< Sekaryaah 9 >

1 Kanu waa warka culus ee erayga Rabbiga oo ku saabsan dalka Xadraag, oo Dimishaqna waa meeshuu joogayo, waayo, nin kasta iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammuba waxay indhaha ku taagayaan Rabbiga xaggiisa,
Annabci. Maganar Ubangiji tana gāba da ƙasar Hadrak za tă kuma sauko a kan Damaskus, gama idanun dukan mutane da na kabilan Isra’ila suna a kan Ubangiji,
2 iyo weliba Xamaad oo soohdinteeda ku ag taal, iyo weliba Turos iyo Siidoon, maxaa yeelay, iyadu way caqli badan tahay.
da kuma a kan Hamat ita ma, wadda ta yi iyaka da ita, da kuma a kan Taya da Sidon, ko da yake suna da hikima ƙwarai.
3 Turos waxay dhisatay qalcad, oo waxay lacag u urursatay sida ciidda oo kale, iyo dahab saafiya sida dhoobada jidadka dhex taal oo kale.
Taya ta gina wa kanta mafaka mai ƙarfi; ta tara azurfa kamar ƙasa, zinariya kuma kamar tarin shara a tituna.
4 Bal eeg, Sayidku iyada wuu hantiyi doonaa, oo xooggeedana badduu ku tuuri doonaa, oo dab baa dhammayn doona.
Amma Ubangiji zai karɓe mallakarta, zai hallaka ikonta da take da shi a kan teku, wuta kuma za tă cinye ta.
5 Ashqeloon way arki doontaa, wayna cabsan doontaa, oo Gaasana way arki doontaa oo aad bay u xanuunsan doontaa, Ceqroonna way cabsan doontaa, waayo, waxfilashadeedii way dhammaan doontaa, oo Gaasana boqorku wuu ka baabbi'i doonaa, Ashqeloonna lama degganaan doono.
Ashkelon za tă ga haka ta ji tsoro; Gaza za tă yi birgima cikin azaba, haka Ekron ma, gama za tă fid da zuciya. Gaza za tă rasa sarkinta za a kuma gudu a bar Ashkelon.
6 Ashdoodna reer garac baa dhex degganaan doona, oo kibirka reer Falastiinna waan baabbi'in doonaa.
Baƙi za su mallaki Ashdod, kuma zan kawar da girman kan Filistiyawa.
7 Waxaan afkooda ka soo bixin doonaa dhiiggooda, oo ilkahooda dhexdoodana karaahiyadoodaan ka soo bixin doonaa, oo iyaguna Ilaahayagay dad hadhay u ahaan doonaan, oo sida ugaas dalka Yahuudah dhex jooga oo kale ayay ahaan doonaan, oo Ceqroonna waxay noqon doontaa sida reer Yebuus.
Zan kawar da jini daga bakinsu, zan kuma cire abincin da aka haramta daga tsakanin haƙoransu. Waɗanda za a bari za su zama na Allahnmu, su kuma zama shugabanni a Yahuda, Ekron kuma za tă zama kamar Yebusiyawa.
8 Oo gurigayga hareerihiisa waan degi doonaa inaan ciidanka ka hor joogsado, inaan ninna ka dhex marin ama ku soo noqon, oo mar dambena mid wax dulma iyaga ma dhex mari doono, waayo, haatan indhahaygaan ku arkay.
Amma zan kāre gidana daga sojoji masu kai da kawowa. Azzalumi ba zai ƙara cin mutanena da yaƙi ba, gama yanzu ina tsaro.
9 Magaalada Siyoonay, si weyn u reyree, magaalada Yeruusaalemay, qayli. Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa. Isagu waa xaq oo guul buu leeyahay, waana qalbi qabow yahay, oo wuxuu fuushan yahay dameer ah qayl dameereed.
Ki yi murna ƙwarai, ya Diyar Urushalima! Ki yi sowa, Diyar Urushalima! Duba, ga sarkinki yana zuwa wurinki, mai adalci yana kuma da ceto, mai tawali’u yana kuma hawan jaki, yana a kan ɗan aholaki, a kan’yar jaka.
10 Oo anigu Efrayim gaadhifardood kasta waan ka baabbi'in doonaa, oo Yeruusaalemna faras kuma reebi doono, oo qaansada dagaalkana waa la baabbi'in doonaa. Isna quruumaha nabad buu kula hadli doonaa, oo dowladnimadiisuna waxay gaadhi doontaa bad ilaa baddeeda kale, iyo tan iyo Webiga iyo xataa dhulka darafyadiisa.
Zan ƙwace kekunan yaƙi daga Efraim, da kuma dawakan yaƙi daga Urushalima, za a kuma karya bakan yaƙi. Zai yi shelar salama ga al’ummai. Mulkinsa zai yaɗu daga teku zuwa teku, daga Kogi kuma zuwa ƙarshen duniya.
11 Oo weliba adigana dhiiggii axdigaaga daraaddiis maxaabiistaadii waan ka soo bixiyey godkii aan biyuhu ku jirin.
Ke kuma, saboda jinin alkawarina da ke, zan’yantar da’yan kurkukunki daga rami marar ruwa.
12 Ku noqda qalcadda, maxaabiistiinna rajada lahow, maantadan ayaan caddaynayaa inaan laba jibbaar idin siinayo.
Ku koma maɓuya, ya ku’yan kurkuku masu sa zuciya; ko yanzu ma na sanar cewa zan mayar muku ninki biyu.
13 Waayo, dadka Yahuudah sida qaanso baan u xootay, oo reer Efrayim sida fallaadh oo kale ayaan qaansadii u gashaday. Siyoonay, wiilashaada waan kicin doonaa, Gariigow, iyagaan ku kicin doonaa wiilashaada, oo waxaan kaaga dhigi doonaa sida seef nin xoog badanu haysto.
Zan lanƙwasa Yahuda yadda nake lanƙwasa bakana, in kuma cika ta da Efraim kamar kibiya. Zan tā da’ya’yanki maza, ya Sihiyona, gāba da’ya’yanki, ya Girka, in kuma mai da ke kamar takobin jarumin yaƙi.
14 Oo Rabbigiina waa lagu arki doonaa korkooda, oo fallaadhihiisuna waa u soo bixi doonaan sida hillaac. Oo Sayidka Rabbiga ahu buunkuu afuufi doonaa, oo wuxuu raaci doonaa dabaylo cirwareen ah ee koonfureed.
Sa’an nan Ubangiji zai bayyana a bisansu; kibiyarsa za tă wulga kamar walƙiya. Ubangiji Mai Iko Duka zai busa ƙaho; zai taho ta cikin guguwa daga kudu,
15 Rabbiga ciidammada ayaa daafici doona iyaga, oo way baabbi'in doonaan, oo waxay ku tuman doonaan dhagaxyada wadhafka, oo khamri bay cabbi doonaan oo waxay u qaylin doonaan sida iyagoo sakhraansan, oo waxay u buuxsami doonaan sida maddiibado, iyo sida rukummada meesha allabariga.
Ubangiji Maɗaukaki kuma zai tsare su. Za su hallakar su kuma yi nasara da duwatsun majajjawa. Za su sha su yi kururuwa kamar sun sha ruwan inabi; za su cika kamar kwanon da ake amfani don a yayyafa jini a kusurwoyin bagade.
16 Oo wakhtigaas ayaa Rabbiga Ilaahooda ahu dadkiisa badbaadin doonaa sida iyagoo idihiisa ah, waayo, waxay ahaan doonaan sida dhagxan qaali ah oo taaj ku jira oo dalkiisa ka kor dhalaalaya.
Ubangiji Allahnsu zai cece su a wannan rana gama su mutanensa ne da kuma garkensa. Za su haska a cikin ƙasarsa kamar lu’ulu’u a rawani.
17 Barwaaqadiisu badanaa oo quruxdiisu weynaan badanaa! Barbaarrada hadhuudh baa barwaaqayn doonaa, gabdhahana khamri cusub baa barwaaqayn doona.
Za su yi kyan gani da kuma bansha’awa! Hatsi zai sa samari su yi murna, sabon ruwan inabi kuma zai sa’yan mata su yi farin ciki.

< Sekaryaah 9 >