< Rooma 5 >
1 Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;
Справдивши ся ж вірою, маємо мир з Богом через Господа нашого Ісуса Христа,
2 kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah.
через котрого й приступ одержали вірою в благодать сю, в котрій стоїмо і хвалимось упованнєм слави Божої;
3 Oo taas oo keliya ma aha, laakiinse waxaynu ku faraxnaa dhibaatooyinkeenna, innagoo og in dhibaatadu dulqaadasho keento;
Не тільки ж (се), а хвалимось і горем, знаючи, що горе робить терпінн,
4 dulqaadashaduna aqoon dheer, aqoonta dheeruna rajo;
терпіннє ж досьвід, досьвід же надію,
5 rajaduna inama ceebayso, maxaa yeelay, jacaylka Ilaah baa qalbiyadeenna ku dhex shubmay, oo waxaa ku shubay Ruuxa Quduuska ah oo layna siiyey.
надія ж не осоромлює, бо любов Божа вилилась у серця наші Духом сьвятим, даним нам.
6 Waayo, innagoo weli itaaldaran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn.
Ще бо Христос, як були ми недужими, в свою пору за нечестивих умер.
7 Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin wanaagsan u dhinto.
Ледви бо за праведника хто вмре; хиба за благого може ще хто й одважитись умерти.
8 Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.
Являв ж свою любов до нас Бог (у тому), що як ще були ми грішниками, Христос за нас умер.
9 Haddaba haddaynu haatan dhiiggiisa xaq ku noqonnay, de si ka badanna isagaynu kaga badbaadi doonnaa cadhada Ilaah.
Много ж більше тепер, бувши оправдані кровю Його, спасемось Ним од гнїва.
10 Waayo, haddii, intaynu col la ahayn, Ilaah inagula heshiiyey dhimashadii Wiilkiisa, de si ka badanna, innagoo la heshiis ah, ayaynu ku badbaadi doonnaa noloshiisa,
Коли бо, ворогами бувши, примирились ми в Богом смертю Сина Його, то много більше, примиривши ся, спасемось у житті Його.
11 oo taas oo keliyana ma ahaane, weliba waxaynu ku faraxnaa Ilaah xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, kan aynu haatan heshiiska ku helnay.
Не тільки ж (се), а й хвалимось у Бозї Господом нашим Ісусом Христом, через котрого тепер примиреннє прийняли.
12 Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay;
Тим же то, як через одного чоловіка гріх у сьвіт увійшов, а через гріх смерть, так і смерть у всіх людей увійшла (через того), в кому всі згрішили.
13 waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin.
Бо (й) до закону гріх був у сьвітї, та гріх не полїчуєть ся, коли нема закону.
14 Habase ahaatee waagii Aadan ilaa Muuse dhimashadu waxay u talisay xataa kuwii aan u dembaabin sidii xadgudubkii Aadan kan ah masaalka kan iman lahaa.
Тільки ж царювала смерть од Адама аж до Мойсея і над тими, хто не згрішив по подобинї переступу Адамового, котрий єсть образ будучого.
15 Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembigiis kuwa badanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, kan ah Ciise Masiix.
Та не так і дар, як прогрішеннє. Коли бо через прогрішеннє одного многі померли, то много більше благодать Божа і дар благодаттю одного чоловіка Ісуса Христа у многих наддостаткували.
16 Hadiyaddu ma aha sida mid qof dembaabay ku timid, waayo, mid xukunkiis wuxuu keenay ciqaab, laakiin hadiyaddu waxay dembiyo badan ugu timid inay xaq ka dhigto kuwo badan.
І не таке даруваннє, як (те що сталось) через одного согрішившого; суд бо з однієї (провини був) на осуд, дар же на оправданнє з многих провин.
17 Haddii mid dembigiisa aawadiis ay dhimasho ku talisay midkaas aawadiis, de si ka badanna kuwa hela badnaanta nimcada iyo hadiyadda xaqnimada, noloshay ku dhex talin doonaan kii kale aawadiis kaas oo ah Ciise Masiix.
Бо, коли через провину одного смерть царювала через одного, много більше ті, хто прийняв наддостаток благодати і дар правди, царювати муть в життю одним Ісусом Христом.
18 Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalena nin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan.
Тим же оце, як через провину одного на всїх людей осуд, так і через праведність одного на всїх людей оправданнє життя.
19 Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa.
Яко бо через непокору одного чоловіка грішними зробились многі, так і покорою одного праведниками зроблять ся многі.
20 Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad;
Закон же ввійшов, і намножилось гріха; де ж намножилось гріха, там ще більший наддостаток благодати,
21 in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix. (aiōnios )
щоб, як гріх царював у смерть, так і благодать царювала через правду у життє вічне Ісусом Христом, Господом нашим. (aiōnios )