< 1 Nyakati 24 >
1 Hii ndiyo migawanyo ya wana wa Aroni: Aroni alikuwa na wana wanne: Nadabu, Abihu, Eleazari na Ithamari.
Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
2 Nadabu na Abihu walikufa kabla ya baba yao, nao hawakuwa na wana; kwa hiyo ndugu zao Eleazari na Ithamari wakahudumu kama makuhani.
Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar.
3 Akisaidiwa na Sadoki mwana wa Eleazari na Ahimeleki mwana wa Ithamari, Daudi aliwapanga wazao wa Aroni katika migawanyo kufuatana na wajibu wa huduma zao.
Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd.
4 Idadi kubwa ya viongozi walipatikana miongoni mwa wazao wa Eleazari, kuliko miongoni mwa wazao wa Ithamari, nao waligawanywa kwa uwiano: Viongozi kumi na sita kutoka jamaa ya wazao wa Eleazari na viongozi wanane kutoka jamaa ya wazao wa Ithamari.
Oo reer Elecaasaar waxaa laga dhex helay niman madax ah oo ka badan intii reer Iitaamaar laga helay, oo iyagii sidanaa loo kala qaybiyey, reer Elecaasaar waxaa ku jiray lix iyo toban nin, oo qolooyin madax u ah, oo reer Iitaamaarna waxaa ku jiray siddeed, sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen.
5 Waliwagawanya bila upendeleo kwa kupiga kura, kwa kuwa kulikuwa na maafisa wa mahali patakatifu na maafisa wa Mungu miongoni mwa wazao wale wa Eleazari na wale wa Ithamari.
Oo sidanaa iyagii saami loogu kala qaybiyey, oo caynba caynkii kale waa lagu daray, waayo, waxaa jiray amiirro meesha quduuska ah, iyo amiirro Ilaah oo ahaa reer Elecaasaar iyo reer Iitaamaar labadaba.
6 Mwandishi Shemaya mwana wa Nethaneli, Mlawi, aliorodhesha majina yao mbele ya Mfalme Daudi na maafisa: Kuhani Sadoki, Ahimeleki mwana wa Abiathari, na viongozi wa jamaa za makuhani na za Walawi: jamaa moja ikitoka upande wa Eleazari na nyingine upande wa Ithamari.
Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.
7 Kura ya kwanza ilimwangukia Yehoyaribu, ya pili Yedaya,
Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah,
8 ya tatu Harimu, ya nne Seorimu,
kii saddexaadna Haarim, kii afraadna Secoriim,
9 ya tano Malkiya, ya sita Miyamini,
kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin,
10 ya saba Hakosi, ya nane Abiya,
kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah,
11 ya tisa Yeshua, ya kumi Shekania,
kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah,
12 ya kumi na moja Eliashibu, ya kumi na mbili Yakimu,
kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,
13 ya kumi na tatu Hupa, ya kumi na nne Yeshebeabu,
kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab,
14 ya kumi na tano Bilga, ya kumi na sita Imeri,
kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer,
15 ya kumi na saba Heziri, ya kumi na nane Hapisesi,
kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees,
16 ya kumi na tisa Pethahia, ya ishirini Yehezkeli,
kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel,
17 ya ishirini na moja Yakini, ya ishirini na mbili Gamuli,
kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul,
18 ya ishirini na tatu Delaya, ya ishirini na nne Maazia.
kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah.
19 Huu ulikuwa ndio utaratibu wao uliokubalika wa kuhudumu walipoingia katika Hekalu la Bwana kulingana na masharti waliyoelekezwa na Aroni baba yao, kama Bwana, Mungu wa Israeli, alivyokuwa amemwamuru.
Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.
20 Kuhusu wazao wa Lawi waliobaki: Kutoka kwa wana wa Amramu: alikuwa Shubaeli; kutoka kwa wana wa Shubaeli: alikuwa Yedeya.
Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah.
21 Kwa wa Rehabia, kutoka kwa wanawe: Ishia alikuwa wa kwanza.
Reer Rexabyaahna waxaa wiilashii Rexabyaah ka joogay Yishyaah oo madax ahaa.
22 Kutoka kwa Waishari: alikuwa Shelomithi, kutoka kwa wana wa Shelomithi: alikuwa Yahathi.
Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad.
23 Wana wa Hebroni: Yeria alikuwa mkuu, Amaria wa pili, Yahazieli wa tatu, na Yekameamu wa nne.
Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.
24 Mwana wa Uzieli: alikuwa Mika; kutoka kwa wana wa Mika: alikuwa Shamiri.
Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir.
25 Ndugu yake Mika: alikuwa Ishia; na kutoka kwa wana wa Ishia: alikuwa Zekaria.
Oo Miikaah walaalkiisna wuxuu ahaa Yishyaah, wiilashii Yishyaahna waxaa ka joogay Sekaryaah.
26 Wana wa Merari: walikuwa Mahli na Mushi. Mwana wa Yaazia: alikuwa Beno.
Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo.
27 Wana wa Merari: kutoka kwa Yaazia: ni Beno, Shohamu, Zakuri na Ibri.
Wiilashii Meraariina, waxaa reer Yacasiyaah ka joogay Benoo, iyo Shoham, iyo Sakuur, iyo Cibrii.
28 Kutoka kwa Mahli: alikuwa Eleazari, ambaye hakuwa na wana.
Reer Maxliina waxaa ka joogay Elecaasaar, oo aan waxba wiilal lahayn.
29 Kutoka kwa Kishi: mwana wa Kishi: alikuwa Yerameeli.
Reer Qiishna waxaa ka joogay ina Qiish, oo ahaa Yeraxme'eel.
30 Nao wana wa Mushi: walikuwa Mahli, Ederi na Yeremothi. Hawa walikuwa Walawi kulingana na jamaa zao.
Reer Mushii waxaa ka joogay Maxlii, iyo Ceeder, iyo Yeriimood. Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi siday qolooyinkoodu kala ahaayeen.
31 Pia walipiga kura kama vile ndugu zao wazao wa Aroni walivyofanya, mbele ya Mfalme Daudi, Sadoki, Ahimeleki na mbele ya viongozi wa jamaa ya makuhani na ya Walawi. Jamaa za ndugu wakubwa zilitendewa sawasawa na zile za ndugu wadogo.
Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.