< Gabaygii Sulaymaan 7 >
1 Gabadha amiirku dhalayay, cagahaagu qurux badanaa markay kabo illan yihiin, Bowdooyinkaagu waa sida dahab Nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey.
How beautiful are thy feet in sandals, O prince's daughter! Thy rounded thighs are like jewels, the work of the hands of a skilful workman.
2 Xudduntaadu waa sida fijaan goobaaban Oo aan innaba khamri ka dhinnanayn, Oo xaluskaaguna waa sida sarreen meel tuunsan Oo ubaxshooshanno lagu wareejiyey.
Thy body is a round goblet, no mingled wine is wanting. Thy waist is a heap of wheat set about with lilies.
3 Labadaada naasna waa sida laba gibin Oo mataano ah oo cawl dhashay.
Thy two breasts are like two fawns that are twins of a roe.
4 Qoortaaduna waa sida munaarad foolmaroodi ah, Oo indhahaaguna waa sida ballidii Xeshboon oo ku ag yaal iridda Batrabbiim. Oo sankaaguna waa sida munaaradda Lubnaan Oo xagga Dimishaq u jeeda.
Thy neck is like the tower of ivory. Thine eyes, the pools in Heshbon, by the gate of Bath-rabbim. Thy nose is like the tower of Lebanon which looks toward Damascus.
5 Madaxaagu sida Buur Karmel oo kale wuu dheer yahay, Oo timaha madaxaaguna waa sida guduud oo kale, Oo boqorkuna wuu ku xidhan yahay.
Thy head upon thee is like Carmel, and the hair of thy head like purple. The king is held captive in the tresses.
6 Taan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!
How fair and how pleasant thou are, O love, for delights!
7 Sarajooggaagu waa sida geed baar ah, Oo naasahaaguna waa sida rucubyo canab ah.
This thy stature is like to a palm tree, and thy breasts to its clusters.
8 Waxaan is-idhi, Geedka baarka waan fuuli doonaa, Oo waxaan qabsan doonaa laamihiisa. Naasahaagu ha ahaadeen sida rucubyo canab ah, Oo sankaaga neeftiisuna ha u carafto sida midho tufaax ah.
I said, I will climb up into the palm tree. I will take hold of the branches of it. Let thy breasts be as clusters of the vine, and the smell of thy breath like apples,
9 Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan. Gacalisada Hadlaysaa Si qumman oo macaan ha ugu socda gacaliyahayga, Oo kuwa hurda bushimahooda ka hadliya.
and thy mouth like the best wine, that goes down smoothly for my beloved, gliding through the lips and teeth.
10 Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.
I am my beloved's, and his desire is toward me.
11 Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.
Come, my beloved, let us go forth into the field. Let us lodge in the villages.
12 Aynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.
Let us get up early to the vineyards. Let us see whether the vine has budded, its blossom is open, the pomegranates are in flower. There I will give thee my love.
13 Ubixii duudaygu way soo carfayaan, Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh, Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.
The mandrakes give forth fragrance. And at our doors are all manner of precious fruits, new and old, which I have laid up for thee, O my beloved.