< Rooma 1 >
1 Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah addoonkii Ciise Masiix, oo loogu yeedhay inuu rasuul ahaado, oo gooni looga dhigay injiilka Ilaah.
Paul, a servant of Jesus Christ, called as an Apostle, separated for the Gospel of God,
2 Injiilkaas ayuu Ilaah markii hore nebiyadii ku ballanqaaday xagga Qorniinka quduuska ah,
which he had promised beforehand, through his Prophets, in the Holy Scriptures,
3 oo wuxuu ku saabsan yahay Wiilkiisa, kii ka dhashay farcankii Daa'uud xagga jidhka,
about his Son, who was made for him from the offspring of David according to the flesh,
4 oo sarakiciddii uu ka sara kacay kuwii dhintay ay ku caddaysay inuu xagga ruuxa quduusnimada yahay Wiilka Ilaah oo xoog leh oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix,
the Son of God, who was predestined in virtue according to the Spirit of sanctification from the resurrection of the dead, our Lord Jesus Christ,
5 kan aannu ku helnay nimco iyo rasuulnimo, inaannu addeecidda rumaysadka magiciisa daraaddiis ugu geeyno quruumaha oo dhan.
through whom we have received grace and Apostleship, for the sake of his name, for the obedience of faith among all the Gentiles,
6 Idinkuna kuwaas dhexdooda aad ku jirtaan oo ah kuwii loo yeedhay oo Ciise Masiix.
from whom you also have been called by Jesus Christ:
7 Waxaan warqaddan u qorayaa kuwa Rooma jooga oo dhan oo uu Ilaah jeclaaday, oo loogu yeedhay quduusiin. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
To all who are at Rome, the beloved of God, called as saints. Grace to you, and peace, from God our Father and from the Lord Jesus Christ.
8 Marka hore waxaan Ilaahay xagga Ciise Masiix ugu mahadnaqayaa kulligiin, maxaa yeelay, rumaysadkiinna waxaa lagaga warramaa dunida oo dhan.
Certainly, I give thanks to my God, through Jesus Christ, first for all of you, because your faith is being announced throughout the entire world.
9 Waayo, Ilaah, kan aan ruuxayga ugu adeego xagga injiilka Wiilkiisa, ayaa markhaati iiga ah sidaan maalin walbaba joogsila'aan baryadayda idiinku xusuusto,
For God is my witness, whom I serve in my spirit by the Gospel of his Son, that without ceasing I have kept a remembrance of you
10 anigoo weyddiisanaya inaan imminka ugu dambaysta si kastaba ku lib helo inaan Ilaah idankiisa idiinku imaado.
always in my prayers, pleading that in some way, at some time, I may have a prosperous journey, within the will of God, to come to you.
11 Waayo, aad baan u doonayaa inaan idin arko oo idin siiyo hadiyad Ruuxa ka timaada inaad ku xoogaysataan;
For I long to see you, so that I may impart to you a certain spiritual grace to strengthen you,
12 taasuna waa inaan idinkula dhiirranaado rumaysadka, kiinna iyo kaygaba.
specifically, to be consoled together with you through that which is mutual: your faith and mine.
13 Walaalayaalow, dooni maayo inaad garan weydaan inaan marar badan damcay inaan idiin imaado inaan idinkana midho idinku dhex lahaado sida aan quruumaha kale ugu dhex leeyahay, laakiin waa layga hor joogsaday ilaa haatan.
But I want you to know, brothers, that I have often intended to come to you, (though I have been hindered even to the present time) so that I might obtain some fruit among you also, just as also among the other Gentiles.
14 Waxaa waajib la iigu leeyahay inaan wacdiyo Gariigga iyo Barbariyiinta, kuwa caqliga leh iyo kuwa garaadka la'ba.
To the Greeks and to the uncivilized, to the wise and to the foolish, I am in debt.
15 Sidaas daraaddeed anigu diyaar baan u ahay inaan injiilka ku wacdiyo kuwiinna Rooma joogana.
So within me there is a prompting to evangelize to you also who are at Rome.
16 Waayo, anigu injiilka ka xishoon maayo, maxaa yeelay, waa u xoogga Ilaah xagga badbaadinta ku alla kii rumaysta, marka hore Yuhuudda dabadeedna Gariigga.
For I am not ashamed of the Gospel. For it is the power of God unto salvation for all believers, the Jew first, and the Greek.
17 Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.
For the justice of God is revealed within it, by faith unto faith, just as it was written: “For the just one lives by faith.”
18 Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;
For the wrath of God is revealed from heaven over every impiety and injustice among those men who fend off the truth of God with injustice.
19 maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.
For what is known about God is manifest in them. For God has manifested it to them.
20 Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan. (aïdios )
For unseen things about him have been made conspicuous, since the creation of the world, being understood by the things that were made; likewise his everlasting virtue and divinity, so much so that they have no excuse. (aïdios )
21 Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday.
For although they had known God, they did not glorify God, nor give thanks. Instead, they became weakened in their thoughts, and their foolish heart was obscured.
22 Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen.
For, while proclaiming themselves to be wise, they became foolish.
23 Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta.
And they exchanged the glory of the incorruptible God for the likeness of an image of corruptible man, and of flying things, and of four-legged beasts, and of serpents.
24 Taas aawadeed iyagoo qalbigooda wax xun ka damacsan, Ilaah wuxuu u daayay wasakhnimo in dhexdooda jidhkoodu ku maamuus jabo;
For this reason, God handed them over to the desires of their own heart for impurity, so that they afflicted their own bodies with indignities among themselves.
25 maxaa yeelay, runtii Ilaah bay been ku beddeleen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ummadda intay caabudi lahaayeen kan uumay oo weligiis ammaanta leh. Aamiin. (aiōn )
And they exchanged the truth of God for a lie. And they worshipped and served the creature, rather than the Creator, who is blessed for all eternity. Amen. (aiōn )
26 Saas daraaddeed Ilaah wuxuu u daayay damacyo ceeb ah; waayo, dumarkoodu isticmaalkii loo abuuray waxay ku beddeleen mid ka gees ah kii loo abuuray.
Because of this, God handed them over to shameful passions. For example, their females have exchanged the natural use of the body for a use which is against nature.
27 Sidaas oo kalena raggii intay iska daayeen isticmaalkii dumarka ayay iyagoo damacoodu gubayo isu kacsadeen; rag waxay rag kale ku sameeyeen ceeb, oo waxay dhexdooda ka heleen abaalgudkii qaladkooda waajibka ku ahaa.
And similarly, the males also, abandoning the natural use of females, have burned in their desires for one another: males doing with males what is disgraceful, and receiving within themselves the recompense that necessarily results from their error.
28 Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoontooda, Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn,
And since they did not prove to have God by knowledge, God handed them over to a morally depraved way of thinking, so that they might do those things which are not fitting:
29 iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa,
having been completely filled with all iniquity, malice, fornication, avarice, wickedness; full of envy, murder, contention, deceit, spite, gossiping;
30 iyo kuwa wax xanta, iyo kuwa Ilaah neceb, iyo kuwa wax caaya, iyo kuwa kibirka badan, iyo kuwa faanka badan, iyo kuwa wax shar ah hindisa, iyo kuwa waalidkood caasiga ku ah,
slanderous, hateful toward God, abusive, arrogant, self-exalting, devisers of evil, disobedient to parents,
31 iyo kuwa garaadka la', iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn.
foolish, disorderly; without affection, without fidelity, without mercy.
32 Iyagoo garanaya qaynuunka Ilaah in kuwa waxyaalahaas sameeyaa ay dhimasho istaahilaan, ayaanay samayn waxyaalahaas oo keliya ee weliba waxay u bogaan kuwa sameeya.
And these, though they had known the justice of God, did not understand that those who act in such a manner are deserving of death, and not only those who do these things, but also those who consent to what is done.