< Rooma 6 >

1 Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato?
Tuseme nini basi? Tuendelee katika dhambi ili neema iongezeke?
2 Yaanay noqon! Innagoo dembiga kala dhimannay, sidee baynu mar dambe ugu dhex noolaannaa?
La hasha. Sisi tuliokufa katika dhambi, tunawezaje tena kuishi katika hiyo?
3 Mise ma waydaan ogayn in kulli inteenna lagu baabtiisay Ciise Masiix dhexdiisa, lagu dhex baabtiisay dhimashadiisa?
Je hamjui ya kuwa wale waliobatizwa katika Kristo walibatizwa katika mauti yake?
4 Haddaba waxaynu isaga kula aasannay baabtiiska dhimashada dhexdeeda, in, sidii Masiixa kuwii dhintay loogaga sara kiciyey ammaanta Aabbaha, aan innaguna sidaas oo kale cusaybka nolosha ku dhex soconno.
Tulikuwa tumezikwa pamoja naye kupitia ubatizo katika kifo. Hii ilifanyika ili kwamba kama vile Kristo alivyoinuliwa kutoka mauti kupitia utukufu wa Baba, ili kwamba nasi tuweze kutembea katika upya wa maisha.
5 Haddaynu isaga kula midownay dhimasho tiisa u eg, de sidaas oo kalena sarakicid tiisa u eg waynu kula midoobi doonnaa.
Maana ikiwa tumeunganishwa pamoja naye katika mfano wa kifo chake, pia tutaunganishwa katika ufufuo wake.
6 Waynu og nahay in dabiicaddeennii hore iskutallaabta lagula qodbay isaga, in jidhka dembigu baabba'o, si aynaan mar dambe addoommo ugu ahaan dembiga.
Sisi tunajua hivi, utu wetu wa zamani ulisulubiwa pamoja naye, ili kwamba mwili wa dhambi uharibiwe. Hii ilitokea ili kwamba tusiendelee kuwa watumwa wa dhambi.
7 Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay.
Yeye aliyekufa amefanywa mwenye haki kulingana na dhambi.
8 Laakiinse haddaynu Masiixa la dhimannay, waxaynu rumaysan nahay inaynu haddana isaga la noolaan doonno.
Lakini kama tumekufa pamoja na Kristo, tunaamini kwamba tutaishi pamoja naye pia.
9 Waynu og nahay in Masiixa oo kuwii dhintay ka sara kacay uusan mar dambe dhimanayn; dhimashadu mar dambe u talin mayso.
Tunajua kwamba Kristo amefufuliwa kutoka katika wafu, na kwamba si mfu tena. Kifo hakimtawali tena.
10 Waayo, dhimashaduu dhintay mar keliya ayuu xagga dembiga ka dhintay, laakiin noloshuu ku nool yahay, Ilaah buu u nool yahay.
Maana kwa habari ya kifo alichokufa kwa dhambi, alikufa mara moja kwa ajili ya wote. Hata hivyo, maisha anayoishi, anaishi kwa ajili ya Mungu.
11 Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.
Kwa njia iyo hiyo, nanyi pia mnapaswa kujihesabu kuwa wafu katika dhambi, bali hai kwa Mungu katika Kristo Yesu.
12 Sidaas daraaddeed dembigu yuusan jidhkiinna dhimanaya u talin inaad damacyadiisa xunxun addeecdaan.
Kwa sababu hiyo usiruhusu dhambi itawale mwili wako ili kusudi uweze kuzitii tamaa zake.
13 Xubnihiinnana dembiga ha u siinina sida qalabka xaqdarrada, laakiin Ilaah isa siiya sida idinkoo ah kuwo ka soo noolaaday kuwii dhintay, xubnihiinnana Ilaah u siiya sida qalabka xaqnimada.
Usitoe sehemu za mwili wako katika dhambi kama vyombo visivyo na haki, bali jitoeni wenyewe kwa Mungu, kama walio hai kutoka mautini. Na zitoeni sehemu za miili yenu kama vyombo vya haki kwa Mungu.
14 Waayo, dembigu idiinma talin doono, maxaa yeelay, sharciga kuma hoos jirtaan, laakiinse waxaad ku hoos jirtaan nimcada.
Msiiruhusu dhambi iwatawale. Kwa kuwa hamko chini ya sheria, bali chini ya neema.
15 Waa sidee haddaba? Sharciga kuma hoos jirno, oo waxaynu ku hoos jirnaa nimcada, sidaas daraaddeed miyaan dembaabnaa? Yaanay noqon!
Nini basi? Tutende dhambi kwa kuwa hatupo chini ya sheria, bali chini ya neema? La hasha.
16 Ma waydaan ogayn inaad addoommo u tihiin kii aad isu siisaan sida addoommo addeeca, oo aad addoommadiisa tihiin kii aad addeecdaan, ama ha noqoto dembiga idiin kaxeeya xagga dhimashada ama addeecidda idiin kaxaysa xagga xaqnimada?
Hamjui ya kuwa kwake yeye ambaye mnajitoa wenyewe kama watumishi ndiye ambaye ninyi mnakuwa watumishi wake, yeye mnayepaswa kumtii? Hii ni kweli hata kama ninyi ni watumwa katika dhambi ambayo inapelekea mauti, au watumwa wa utii unaopelekea haki.
17 Laakiinse mahad Ilaah baa leh, waayo, waxaad ahaan jirteen addoommadii dembiga, haatanse qalbigiinaad ka addeecdeen caynaddii waxbariddii laydin siiyey;
Lakini ashukuriwe Mungu! Kwa kuwa mlikuwa watumwa wa dhambi, lakini mmetii kutoka moyoni ile namna ya fundisho mliopewa.
18 oo idinkoo dembiga laydinka xoreeyey, xaqnimada ayaad addoommo u noqoteen.
Mmefanywa huru kutoka kwenye dhambi, na mmefanywa watumwa wa haki.
19 Sida dadkaan u hadlayaa jidhkiinna itaaldarradiisa aawadeed. Waayo, sidii aad xubnihiinna uga dhigi jirteen addoommadii wasakhnimada iyo dembiga inaad dembi fashaan, sidaas oo kalena haatan xubnihiinna ka dhiga addoommadii xaqnimada quduusnaanta aawadeed.
Ninazungumza kama mtu kwa sababu ya madhaifu ya miili yenu. Kwa maana kama vile mlivyotoa viungo vya miili yenu kuwa watumwa kwa uchafu na uovu, kwa jinsi iyo hiyo, sasa toeni viungo vya miili yenu kuwa watumwa wa haki kwa utakaso.
20 Waayo, markaad addoommadii dembiga ahaan jirteen, xagga xaqnimada waxaad ahaydeen xor.
Kwa kuwa mlipokuwa watumwa wa dhambi, mlikuwa huru mbali na haki.
21 Haddaba wakhtigaas maxaad midho ku haysateen waxyaalaha aad haatan ka xishoonaysaan? Waayo, waxyaalahaas ugu dambaystoodu waa dhimashada.
Kwa wakati huo, mlikuwa na tunda lipi kwa mambo ambayo kwa sasa mnaona aibu kwayo? Kwa kuwa matokeo ya mambo hayo ni kifo.
22 Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoommadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan quduusnaanta, oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah. (aiōnios g166)
Lakini kwa kuwa sasa mmefanywa huru mbali na dhambi na mmefanyika watumwa kwa Mungu, mna tunda kwa ajili ya utakaso. Tokeo ni uzima wa milele. (aiōnios g166)
23 Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix. (aiōnios g166)
Kwa kuwa mshahara wa dhambi ni mauti, bali zawadi ya bure ya Mungu ni uzima wa milele katika Kristo Yesu Bwana wetu. (aiōnios g166)

< Rooma 6 >