< Tiitos 3 >

1 Xusuusi iyaga inay taliyayaasha iyo kuwa amarka leh ka dambeeyaan, oo ay dhego nuglaadaan, oo ay shuqul kasta oo wanaagsan diyaar u ahaadaan,
Remind them to subordinate themselves to rulers and authorities, to be obedient, to be ready for every good work,
2 oo ayan ninna caayin oo noqon kuwa ilaaq badan, laakiinse dadka oo dhan roonaan iyo qaboobaan ha tuseen.
to slander no one, to be peaceable, gentle, demonstrating true humility to all men.
3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.
Because we ourselves were also foolish at one time, disobedient, being deceived, being enslaved to various lusts and pleasures, living in malice and envy, detestable, hating one another.
4 Laakiinse markii raxmaddii Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo jacaylkii uu dadka u qabay muuqdeen,
But when the kindness of our Savior God and His love toward mankind manifested itself,
5 ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah,
He saved us—not because of righteous deeds that we ourselves had done but according to His mercy, by means of the bath of regeneration and renewal by the Holy Spirit,
6 oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix;
whom He poured out on us abundantly through Jesus Christ our Savior,
7 inaynu, innagoo quduus laynagaga dhigay nimcadiisa, rajada ku noqonno kuwo nolol weligeed ah dhaxla. (aiōnios g166)
so that having been justified by His grace we might become heirs according to the hope of eternal life. (aiōnios g166)
8 Hadalkanu waa run, oo xagga waxyaalahan waxaan doonayaa inaad ku adkaysatid in kuwa Ilaah rumaysanu ay digtoonaadaan inay shuqullo wanaagsan ku dadaalaan. Waxyaalahanu way wanaagsan yihiin, dadkana wax bay u taraan.
The above is a trustworthy statement and I want you to insist on these things, so that those who have trusted in God may be concerned to take the lead in good works. These things are good and profitable for mankind.
9 Laakiin ka fogow su'aalaha nacasnimada ah, iyo abtirsiinyada, iyo murannada, iyo ilaaqda sharciga ku saabsan, waayo, waxtar iyo micne toona ma leh.
But avoid foolish arguments and genealogies and contentions and disputes about the law, because they are unprofitable and useless.
10 Haddaad nin bidci ah mar iyo laba waanisid dabadeed ka leexo,
Excommunicate a divisive man after a first and second admonition,
11 adigoo garanaya in ninka caynkaas ahu qalloocan yahay oo dembaabo isagoo isxukumay.
knowing that such a person has been perverted and is sinning, being self-condemned.
12 Markaan kuu soo diro Artemaas ama Tukhikos aad ugu dadaal inaad iigu timaado Nikobolis, waayo, waxaan goostay inaan xilliga qabow meeshaas joogi doono.
As soon as I send Artemas or Tychicus to you, do your best to come to me at Nicopolis, because I have decided to spend the winter there.
13 Ku dadaal inaad Seenaas kan sharciga yaqaan iyo Abolloos soo ambabbixisid si ayan waxba ugu baahan.
Send Zenas the lawyer and Apollos on their way without delay, that they may lack nothing.
14 Dadkeennuna ha barto inay shuqullo wanaagsan ugu dadaalaan caawimaadda loo baahan yahay, inayan kuwo aan midho lahayn noqonin.
And let our people also learn to maintain good works, to meet pressing needs, that they not be unfruitful.
15 Kuwa ila jooga oo dhammu way ku soo salaamayaan. Igu salaan kuwa iimaanka nagu jecel. Nimco ha idinla wada jirto.
All who are with me greet you. Greet those who love us in faith. Grace be with you all. Amen.

< Tiitos 3 >