< Tiitos 1 >

1 Anigoo Bawlos ah oo Ilaah addoon u ah, Ciise Masiixna rasuul u ah, siday yihiin iimaanka kuwa Ilaah doortay iyo aqoonta runta oo ah xagga cibaadada,
Paulo, mtumishi wa Mungu na mtume wa Yesu Kristo, kwa imani ya wateule wa Mungu na maarifa ya kweli iletayo utauwa.
2 iyagoo rajaynaya nolosha weligeed ah oo Ilaaha aan beenta sheeginu u ballanqaaday waayadii hore hortood, (aiōnios g166)
Wapo katika tumaini la uzima wa milele ambao Mungu asiyeweza kusema uongo aliuahidi tangu milele. (aiōnios g166)
3 laakiinse wakhtiyadiisii goonida ahaa uu hadalkiisii ku muujiyey wacdigii laygu ammaaneeyey sida Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu u amray,
Kwa wakati muafaka, alilifunua neno lake katika ujumbe alionipa mimi kuhubiri. Ilinipasa kufanya hivi kwa amri ya Mungu mwokozi wetu.
4 waxaan warqaddan u qorayaa Tiitos oo ah wiilkayga runta ah xagga iimaanka inaga dhexeeya. Nimco iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
Kwa Tito, mwana wa kweli katika imani yetu. Neema, huruma na amani kutoka kwa Mungu Baba na Yesu Kristo mwokozi wetu.
5 Sababtaas daraaddeed ayaan Kereetee kaaga dhex tegey inaad hagaajisid waxyaalaha hadhay iyo inaad waayeello magaalo walba ka dooratid sidaan kuugu amray,
Kwa sababu hii nalikuacha Krete, kwamba uyatengeneze mambo yote yaliyokuwa hayajakamilika na kuweka wazee wa kanisa kwa kila mji kama nilivyokuagiza.
6 hadduu mid waliba yahay nin aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo leh carruur rumaysan, oo aan rabshad iyo caasinimo lagu dacwaynin.
Mzee wa kanisa lazima asiwe na lawama, mme wa mke mmoja, aliye na watoto waaminifu wasioshuhudiwa mabaya au wasio na nidhamu.
7 Waayo, hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ceeb la'aado sida wakiilka Ilaah; oo uusan madax adkaan, oo uusan camal fududaan, oo uusan sakhraan noqon, oo uusan gacan fududaan, oo uusan faa'iidada ceebta ah jeclaan,
Ni muhimu kwa mwangalizi, kama msimamizi wa nyumba ya Mungu, asiwe na lawama. Asiwe mtu wa kelele au asiye jizuia. Lazima asiwe mwepesi wa hasira, asiwe mlevi, asiwe mtu wa kusababisha ugomvi, na asiwe mwenye tamaa.
8 laakiinse waa inuu ahaado mid martida soo dhoweeya, oo wanaag jecel, oo feeyigaan, oo xaq ah, oo quduus ah, oo iscelin kara;
Badala yake: awe mtu mkaribishaji, apendaye wema. Lazima awe mtu mwenye akili timamu, mwenye haki, mcha Mungu, anayejitawala mwenyewe.
9 isagoo xajinaya hadalka aaminka ah oo ah sidii loo baray, inuu awoodo inuu cilmiga runta ah ku waaniyo oo ku canaanto kuwa muranka miidhan ah.
Awezaye kusimamia mafundisho ya kweli yaliyofundishwa, ili aweze kuwatia moyo kwa mafundisho mazuri na awezaye kuwarekebisha wote wanaompinga.
10 Waayo, waxaa jira caasiyiin badan, iyo kuwa hadal xun ku hadla, iyo khaa'inno, oo khusuusan waa kuwa gudan.
Kwa kuwa kuna waasi wengi, hasa wale wa tohara. Maneno yao ni ya upuuzi. Wanadanganya na kuwaongoza watu katika upotovu.
11 Kuwaas afkooda waa in la xidho, maxaa yeelay, waa kuwa reero dhan gembiya iyagoo faa'iidada ceebta ah aawadeed u baraya waxyaalo aan waajib ahayn inay baraan.
Ni lazima kuwazuia watu kama hao. Wanafundisha yale wasiyopaswa kwa faida za aibu na kuharibu familia zote.
12 Mid iyaga ka mid ahaa oo nebigoodii ahaa ayaa wuxuu yidhi, Reer Kereetee weligood waa beenaalayaal, iyo dugaag xun, iyo kuwo cir weyn oo caajisiin ah.
Mmoja wao, mtu mwenye busara, alisema, “Wakrete wana uongo usio na mwisho, wabaya na wanyama wa hatari, wavivu na walafi.”
13 Markhaatigaasu waa run. Sababtaas aawadeed aad u canaano iyaga inay iimaanka si run ah ugu socdaan
Haya maelezo ni ya kweli, kwa hiyo uwazuie kwa nguvu ili kwamba waweze kusema kweli katika imani.
14 iyagoo aan dhegaysanayn sheekooyinka Yuhuudda iyo amarrada dadka runta ka leexanaya.
Wewe usijihusishe na hadithi zisizo za kweli za Kiyahudi au amri za watu, ambao hurudisha nyuma ukweli.
15 Kuwa daahirka ah wax waluba waa u daahir, laakiin kuwa nijaasaysan oo aan rumaysadka lahayn waxba daahir uma aha, laakiinse kaskooda iyo niyadooduba waa nijaasoobeen.
Kwa wote walio safi, vitu vyote ni visafi. Lakini kwa wote walio wachafu na wasioamini, hakuna kilicho kisafi. Kwa kuwa mawazo yao na dhamira zao zimechafuliwa.
16 Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.
Wanakiri kumjua Mungu, lakini kwa matendo yao wanamkana. Wao ni waovu na wasiotii. Hawakuthibitishwa kwa tendo lolote jema.

< Tiitos 1 >