< Rooma 8 >
1 Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.
A NO hoi, aole he hoohewaia no ka poe iloko o Kristo Iesu, ka poe hele ole mamuli o ke kino, mamuli no o ka Uhane.
2 Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.
No ka mea, na ke kanawai o ka Uhane ola iloko o Kristo Iesu wau i hookuu, mai ke kanawai o ka hewa a me ka make.
3 Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,
No ka mea, no ka hiki ole i ke kanawai, no kona nawaliwali ma ke kino, o ke Akua, i kona hoouna ana mai i kana Keiki ponoi ma ke ano o ke kino hewa, a ma ka mohai no ka hala, ua hoahewa mai la no ia i ka hewa iloko o ke kino;
4 in qaynuunka sharcigu inagu buuxsamo kuweenna aan sida jidhka u socon, laakiinse u socda sida Ruuxa.
I hookoia ke kauoha o ke kanawai iloko o kakou ka poe hele ole mamuli o ke kino, mamuli no o ka Uhane.
5 Waayo, kuwa sida jidhka u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha jidhka, laakiinse kuwa sida Ruuxa u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha Ruuxa.
No ka mea, o ka poe mamuli o ke kino, manao lakou i na mea o ke kino; aka, o ka poe mamuli o ka Uhane, i na mea o ka Uhane.
6 Jidhka kafikiriddiisu waa dhimashada, laakiinse Ruuxa kafikiriddiisu waa nolosha iyo nabadda,
No ka mea, o ka manao ma ke kino, he make ia; aka, o ka manao ma ka Uhane, he ola ia, a me ka pomaikai.
7 maxaa yeelay, jidhka kafikiriddiisu waa la col Ilaah, waayo, ma hoos gasho sharciga Ilaah, mana hoos geli karto.
No ka mea, o ka manao ma ke kino, he mea ku e i ke Akua; aole ia i malama i ke kanawai o ke Akua, aole loa e hiki.
8 Kuwa jidhka ku dhex jiraana kama farxin karaan Ilaah.
Nolaila o ka poe ma ke kino, aole e hiki ia lakou ke hooluolu i ke Akua.
9 Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha.
Aole hoi oukou ma ke kino, ma ka Uhane no, ke noho ka Uhane o ke Akua iloko o oukou. Aka, i loaa ole i kekahi ka Uhane o Kristo, aole nona ia.
10 Oo haddii Masiixu idinku dhex jiro, jidhku waa meyd dembiga aawadiis; laakiinse ruuxu waa nolosha xaqnimada aawadeed.
Aka, ina o Kristo iloko o oukou, ua make no ke kino no ka hewa, aka, o ka Uhane ke ola no ka pono.
11 Laakiin haddii Ruuxii kii Ciise kuwii dhintay ka soo sara kiciyey idinku dhex jiro, kii Ciise Masiix kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, jidhkiinna dhimanayana wuxuu ku noolayn doonaa Ruuxiisa idinku dhex jira.
Ina e noho ana ka Uhane o ka mea nana i hoola mai o Iesu mai waena mai o ka poe make, o ka mea nana Kristo i hoala ae mai ka make mai, nana no e hoola ae ko oukou kino make, ma kona Uhane e noho ana iloko o oukou.
12 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, wax baa inagu waajib ah, laakiin waajib inooguma aha jidhka, inaynu u noolaanno sida jidhka,
No ia mea, e na hoahanau, aole he poe aie kakou i ka ke kino, e noho ai mamuli o ke kino.
13 waayo, haddaad sida jidhka u noolaataan, hubaal waad dhiman doontaan, laakiin haddaad falimaha jidhka Ruuxa ku dishaan, waad noolaan doontaan.
No ka mea, ina e noho oukou mamuli o ke kino, e make no oukou; aka, ina ma ka Uhane e hoomake ai oukou i na hana a ke kino, e ola no oukou.
14 In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah.
No ka mea, o na mea a pau i alakaiia e ka Uhane o ke Akua, o lakou no ka poe kamalii na ke Akua.
15 Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow.
No ka mea, aole i loaa ia oukou ka uhane o ka hookauwa ana e makau hou aku ai; aka, ua loaa ia oukou ka Uhane o na keiki hookama, i mea e kahea aku ai kakou, E Aba, ka Makua.
16 Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah.
Ke hoike mai nei na Uhane la i ko kakon mau uhane, ua keiki kakou na ke Akua.
17 Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.
Iua he poe keiki kakou, he poe hooilina hoi; he poe hooilina nae na ke Akua, a he poe hooilina pu me Kristo: a i hoino pu ia mai kakou kekahi me ia, e hoonani pu ia no hoi kakou me ia.
18 Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono.
Ke manao nei no hoi au, aole e pono ke hoohalikeia ka ehaeha o keia noho ana me ka nani e hoikeia mai ana ia kakou mahope.
19 Uunku wuxuu filasho aad u weyn ku sugaa muujinta carruurta Ilaah.
No ka mea, ke kali nei ka mea i hanaia me ka iini nui i ka hoike ana mai o na keiki a ke Akua.
20 Uunkii waxaa la hoos geliyey wax aan waxtar lahayn, ikhtiyaarkiisna uma uu hoos gelin, laakiin waa kii hoos geliyey aawadiis,
No ka mea, ua hoonohoia ka mea i hanaia, malalo o ka nawaliwali, aole me kona makemake, aka, na ka mea nana ia i hoolilo pela,
21 taasoo la rajaynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah.
Me ka manaolana e hookuuia'e ua mea la i hanaia, mai ke pio ana i ka make, iloko o ke ola nani o na keiki a ke Akua.
22 Waayo, waxaynu og nahay in uunka oo dhammu wada taahayo oo wada foolanayo ilaa haatan.
No ka mea, ua ike no kakou ua auwe pu na mea i hanaia a pau, a ua ehaeha hoi, a hiki i keia manawa.
23 Iyagoo keliya ma aha, laakiin innagana waa sidaas oo kale, kuweenna haysta midhihii ugu horreeyey ee Ruuxa, xataa innaga qudheennu dhexdeenna ayaynu ka taahnaa, innagoo sugayna carruurnoqoshadeenna, taasu waxaa weeyaan samatabbixinta jidhkeenna.
Aole ia wale no, o kakou hoi kekahi, o ka poe i loaa mai ka hua mua o ka Uhane; ke auwe nei no hoi kakou iloko o kakou iho, me ke kali ana i ka hookamaia, oia ka hoolaia o ko kakou mau kino.
24 Waayo, waxaynu ku badbaadnay rajo, laakiin rajadii la arko rajo ma aha, maxaa yeelay, waa ayo kan rajeeyaa wuxuu arko?
No ka mea, ua hoolaia kakou iloko o ka manaolana. A o ka manaolana i ka mea i ike maka ia aole ia he manaolana: no ka mea, o ka mea a ke kanaka i ike maka aku ai, pehea la ia e manaolana hou aku ai ma ia mea?
25 Laakiin haddaynu rajayno wax aynaan arkin, de haddaba dulqaadasho ayaynu ku sugnaa.
Aka, ina e manaolana aku kakou i ka mea a kakou i ike maka ole ai, ua kali kakou ia me ka hoomanawanui.
26 Sidaasoo kalena Ruuxu wuxuu inaga caawimaa itaaldarradeenna, waayo, garan mayno wax inoo eg oo aynu ku tukanno, laakiin Ruuxa qudhiisu waa inoo duceeyaa isagoo ku taahaya taah aan sanqadhayn.
A ke kokua mai nei no hoi ka Uhane i ko kakou nawaliwali; no ka mea, aole kakou i ike i ka kakou mea e pule pono aku ai; aka, ua nonoi aku ka Uhane no kakou me ua uwe ana aole e hiki ke haiia'e.
27 Oo kii qalbiyada baadhaa waa yaqaan fikirka Ruuxa, maxaa yeelay, wuxuu quduusiinta ugu duceeyaa sida Ilaah doonayo.
O ka mea ike mai i ka naau, ua ike no ia i ka manao o ka Uhane; no ka mea, ua nonoi aku no ia no ka poe haipule e like me ka makemake o ke Akua.
28 Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.
Ua ike no hoi kakou, e kokua pu ana na mea a pau e pono ai ka poe aloha i ke Akua, ka poe i kohoia mai mamuli o kona manao.
29 Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood.
No ka mea, o ka poe ana i ike ai mamua, o lakou kana i manao e mai ai mamua e hoohalikeia me ke ano o kana Keiki, i lilo ae oia i Hanaumua iwaena o na hoahanau he lehulehu.
30 Oo kuwuu hore u doortayna, haddana wuu u yeedhay, kuwuu u yeedhayna, haddana xaq buu ka dhigay, kuwuu xaq ka dhigayna, haddana wuu ammaanay.
A o ka poe ana i manao e mai ai, o lakou kana i koho mai ai; a o ka poe ana i koho mai ai, o lakou kana i hoapono mai ai; a o ka poe ana i hoapono mai ai, o lakou kana i hoonani mai ai.
31 Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah?
Heaha hoi ka kakou e olelo ai no keia mau mea? A o ke Akua me kakou, owai la ke ku e mai ia kakou?
32 Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?
O ka mea i ana ole i kana Keiki ponoi, a haawi mai la ia ia no kakou a pau, pehea la e ole ai ia e haawi lokomaikai pu mai me ia i na mea a pau?
33 Yaa ashtakayn doona kuwa Ilaah doortay? Waa Ilaah kan wax xaq ka dhigaa.
Nawai e hoopii i ko ke Akua poe i kohoia? O ke Akua no ka mea nana e hoapono mai;
34 Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga.
Nawai la e hoahewa mai? O Kristo ka i make; oiaio hoi, na ala mai oia, a ua noho ma ka lima akau o ke Akua, a ke uwao ae la ia no kakou.
35 Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef?
Nawai kakou e hookaawale mai, mai ke aloha mai o Kristo? Na ka popilikia anei, na ka eha anei, na ka hoino anei, na ka wi anei, na ka hune anei, na ka poino anei, na ka pahikaua anei?
36 Sida qoran, Adiga daraaddaa ayaa lanoo laayaa maalinta oo dhan, Waxaa lanoo tiriyey sida ido la qalayo.
E like me ia i palapalaia, Nou makou i pepehi mau ia mai ai, ua manaoia makou me he poe hipa la no ka make.
37 Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa.
Aka, ua lanakila loa kakou maluna o keia mau mea a pau, ma ka mea nana kakou i aloha mai.
38 Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa'igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh,
No ka mea, ke manao maopopo nei au, aole e hiki i ka make a me ke ola, aole i na auela a me na alii a me na mea ikaika, aole hoi i na mea o neia wa a me na mea mahope aku, aole hoi i na lunakanawai,
39 ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
Aole hoi i ke kiekie a me ka hohonu, aole hoi i kekahi mea e ae i hanaia, ke hookaawale mai ia kakou, mai ke aloha mai o ke Akua, ina no iloko o Kristo Iesu o ko kakou Haku.