< Gabaygii Sulaymaan 2 >

1 Anigu waxaan ahay ubaxnarjiska Shaaroon, Iyo ubaxshooshanka dooxooyinka.
I am a rose of Sharon, a lily of the valleys.
2 Sida ubaxshooshanku qodxanta ku dhex yahay, Ayay taan jeclahayna gabdhaha ku dhex tahay.
As a lily amongst thorns, so is my love amongst the daughters.
3 Sida geedka tufaaxa ahu uu dhirta duurka ku dhex yahay, Ayuu gacaliyahayguna wiilasha ku dhex yahay. Hooskiisaan fadhiistay anigoo aad u faraxsan, Oo midhihiisuna way ila dhadhan macaanaayeen.
As the apple tree amongst the trees of the wood, so is my beloved amongst the sons. I sat down under his shadow with great delight, his fruit was sweet to my taste.
4 Wuxuu i keenay guriga diyaafadda, Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.
He brought me to the banquet hall. His banner over me is love.
5 Sabiib igu quudi, oo tufaax igu noolee, Waayo, anigu caashaq baan la bukaa.
Strengthen me with raisins, refresh me with apples; for I am faint with love.
6 Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa, Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.
His left hand is under my head. His right hand embraces me.
7 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin Ilaa uu doono.
I adjure you, daughters of Jerusalem, by the roes, or by the hinds of the field, that you not stir up, nor awaken love, until it so desires.
8 Waa kaa codkii gacaliyahaygu! Bal eega, wuu soo socdaa, Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.
The voice of my beloved! Behold, he comes, leaping on the mountains, skipping on the hills.
9 Gacaliyahaygu waa sida cawl ama deer qayrab ah oo kale. Bal eega, wuxuu taagan yahay derbigayaga gadaashiisa, Oo daaqadahuu ka soo eegayaa, oo shabagguu ka soo dayayaa.
My beloved is like a roe or a young deer. Behold, he stands behind our wall! He looks in at the windows. He glances through the lattice.
10 Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi, Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.
My beloved spoke, and said to me, “Rise up, my love, my beautiful one, and come away.
11 Waayo, qabowgii wuu na dhaafay, Oo roobkiina wuu dhammaaday, wuuna qaaday,
For behold, the winter is past. The rain is over and gone.
12 Ubaxii dhulkuu ka muuqanayaa, Oo wakhtigii shimbirruhu gabyi jireenna waa la gaadhay, Oo codkii qoolleydana dalkayagaa laga maqlayaa.
The flowers appear on the earth. The time of the singing has come, and the voice of the turtledove is heard in our land.
13 Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa, Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan, Wayna soo carfayaan. Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.
The fig tree ripens her green figs. The vines are in blossom. They give out their fragrance. Arise, my love, my beautiful one, and come away.”
14 Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta, Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii, Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.
My dove in the clefts of the rock, in the hiding places of the mountainside, let me see your face. Let me hear your voice; for your voice is sweet and your face is lovely.
15 Dawacooyinka noo qabta, kuwaasoo ah dawacooyinka yaryar ee beerahayaga canabka ah bi'iya, Waayo, beerahayaga canabka ahu haatan way ubxinayaan.
Catch for us the foxes, the little foxes that plunder the vineyards; for our vineyards are in blossom.
16 Gacaliyahaygu waa kaygii oo anna tiisii baan ahay. Wuxuu adhigiisa daajinayaa ubaxyada dhexdooda.
My beloved is mine, and I am his. He browses amongst the lilies.
17 Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabba'o, Gacaliyahaygiiyow, soo noqo, oo ahow sida cawl oo kale, amase sida deer qayrab ah Oo buuraha Beter kor jooga.
Until the day is cool, and the shadows flee away, turn, my beloved, and be like a roe or a young deer on the mountains of Bether.

< Gabaygii Sulaymaan 2 >