< Tiitos 2 >

1 Laakiinse adigu ku hadal waxyaalaha ku habboon cilmiga runta ah.
But speak thou the things that become sound doctrine:
2 Odayaashu waa inay feejignaadaan oo dhug yeeshaan oo digtoonaadaan oo ay si run ah ugu socdaan iimaanka iyo jacaylka iyo dulqaadashada.
That the aged men be sober, chaste, prudent, sound in faith, in love, in patience.
3 Sidaas oo kalena habruhu waa inay asluub quduus ah lahaadaan, oo ayan noqon kuwa wax xanta, oo ayan khamri badan addoommo u noqon, laakiinse ay noqdaan kuwo wax wanaagsan dadka bara.
The aged women, in like manner, in holy attire, not false accusers, not given to much wine, teaching well:
4 Oo waa inay naagaha dhallintayar baraan inay jeclaadaan nimankooda iyo carruurtooda,
That they may teach the young women to be wise, to love their husbands, to love their children,
5 oo ay digtoonaadaan, oo ay daahir noqdaan, oo ay gurigooda ka shaqeeyaan, oo ay wanaagsanaadaan, iyagoo nimankooda ka dambeeya, si aan ereyga Ilaah loo caayin.
To be discreet, chaste, sober, having a care of the house, gentle, obedient to their husbands, that the word of God be not blasphemed.
6 Ragga dhallinyarada ahna sidaas oo kale ku waani inay digtoonaadaan.
Young men, in like manner, exhort that they be sober.
7 Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan,
In all things shew thyself an example of good works, in doctrine, in integrity, in gravity,
8 iyo hadal run ah oo aan ceeb lahayn, si midka geesta kaa ahu u ceeboobo, oo uusan u helin wax xun oo uu inaga sheego.
The sound word that can not be blamed: that he, who is on the contrary part, may be afraid, having no evil to say of us.
9 Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin,
Exhort servants to be obedient to their masters, in all things pleasing, not gainsaying:
10 oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.
Not defrauding, but in all things shewing good fidelity, that they may adorn the doctrine of God our Saviour in all things:
11 Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan,
For the grace of God our Saviour hath appeared to all men;
12 oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno, (aiōn g165)
Instructing us, that, denying ungodliness and worldly desires, we should live soberly, and justly, and godly in this world, (aiōn g165)
13 innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
Looking for the blessed hope and coming of the glory of the great God and our Saviour Jesus Christ,
14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
Who gave himself for us, that he might redeem us from all iniquity, and might cleanse to himself a people acceptable, a pursuer of good works.
15 Waxyaalahan dadka kula hadal, oo ku waani, oo ku canaano, adigoo amar oo dhan leh. Oo ninna yuusan ku quudhsan.
These things speak, and exhort and rebuke with all authority. Let no man despise thee.

< Tiitos 2 >