keila nao wanapokonya nafaka katika sakafu za kupuria,”
Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.
2 akauliza kwa Bwana, akisema, “Je, niende na kuwashambulia hawa Wafilisti?” Bwana akamjibu, “Nenda, washambulie Wafilisti na uuokoe Keila.”
Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.
3 Lakini watu wa Daudi wakamwambia, “Hapa Yuda kwenyewe tunaogopa. Si zaidi sana, kama tukienda Keila dhidi ya majeshi ya Wafilisti!”
Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?
4 Daudi akauliza kwa Bwana tena, naye Bwana akamjibu akamwambia, “Shuka uende Keila, kwa kuwa nitawatia Wafilisti mkononi mwako.”
Oo haddana mar kale ayaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiistay. Markaasaa Rabbigu ugu jawaabay, Kac, oo ku dhaadhac Qeciilaah, waayo, reer Falastiin gacantaadaan soo gelin doonaa.
5 Basi Daudi na watu wake wakaenda Keila, wakapigana na Wafilisti na kutwaa wanyama wao wa kutosha. Daudi akawatia hasara kubwa Wafilisti na kuwaokoa watu wa Keila.
Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba Qeciilaah tageen, oo reer Falastiin la dirireen, oo waxay ka soo dhaceen lo'doodii, dad faro badanna way laayeen. Sidaasuu Daa'uud dadkii Qeciilaah degganaa u badbaadiyey.
6 (Basi Abiathari mwana wa Ahimeleki alikuwa ameleta kisibau alipokimbilia kwa Daudi huko Keila.)
Oo markii Aabyaataar oo ina Axiimeleg ahaa Daa'uud ugu soo cararay xagga Qeciilaah, wuxuu yimid isagoo eefod gacanta ku sita.
7 Sauli akaambiwa kwamba Daudi alikuwa amekwenda Keila, naye akasema, “Mungu amemtia mkononi mwangu, kwa kuwa Daudi amejifunga mwenyewe kwa kuingia kwenye mji wenye malango na makomeo.”
Oo Saa'uul baa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah yimid. Markaasaa Saa'uul yidhi, Haddaa Ilaah gacanta ii soo geliyey; waayo, wuxuu ku xidhmay markuu galay magaalo leh irdo iyo qataarro.
8 Naye Sauli akayaita majeshi yake yote yaende vitani, kuishukia Keila ili kumzingira Daudi na watu wake kwa jeshi.
Markaasaa Saa'uul dadkiisii oo dhan dagaal ugu yeedhay inay Qeciilaah ku dhaadhacaan, oo ay Daa'uud iyo raggiisaba hareereeyaan.
9 Daudi alipojua kuwa Sauli alikuwa ana hila dhidi yake, akamwambia Abiathari kuhani, “Leta kile kisibau.”
Oo Daa'uudna wuu ogaa in Saa'uul belaayo la damacsan yahay; markaasuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Halkan eefodka keen.
10 Daudi akasema, “Ee Bwana, Mungu wa Israeli, mtumishi wako amesikia kwa hakika kwamba Sauli anapanga kuja Keila na kuangamiza mji kwa ajili yangu.
Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo.
11 Je, watu wa Keila watanisalimisha kwake? Je, Sauli atateremka, kama mtumishi wako alivyosikia? Ee Bwana, Mungu wa Israeli, mwambie mtumishi wako.” Naye Bwana akasema, “Ndiyo, atashuka.”
Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa.
12 Daudi akauliza tena, “Je watu wa Keila watanisalimisha mimi pamoja na watu wangu kwa Sauli?” Naye Bwana akasema, “Ndiyo, watafanya hivyo.”
Kolkaasuu Daa'uud yidhi, Haddaba miyey dadka reer Qeciilaah aniga iyo raggaygaba Saa'uul gacanta noo gelin doonaan? Rabbigu wuxuu yidhi, Haah, way kuu gacangelin doonaan.
13 Basi Daudi na watu wake, wapatao 600, wakaondoka Keila wakawa wanakwenda sehemu moja hadi nyingine. Sauli alipoambiwa Daudi ametoroka kutoka Keila, hakwenda huko.
Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii oo lix boqol ku dhowaa kaceen oo Qeciilaah ka baxeen, oo waxay tageen meel alla meeshii ay tegi kareen. Oo Saa'uulna waxaa loo soo sheegay in Daa'uud Qeciilaah ka baxsaday, markaasuu iska daayay inuu u soo baxo.
14 Daudi akakaa katika ngome za jangwani na katika vilima vya Jangwa la Zifu. Siku baada ya siku Sauli aliendelea kumsaka, lakini Mungu hakumtia Daudi mikononi mwake.
Oo Daa'uudna wuxuu degganaa dhufaysyada cidlada ku yiil, oo wuxuu iska joogay dalka buuraha leh ee cidlada ah ee Siif. Oo Saa'uul baa doondooni jiray maalin kasta, laakiinse Ilaah gacanta uma soo gelin.
15 Daudi alipokuwa huko Horeshi katika Jangwa la Zifu, akajua kuwa Sauli alikuwa amekuja ili amuue.
Oo Daa'uudna wuxuu arkay in Saa'uul u soo baxay si uu naftiisa u deydeyo. Daa'uudna cidlada Siif buu ku jiray, duurka dhexdiisa.
16 Naye Yonathani mwana wa Sauli akamwendea Daudi huko Horeshi na kumtia moyo kusimama imara katika imani yake kwa Mungu.
Markaasaa Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa kacay, oo Daa'uud ugu tegey duurka dhexdiisa, oo gacantiisuu ku xoogeeyey Ilaah.
17 Akamwambia, “Usiogope, Daudi; baba yangu Sauli hatakutia mkononi mwake. Utakuwa mfalme juu ya Israeli, nami nitakuwa wa pili wako. Hata baba yangu Sauli anajua hili.”
Oo wuxuu isagii ku yidhi, Ha cabsan, waayo, aabbahay Saa'uul gacantiisu kuma heli doonto; oo adna reer binu Israa'iil boqor baad u noqon doontaa, oo anna waan kugu xigi doonaa; taasna aabbahay Saa'uul waa og yahay.
18 Wote wawili wakaweka agano mbele za Bwana. Kisha Yonathani akaenda zake nyumbani, lakini Daudi akabaki Horeshi.
Oo labadoodii axdi bay Rabbiga hortiisa ku dhigteen. Oo Daa'uud wuxuu iska joogay duurkii, Yoonaataanna gurigiisii buu tegey.
19 Basi Wazifu wakakwea kwa Sauli huko Gibea na kusema, “Je, Daudi hajifichi miongoni mwetu katika ngome huko Horeshi, katika kilima cha Hakila, kusini mwa Yeshimoni?
Markaasaa Saa'uul waxaa Gibecaah ugu yimid reer Siif, waxayna ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu ku dhuuman dhufaysyada dalkayaga duurka ku yaal, oo ku dhex yaal buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal?
20 Sasa, ee mfalme, uteremke wakati wowote unapoona vyema kufanya hivyo, sisi tutawajibika kumkabidhi kwa mfalme.”
Haddaba, boqorow, soo dhaadhac adigoo aad u doonaya inaad timaadid; oo annana qaybtayadu wuxuu ahaan doonaa inaan gacantaada ku soo ridno, boqorow.
21 Sauli akajibu, “Bwana awabariki kwa kunifikiria.
Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Kuwo xagga Rabbiga ka barakaysan noqda; waayo, idinku waad ii naxariisateen.
22 Nendeni mkafanye maandalizi zaidi. Mkajue mahali ambapo Daudi huenda mara kwa mara na nani amepata kumwona huko. Wananiambia yeye ni mwerevu sana.
Haddaba waan idin baryayaaye weliba taga oo sii hubsada, oo waxaad soo ogaataan oo soo aragtaan meeshuu u caado leeyahay, iyo kii isaga halkaas ku soo arkay, waayo, waxaa la ii soo sheegay inuu aad xeelad ugu macaamiloodo.
23 Jueni kila mahali anapojificha mrudi na kunipa taarifa kamili. Kisha nitakwenda pamoja nanyi; kama atakuwa katika eneo hilo, nitamsaka miongoni mwa koo zote za Yuda.”
Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.
24 Basi wakaondoka na kwenda mpaka Zifu wakimtangulia Sauli. Naye Daudi na watu wake walikuwa katika Jangwa la Maoni, katika Araba kusini mwa Yeshimoni.
Markaasay Saa'uul hor mareen, oo ay u kaceen xagga Siif, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay joogeen cidlada reer Maacoon ku dhex taal Caraabaah ee lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal.
25 Sauli na watu wake wakaanza msako, naye Daudi alipoelezwa hili, akateremka mpaka mwambani na kukaa katika Jangwa la Maoni. Sauli aliposikia hili, akaenda katika Jangwa la Maoni akimfuata Daudi.
Markaasaa Saa'uul iyo raggiisiiba waxay u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan. Oo iyana taas bay u sheegeen Daa'uud, sidaas daraaddeed ayuu u dhaadhacay xagga dhagaxii weynaa, oo cidladii Maacoon ayuu iska joogay. Oo Saa'uulna markuu taas maqlay ayuu Daa'uud u eryaday xagga cidladii Maacoon.
26 Sauli alikuwa akienda upande mmoja wa mlima, naye Daudi na watu wake walikuwa upande mwingine wa mlima, wakiharakisha kumkimbia Sauli. Wakati Sauli na majeshi yake walipokaribia kumkamata Daudi na watu wake,
Oo Saa'uulna wuxuu maray buurta dhankeedii soke, Daa'uud iyo raggiisiina waxay mareen buurta dhankeedii shishe, oo Daa'uudna wuu dhaqsaday inuu u cararo cabsi uu Saa'uul ka qabo aawadeed, waayo, Saa'uul iyo raggiisii waxay u hareereeyeen Daa'uud iyo raggiisii inay qabtaan.
27 mjumbe alikuja kwa Sauli, akisema, “Njoo haraka! Wafilisti wanaishambulia nchi.”
Laakiinse wargeeys baa Saa'uul u yimid oo ku yidhi, Soo dhaqso oo kaalay; waayo, reer Falastiin weerar bay ku soo kacsheen dalkii.
28 Ndipo Sauli akarudi akaacha kumfuata Daudi na kwenda kukabiliana na Wafilisti. Ndiyo sababu wanaiita sehemu hii Sela-Hamalekothi.
Oo sidaas daraaddeed Saa'uul wuu ka noqday Daa'uud kii uu eryanayay, oo wuxuu u kacay kuwii reer Falastiin, sidaas aawadeed waxay meeshaas u bixiyeen Selac Hammaxleqood.
29 Naye Daudi akakwea kutoka huko na kuishi katika ngome za En-Gedi.
Oo Daa'uudna halkaas wuu ka tegey, oo iska joogay Ceyn Gedii dhufaysyadeedii.

< 1 Samweli 23 >