< Rooma 7 >

1 Mise ma waydaan ogayn, walaalayaalow, in sharcigu nin u taliyo intuu nool yahay oo keliya? (Waxaan la hadlayaa dadka sharciga yaqaan.)
ⲁ̅ⲏ ⲉⲧⲉⲧⲛⲟ ⲛⲁⲧⲥⲟⲟⲩⲛ ⲛⲉⲥⲛⲏⲩ ⲉⲓϣⲁϫⲉ ⲅⲁⲣ ⲙⲛ ⲛⲉⲧⲥⲟⲟⲩⲛ ⲙⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲟⲛϫⲟⲉⲓⲥ ⲉⲡⲣⲱⲙⲉ ⲛⲟⲩⲟⲉⲓϣ ⲛⲓⲙ ⲉϥⲟⲛϩ
2 Naagtii nin luhu sharcigay ugu xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiinse mar haddii ninku dhinto, way ka furan tahay sharcigii ninka.
ⲃ̅ⲧⲉⲥϩⲓⲙⲉ ⲅⲁⲣ ⲉⲧϩⲙⲟⲟⲥ ⲙⲛϩⲁⲓ ⲥⲙⲏⲣ ⲉⲡⲉⲥϩⲁⲓ ⲉⲧⲟⲛϩ ϩⲙ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲉⲣϣⲁⲛ ⲡⲉⲥϩⲁⲓ ⲇⲉ ⲙⲟⲩ ⲁⲥⲟⲩⲱⲥϥ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲙ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲙⲡϩⲁⲓ
3 Sidaas daraaddeed inta ninkeedu nool yahay, hadday nin kale naag u noqoto, waxaa loogu yeedhi doonaa dhillo, laakiinse ninkeedu hadduu dhinto, sharciga way ka furan tahay, oo sidaas daraaddeed dhillo ma aha in kastoo ay nin kale naag u noqoto.
ⲅ̅ⲁⲣⲁ ϭⲉ ⲉⲣⲉⲡϩⲁⲓ ⲟⲛϩ ⲥⲉⲛⲁⲙⲟⲩⲧⲉ ⲉⲣⲟⲥ ϫⲉ ⲛⲟⲉⲓⲕ ⲉⲥϣⲁⲛϩⲙⲟⲟⲥ ⲙⲛ ⲕⲉϩⲁⲓ ⲉⲣϣⲁⲛ ⲡϩⲁⲓ ⲇⲉ ⲙⲟⲩ ⲟⲩⲣⲙϩⲏ ⲧⲉ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲙ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲉⲧⲙⲧⲣⲉⲩⲙⲟⲩⲧⲉ ⲉⲣⲟⲥ ϫⲉ ⲛⲟⲉⲓⲕ ⲉⲥϣⲁⲛϩⲙⲟⲟⲥ ⲙⲛ ⲕⲉϩⲁⲓ
4 Sidaas daraaddeed, walaalahayow, jidhkii Masiixa baa meyd idinka dhigay xagga sharciga, in mid kale idin lahaado, oo ah kii kuwii dhintay laga sara kiciyey inaynu Ilaah midho u soo bixinno.
ⲇ̅ϩⲱⲥⲧⲉ ⲛⲁⲥⲛⲏⲩ ⲁⲧⲉⲧⲛⲙⲟⲩ ϩⲱⲧ ⲧⲏⲩⲧⲛ ⲙⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ϩⲓⲧⲙ ⲡⲥⲱⲙⲁ ⲛⲓⲏⲥ ⲡⲉⲭⲥ ⲉⲧⲣⲉⲧⲛϣⲱⲡⲉ ⲛⲕⲉⲟⲩⲁ ⲡⲉⲛⲧⲁϥⲧⲱⲟⲩⲛ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲛ ⲛⲉⲧⲙⲟⲟⲩⲧ ϫⲉ ⲉⲛⲉϯ ⲕⲁⲣⲡⲟⲥ ⲙⲡⲛⲟⲩⲧⲉ
5 Waayo, markii aynu jidhka ku dhex jirnay, damacyadii dembiyada ee sharciga ka yimid waxay ka dhex shaqaynayeen xubnaheenna inay midho u soo bixiyaan dhimasho.
ⲉ̅ⲛⲛⲉϩⲟⲟⲩ ⲅⲁⲣ ⲉⲛϩⲛ ⲧⲥⲁⲣⲝ ⲙⲡⲁⲑⲟⲥ ⲛⲛⲛⲟⲃⲉ ⲛⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲙ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲛⲉⲩⲉⲛⲉⲣⲅⲉⲓ ⲡⲉ ϩⲛ ⲛⲉⲛⲙⲉⲗⲟⲥ ⲉⲧⲣⲉⲛϯ ⲕⲁⲣⲡⲟⲥ ⲙⲡⲙⲟⲩ
6 Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo ka dhimannay wixii aynu ku hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka.
ⲋ̅ⲧⲉⲛⲟⲩ ⲇⲉ ⲉⲁⲛⲙⲟⲩ ⲁⲛⲟⲩⲱⲥϥ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲙ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲡⲁⲓ ⲉⲛⲉⲩⲁⲙⲁϩⲧⲉ ⲙⲙⲟⲛ ⲛϩⲏⲧϥ ϩⲱⲥⲧⲉ ⲉⲧⲣⲉⲛⲣϩⲙϩⲁⲗ ⲛⲟⲩⲙⲛⲧⲃⲣⲣⲉ ⲙⲡⲛⲁ ϩⲛ ⲟⲩⲙⲛⲧⲁⲥ ⲁⲛ ⲙⲡⲉⲥϩⲁⲓ
7 Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin.
ⲍ̅ⲟⲩ ϭⲉ ⲡⲉⲧⲛⲛⲁϫⲟⲟϥ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲡⲉ ⲡⲛⲟⲃⲉ ⲛⲛⲉⲥϣⲱⲡⲉ ⲁⲗⲗⲁ ⲙⲡⲓⲥⲟⲩⲛ ⲡⲛⲟⲃⲉ ⲉⲓ ⲙⲏⲧⲓ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲙ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲛⲉⲓⲥⲟⲟⲩⲛ ⲅⲁⲣ ⲁⲛ ⲡⲉ ⲛⲧⲉⲡⲓⲑⲩⲙⲓⲁ ⲛⲥⲁⲃⲏⲗ ϫⲉ ⲁⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ϫⲟⲟⲥ ϫⲉ ⲛⲛⲉⲕⲉⲡⲓⲑⲩⲙⲓ
8 Dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayo, sharciga la'aantiis dembigu waa meyd.
ⲏ̅ⲁⲡⲛⲟⲃⲉ ⲇⲉ ϫⲓ ⲛⲟⲩⲁⲫⲟⲣⲙⲏ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲛ ⲧⲉⲛⲧⲟⲗⲏ ⲁϥⲣϩⲱⲃ ϩⲣⲁⲓ ⲛϩⲏⲧ ⲉⲉⲡⲓⲑⲩⲙⲓⲁ ⲛⲓⲙ ⲁϫⲙ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲅⲁⲣ ⲡⲛⲟⲃⲉ ⲙⲟⲟⲩⲧ
9 Waa baan noolaa sharciga la'aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay.
ⲑ̅ⲁⲛⲟⲕ ⲇⲉ ⲛⲉⲉⲓⲟⲛϩ ⲁϫⲛ ⲛⲟⲙⲟⲥ ⲛⲟⲩⲟⲩⲟⲉⲓϣ ⲡⲉ ⲛⲧⲉⲣⲉⲥⲉⲓ ⲇⲉ ⲛϭⲓ ⲧⲉⲛⲧⲟⲗⲏ ⲁⲡⲛⲟⲃⲉ ⲱⲛϩ
10 Amarkii nolosha ii geeyn lahaa, waxaan gartay inuu dhimasho ii geeynayo.
ⲓ̅ⲁⲛⲟⲕ ⲇⲉ ⲁⲓⲙⲟⲩ ⲁⲩϩⲉ ⲉϯⲉⲛⲧⲟⲗⲏ ⲉⲧϣⲟⲟⲡ ⲉⲩⲱⲛϩ ⲉⲩⲙⲟⲩ ⲛⲁⲓ
11 Waayo, dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka igu khiyaaneeyey, wuuna igu dilay.
ⲓ̅ⲁ̅ⲉⲁ ⲡⲛⲟⲃⲉ ⲅⲁⲣ ϫⲓ ⲛⲟⲩⲁⲫⲟⲣⲙⲏ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲟⲟⲧⲥ ⲛⲧⲉⲛⲧⲟⲗⲏ ⲁϥⲉⲝⲁⲡⲁⲧⲁ ⲙⲙⲟⲓ ⲁⲩⲱ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲓⲧⲟⲟⲧⲥ ⲁϥⲙⲟⲟⲩⲧ
12 Haddabase sharcigu waa quduus, amarkuna waa quduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay.
ⲓ̅ⲃ̅ϩⲱⲥⲧⲉ ϭⲉ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲟⲩⲁⲁⲃ ⲁⲩⲱ ⲧⲉⲛⲧⲟⲗⲏ ⲟⲩⲁⲁⲃ ⲟⲩⲇⲓⲕⲁⲓⲟⲛ ⲧⲉ ⲁⲩⲱ ⲟⲩⲁⲅⲁⲑⲟⲛ ⲧⲉ
13 Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.
ⲓ̅ⲅ̅ⲛⲧⲁ ⲡⲁⲅⲁⲑⲟⲛ ϭⲉ ϣⲱⲡⲉ ⲛⲁⲓ ⲉⲩⲙⲟⲩ ⲛⲛⲉⲥϣⲱⲡⲉ ⲁⲗⲗⲁ ⲡⲛⲟⲃⲉ ⲡⲉ ϫⲉⲕⲁⲥ ⲉϥⲉⲟⲩⲱⲛϩ ⲉⲃⲟⲗ ϫⲉ ⲟⲩⲛⲟⲃⲉ ⲡⲉ ϩⲓⲧⲙ ⲡⲁⲅⲁⲑⲟⲛ ⲉϥⲣϩⲱⲃ ⲛⲁⲓ ⲉⲡⲙⲟⲩ ϫⲉⲕⲁⲥ ⲉⲣⲉⲡⲛⲟⲃⲉ ⲣϩⲟⲩⲉⲣⲉϥⲣⲛⲟⲃⲉ ϩⲓⲧⲛ ⲧⲉⲛⲧⲟⲗⲏ
14 Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa.
ⲓ̅ⲇ̅ⲧⲛⲥⲟⲟⲩⲛ ⲅⲁⲣ ϫⲉ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲟⲩⲡⲛⲁⲧⲓⲕⲟⲥ ⲡⲉ ⲁⲛⲟⲕ ⲇⲉ ⲁⲛⲅ ⲟⲩⲥⲁⲣⲕⲓⲕⲟⲥ ⲉⲓⲧⲟ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲁ ⲡⲛⲟⲃⲉ
15 Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necbahay.
ⲓ̅ⲉ̅ⲡⲉϯⲉⲓⲣⲉ ⲅⲁⲣ ⲙⲙⲟϥ ⲛϯⲥⲟⲟⲩⲛ ⲙⲙⲟϥ ⲁⲛ ⲙⲡⲉϯⲟⲩⲁϣϥ ⲅⲁⲣ ⲁⲛ ⲡⲁⲓ ⲡⲉϯⲉⲓⲣⲉ ⲙⲙⲟϥ ⲁⲗⲗⲁ ⲡⲉϯⲙⲟⲥⲧⲉ ⲙⲙⲟϥ ⲡⲁⲓ ⲡⲉϯⲉⲓⲣⲉ ⲙⲙⲟϥ
16 Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay.
ⲓ̅ⲋ̅ⲉϣϫⲉ ⲙⲡⲉϯⲟⲩⲁϣϥ ⲇⲉ ⲁⲛ ⲡⲁⲓ ⲡⲉϯⲉⲓⲣⲉ ⲙⲙⲟϥ ϯϫⲱ ⲙⲙⲟⲥ ⲉⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ϫⲉ ⲛⲁⲛⲟⲩϥ
17 Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.
ⲓ̅ⲍ̅ⲧⲉⲛⲟⲩ ⲇⲉ ⲛⲁⲛⲟⲕ ⲁⲛ ϭⲉ ⲡⲉⲧⲣϩⲱⲃ ⲉⲣⲟϥ ⲁⲗⲗⲁ ⲡⲛⲟⲃⲉ ⲡⲉ ⲉⲧⲟⲩⲏϩ ⲛϩⲏⲧ
18 Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo.
ⲓ̅ⲏ̅ϯⲥⲟⲟⲩⲛ ⲅⲁⲣ ϫⲉ ⲙⲛⲁⲅⲁⲑⲟⲛ ⲟⲩⲏϩ ⲛϩⲏⲧ ⲉⲧⲉ ⲡⲁⲓ ⲡⲉ ϩⲛ ⲧⲁⲥⲁⲣⲝ ⲡⲟⲩⲱϣ ⲅⲁⲣ ϥⲕⲏ ⲛⲁⲓ ⲉϩⲣⲁⲓ ⲡⲉⲣϩⲱⲃ ⲇⲉ ⲉⲡⲡⲉⲧⲛⲁⲛⲟⲩϥ ⲙⲙⲟⲛ
19 Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa.
ⲓ̅ⲑ̅ⲙⲡⲁⲅⲁⲑⲟⲛ ⲅⲁⲣ ⲁⲛ ⲉϯⲟⲩⲁϣϥ ⲡⲉϯⲉⲓⲣⲉ ⲙⲙⲟϥ ⲁⲗⲗⲁ ⲡⲡⲉⲑⲟⲟⲩ ⲉⲧⲉ ⲛϯⲟⲩⲁϣϥ ⲁⲛ ⲡⲁⲓ ⲡⲉϯⲉⲓⲣⲉ ⲙⲙⲟϥ
20 Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.
ⲕ̅ⲉϣϫⲉ ⲙⲡⲉϯⲟⲩⲁϣϥ ⲁⲛ ⲡⲁⲓ ⲡⲉϯⲉⲓⲣⲉ ⲙⲙⲟϥ ⲉⲓⲉ ⲛⲁⲛⲟⲕ ⲁⲛ ϭⲉ ⲡⲉⲧⲉⲓⲣⲉ ⲙⲙⲟϥ ⲁⲗⲗⲁ ⲡⲛⲟⲃⲉ ⲡⲉ ⲉⲧⲟⲩⲏϩ ϩⲣⲁⲓ ⲛϩⲏⲧ
21 Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo.
ⲕ̅ⲁ̅ϯϩⲏⲩ ⲛⲧⲟⲟⲩⲛ ⲉⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲉⲛϥϣⲟⲟⲡ ⲛⲁⲓ ⲁⲛ ⲡⲉⲧⲟⲩⲉϣⲣ ⲡⲉⲧⲛⲁⲛⲟⲩϥ ϫⲉ ⲡⲡⲉⲑⲟⲟⲩ ⲕⲏ ⲛⲁⲓ ⲉϩⲣⲁⲓ
22 Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah.
ⲕ̅ⲃ̅ϯϩⲏⲇⲁⲛⲉ ⲅⲁⲣ ⲙⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲙⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ⲕⲁⲧⲁ ⲡⲣⲱⲙⲉ ⲉⲧϩⲓ ϩⲟⲩⲛ
23 Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira.
ⲕ̅ⲅ̅ϯⲛⲁⲩ ⲇⲉ ⲉⲕⲉⲛⲟⲙⲟⲥ ϩⲛ ⲛⲁⲙⲉⲗⲟⲥ ⲉϥϯ ⲟⲩⲃⲉ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲙⲡⲁϩⲏⲧ ⲁⲩⲱ ⲉϥⲁⲓⲭⲙⲁⲗⲱⲧⲓⲍⲉ ⲙⲙⲟⲓ ϩⲙ ⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲙⲡⲛⲟⲃⲉ ⲡⲁⲓ ⲉⲧϣⲟⲟⲡ ϩⲛ ⲛⲁⲙⲉⲗⲟⲥ
24 Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh?
ⲕ̅ⲇ̅ⲡⲧⲁⲗⲁⲓⲡⲱⲣⲟⲥ ⲁⲛⲟⲕ ⲡⲣⲱⲙⲉ ⲛⲓⲙ ⲡⲉⲧⲛⲁⲛⲁϩⲙⲉⲧ ⲉⲃⲟⲗ ϩⲙ ⲡⲥⲱⲙⲁ ⲙⲡⲉⲓⲙⲟⲩ
25 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.
ⲕ̅ⲉ̅ⲡⲉϩⲙⲟⲧ ⲙⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ϣⲏⲡ ϩⲓⲧⲛ ⲓⲏⲥ ⲡⲉⲭⲥ ⲡⲉⲛϫⲟⲉⲓⲥ ⲁⲣⲁ ϭⲉ ⲁⲛⲟⲕ ϩⲣⲁⲓ ⲙⲉⲛ ϩⲙ ⲡⲁϩⲏⲧ ϯⲟ ⲛϩⲙϩⲁⲗ ⲙⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲙⲡⲛⲟⲩⲧⲉ ϩⲛ ⲧⲁⲥⲁⲣⲝ ⲇⲉ ⲙⲡⲛⲟⲙⲟⲥ ⲙⲡⲛⲟⲃⲉ

< Rooma 7 >