< Sefanyaah 3 >

1 Waxaa iska hoogtay magaalada caasiyowday oo nijaasowday oo wax dulunta!
¡Ay de la ciudad ensuciada y contaminada y opresora!
2 Iyadu codkii ma ay addeecin, oo edbintiina ma ay aqbalin, oo Rabbiga iskuma ay hallayn, oo Ilaahna kuma ay soo dhowaan.
No escuchó la voz, ni recibió la disciplina; no se confió en el SEÑOR, no se acercó a su Dios.
3 Amiirradeeda iyada dhex jooga waa sida libaaxyo ciyaya, xaakinnadeeduna waa sida yeey habeennimo oo aan waxba tan iyo aroortii reebin.
Sus príncipes en medio de ella son leones bramadores; sus jueces, lobos de tarde que no dejan hueso para la mañana;
4 Nebiyadeedu waa kuwo fudud oo khiyaano badan, oo wadaaddadeediina meeshii quduuska ahayd ayay nijaaseeyeen, oo sharcigiina si xun bay u dhaafeen.
sus profetas, son livianos, varones prevaricadores; sus sacerdotes contaminaron el santuario, falsearon la ley.
5 Rabbiga dhexdeeda jooga waa xaq, oo innaba xumaan ma samayn doono, oo caddaaladdiisana aroor kastaba wuu soo saaraa, oo marnaba kama baaqdo, laakiinse caddaaladlaawuhu isma ceebsan yaqaan.
El SEÑOR justo en medio de ella, no hará iniquidad; cada mañana sacará a luz su juicio, nunca falta; mas el perverso no tiene vergüenza.
6 Anigu quruumo ayaan baabbi'iyey, oo qalcadahoodiina waa baabba', oo jidadkoodiina cidla baan ka dhigay si aan ciduna u marin, oo magaalooyinkoodiina waa la dumiyey, si aan qofna u joogin oo aan cid keliyuhuna u degganaan.
Hice talar los gentiles; sus castillos están asolados; hice desiertas sus calles, hasta no quedar quien pase; sus ciudades están asoladas hasta no quedar hombre, hasta no quedar morador.
7 Waxaan idhi, Sida xaqiiqada ah waad iga cabsan doontaa, oo edbin baad aqbali doontaa. Markaas hoygeedu uma uu baabbe'een sidii aan iyada u goostay. Laakiinse aroor horay keceen oo falimahoodii oo dhan way xumeeyeen.
Diciendo: Ciertamente ahora me temerás; recibirás castigo, y no será derribada su habitación, todo lo cual yo visité sobre ella; mas ellos se levantaron de mañana y corrompieron todas sus obras.
8 Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.
Por tanto, esperadme, dijo el SEÑOR, el día que me levantaré al despojo; porque mi juicio es de coger los gentiles, juntar los reinos, para derramar sobre ellos mi enojo, toda la ira de mi furor; porque del fuego de mi celo será consumida toda la tierra.
9 Waayo, markaas ayaan dadyowga siin doonaa af daahir ah, si ay kulligood magaca Rabbiga ugu yeedhaan, oo ay isaga ugu adeegaan isku niyad keliya.
Porque entonces volveré yo a los pueblos el lenguaje puro, para que todos invoquen el nombre del SEÑOR, para que de un solo consentimiento le sirvan.
10 Kuwa i barya oo ah dadkayga firidhsan waxay webiyaasha Itoobiya shishadooda ka keeni doonaan qurbaankayga.
De esa parte de los ríos de Etiopía, suplicarán a mí, la hija de mis esparcidos, me traerá presente.
11 Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.
En aquel día no te avergonzarás de ninguna de tus obras con las cuales te rebelaste contra mí; porque entonces quitaré de en medio de ti los que se alegran en tu soberbia, y nunca más te ensoberbecerás del monte de mi santidad.
12 Laakiinse dhexdaada waxaan uga tegi doonaa dad dhibaataysan oo masaakiin ah, oo iyana magaca Rabbiga ayay isku hallayn doonaan.
Y dejaré en medio de ti un pueblo humilde y pobre, los cuales esperarán en el nombre del SEÑOR.
13 Kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay xumaan ma samayn doonaan, beenna ma sheegi doonaan, oo afkoodana innaba carrab khiyaano badan lagama heli doono, waayo, iyagu wax bay quudan doonaan oo way iska jiifsan doonaan, oo waxba iyaga ma cabsiin doonaan.
El remanente de Israel no hará iniquidad, ni dirá mentira, ni en boca de ellos se hallará lengua engañosa; porque ellos serán apacentados y dormirán, y no habrá quien los espante.
14 Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.
Canta, oh hija de Sion; da voces de júbilo, oh Israel; gózate y regocíjate de todo corazón, oh hija de Jerusalén.
15 Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid.
El SEÑOR alejó tus juicios, echó fuera tu enemigo; El SEÑOR es Rey de Israel en medio de ti; nunca más verás el mal.
16 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin.
En aquel tiempo se dirá a Jerusalén: No temas; Sion, no se debiliten tus manos.
17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.
El SEÑOR está en medio de ti, poderoso, él salvará; se gozará sobre ti con alegría, callará de amor, se regocijará sobre ti con cantar.
18 Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd.
Reuniré a los fastidiados por causa del largo tiempo; tuyos son; para quienes la confusión de ella era una carga.
19 Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.
He aquí, en aquel tiempo yo apremiaré a todos tus opresores; y salvaré a la coja, y recogeré la descarriada; y los pondré por alabanza y por renombre en toda la tierra de su confusión.
20 Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
En aquel tiempo yo os traeré, en aquel tiempo yo os congregaré; porque yo os daré por renombre y por alabanza entre todos los pueblos de la tierra, cuando tornaré vuestros cautivos delante de vuestros ojos, dice el SEÑOR.

< Sefanyaah 3 >