< Rooma 8 >
1 Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.
Saboda haka babu kayarwa yanzu ga wadanda ke cikin Almasihu Yesu.
2 Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.
Domin ka'idar ruhun rai a cikin Almasihu Yesu ta maishe mu 'yanttatu daga ka'idar zunubi da mutuwa.
3 Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,
Saboda abin da shari'a bata iya aikatawa ba domin kasawa ta wurin jiki, Allah ya yi. Ya aiko da dansa a kamanin jiki mai zunubi domin ya zama hadaya domin zunubi, sai ya yi Allah wadai da zunubi a cikin jiki.
4 in qaynuunka sharcigu inagu buuxsamo kuweenna aan sida jidhka u socon, laakiinse u socda sida Ruuxa.
Ya yi haka domin bukatar shari'a ta sami cika a cikinmu, mu da muke tafe ba ta gwargwadon jiki ba, amma ta gwargwadon ruhaniya.
5 Waayo, kuwa sida jidhka u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha jidhka, laakiinse kuwa sida Ruuxa u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha Ruuxa.
Wadanda ke rayuwa gwargwadon jiki sukan lura da al'amuran jiki, amma su da ke rayuwa a gwargwadon Ruhu sukan mai da hankali ga al'amuran Ruhu.
6 Jidhka kafikiriddiisu waa dhimashada, laakiinse Ruuxa kafikiriddiisu waa nolosha iyo nabadda,
To kwallafa rai ga jiki mutuwa ce, amma kwallafa rai ga Ruhu rai ne da salama.
7 maxaa yeelay, jidhka kafikiriddiisu waa la col Ilaah, waayo, ma hoos gasho sharciga Ilaah, mana hoos geli karto.
Haka yake domin kwallafa rai ga jiki gaba yake da Allah, gama baya biyyaya ga shari'ar Allah, balle ma ya iya.
8 Kuwa jidhka ku dhex jiraana kama farxin karaan Ilaah.
Wadanda ke a jiki ba su iya faranta wa Allah zuciya.
9 Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha.
Duk da haka, ba ku cikin jiki amma a cikin Ruhu, idan gaskiya ne, Ruhun Allah na rayuwa cikinku. Amma idan wani ba shi da Ruhun Almasihu, shi ba na sa bane.
10 Oo haddii Masiixu idinku dhex jiro, jidhku waa meyd dembiga aawadiis; laakiinse ruuxu waa nolosha xaqnimada aawadeed.
In Almasihu na cikinka, jikin ka fa matacce ne ga zunubi, amma ruhu na rayuwa bisa ga adalci.
11 Laakiin haddii Ruuxii kii Ciise kuwii dhintay ka soo sara kiciyey idinku dhex jiro, kii Ciise Masiix kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, jidhkiinna dhimanayana wuxuu ku noolayn doonaa Ruuxiisa idinku dhex jira.
Idan Ruhun wanda ya tada Yesu daga matattu na raye a cikinku, to shi wanda ya tada Almasihu da ga matattu za ya bada rai ga jikinku masu matuwa ta wurin Ruhunsa, da ke rayuwa a cikin ku.
12 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, wax baa inagu waajib ah, laakiin waajib inooguma aha jidhka, inaynu u noolaanno sida jidhka,
To, 'yan' uwa, muna da hakki amma ba bisa jiki ba, da za mu yi rayuwa bisa ga dabi'ar jiki.
13 waayo, haddaad sida jidhka u noolaataan, hubaal waad dhiman doontaan, laakiin haddaad falimaha jidhka Ruuxa ku dishaan, waad noolaan doontaan.
Gama idan kun yi rayuwa gwargwadon jiki, za ku mutu kenan, amma idan ta wurin Ruhu ku ka kashe ayyukan jiki, za ku rayu.
14 In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah.
Gama duk wadanda Ruhun Allah ke bishe su, su 'ya 'yan Allah ne.
15 Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow.
Gama ba ku karbi ruhun bauta da ke sa tsoro ba. Maimakon haka, kun karbi ruhun diyanci, ta wurinsa muke tadda murya muna kira, “Abba, Uba!”
16 Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah.
kansa na bada shaida tare da namu ruhun cewa mu 'ya'yan Allah ne.
17 Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.
Idan mu 'ya'ya ne, ai mu magada ne kenan, magadan Allah. Kuma mu magada ne tare da Almasihu, hakika idan mun sha wahala tare da shi za a kuma daukaka mu tare da shi.
18 Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono.
Gama na yi la'akari cewa wahalonin zamanin nan ba su isa a kwatanta su da daukakar da za'a bayyana mana ba.
19 Uunku wuxuu filasho aad u weyn ku sugaa muujinta carruurta Ilaah.
Saboda yadda halitta ke marmarin bayyanuwar 'ya'yan Allah.
20 Uunkii waxaa la hoos geliyey wax aan waxtar lahayn, ikhtiyaarkiisna uma uu hoos gelin, laakiin waa kii hoos geliyey aawadiis,
Gama an kaskantar da halitta ga banza, ba da nufin ta ba, amma na shi wanda ya kaskantar da ita. Ta na cikin tabbacin alkawarin.
21 taasoo la rajaynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah.
Cewa halitta kanta za ta kubuta daga bautar rubewa, kuma za a kawo ta zuwa ga 'yantarwa na yabon daukakar 'ya'yan Allah.
22 Waayo, waxaynu og nahay in uunka oo dhammu wada taahayo oo wada foolanayo ilaa haatan.
Gama mun sani dukan halitta na nishi da zafin nakuda tare har ya zuwa yanzu.
23 Iyagoo keliya ma aha, laakiin innagana waa sidaas oo kale, kuweenna haysta midhihii ugu horreeyey ee Ruuxa, xataa innaga qudheennu dhexdeenna ayaynu ka taahnaa, innagoo sugayna carruurnoqoshadeenna, taasu waxaa weeyaan samatabbixinta jidhkeenna.
Ba haka kadai ba, amma ko mu kanmu, da ke nunar farko na Ruhu—mu kanmu muna nishi acikin mu, muna jiran diyancinmu, wato ceton jikinmu kenan.
24 Waayo, waxaynu ku badbaadnay rajo, laakiin rajadii la arko rajo ma aha, maxaa yeelay, waa ayo kan rajeeyaa wuxuu arko?
Gama ta wanan hakikancewa aka cece mu. Amma dai abin da muke da tabbacin zai faru ba mu gan shi ba tukuna, domin wanene wa ke begen tabbatacce abin da yake gani?
25 Laakiin haddaynu rajayno wax aynaan arkin, de haddaba dulqaadasho ayaynu ku sugnaa.
Amma idan muna da tabbacin abin da ba mu gani ba tukuna, to sai mu jjira shi da hakuri.
26 Sidaasoo kalena Ruuxu wuxuu inaga caawimaa itaaldarradeenna, waayo, garan mayno wax inoo eg oo aynu ku tukanno, laakiin Ruuxa qudhiisu waa inoo duceeyaa isagoo ku taahaya taah aan sanqadhayn.
Hakanan, Ruhu kuma ke taimako a kasawarmu. Gama ba mu da san yadda zamu yi addu'a ba, amma Ruhu kansa na roko a madadinmu da nishe-nishen da ba'a iya ambatawa.
27 Oo kii qalbiyada baadhaa waa yaqaan fikirka Ruuxa, maxaa yeelay, wuxuu quduusiinta ugu duceeyaa sida Ilaah doonayo.
Shi da ke bidar zuciya yana sane da tunanin Ruhu, domin yana roko a madadin masu badagaskiya ta wurin nufin Allah.
28 Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.
Mun san cewa ga wadanda ke kaunar Allah, yakan aikata dukan al'amura domin su zuwa ga alheri, ga duk wadanda aka kira bisa ga nufinsa. Dukan abubuwa sukan zama alheri.
29 Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood.
Saboda wadanda ya sani tuntuni su ne ya kardara su zama da kamanin dansa, domin ya zama dan fari a cikin 'yan'uwa masu yawa.
30 Oo kuwuu hore u doortayna, haddana wuu u yeedhay, kuwuu u yeedhayna, haddana xaq buu ka dhigay, kuwuu xaq ka dhigayna, haddana wuu ammaanay.
Su da ya kaddara, ya kiraye su. Wadanda ya kira, su ya kubutar. Su da ya kubutar, sune kuma ya daukaka.
31 Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah?
Me zamu ce game da wadannan al'amura? Idan Allah na tare da mu, wake gaba da mu?
32 Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?
Shi da baya hana dansa ba, amma ya bada shi a madadinmu dukka, me zai hana shi bamu dukkan abubuwa a yalwace tare da shi?
33 Yaa ashtakayn doona kuwa Ilaah doortay? Waa Ilaah kan wax xaq ka dhigaa.
Wa zaya kawo wata tuhuma ga zababbu na Allah? Allah ne ke “yantarwa.
34 Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga.
Wanene ke hukumtawa? Almasihu ne da ya mutu sabili da mu har ma fiye da haka, shi wanda kuma aka tasar. Yana mulki tare da Allah a wuri mai daukaka, shi ne kuma ya ke roko sabili da mu.
35 Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef?
Wa za ya raba mu da kaunar Allah? Kunci, ko bacin rai, ko tsanani, ko yunwa, ko tsiraci, ko hadari, ko takobi?
36 Sida qoran, Adiga daraaddaa ayaa lanoo laayaa maalinta oo dhan, Waxaa lanoo tiriyey sida ido la qalayo.
Kamar yadda aka rubuta, “Saboda kai ake kisanmu dukkan yini. An mai da mu kamar tumaki yanka.”
37 Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa.
A dukan al'amuran nan mun fi karfi a ce da mu masu nasara ta wurin shi da ke kaunar mu.
38 Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa'igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh,
Gama na tabata cewa ko mutuwa, ko rai, ko mala'iku, ko mulkoki, ko al'amuran yanzu, ko al'amura masu zuwa, ko iko,
39 ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.
ko tsawo, ko zurfi, kai ko wace irin halitta, ba su isa su raba mu da kaunar Allah, da ke a cikin Almasihu Yesu Ubangijin mu ba.