< Rooma 2 >
1 Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii.
ⲁ̅ⲈⲐⲂⲈ ⲪⲀⲒ ⲬⲚⲀϢⲈⲢⲞⲨⲰ ⲀⲚ ⲰⲪⲢⲰⲘⲒ ϦⲀ ⲞⲨⲞⲚ ⲚⲒⲂⲈⲚ ⲈⲦϮϨⲀⲠ ϦⲈⲚⲠⲒϨⲀⲠ ⲄⲀⲢ ⲈⲦⲈⲔϮ ⲘⲘⲞϤ ⲈⲠⲈⲔϢⲪⲎⲢ ⲀⲔϨⲒⲞⲨⲒ ⲘⲘⲞⲔ ⲈⲠϨⲀⲠ ⲘⲘⲀⲨⲀⲦⲔ ⲚⲀⲒ ⲄⲀⲢ ϨⲰⲔ ⲞⲚ ⲈⲦⲈⲔⲒⲢⲒ ⲘⲘⲰⲞⲨ ϦⲀ ⲪⲎ ⲈⲦϮϨⲀⲠ.
2 Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah.
ⲃ̅ⲦⲈⲚⲈⲘⲒ ⲄⲀⲢ ϪⲈ ⲠⲒϨⲀⲠ ⲚⲦⲈⲪⲚⲞⲨϮ ⲀϤϢⲞⲠ ⲔⲀⲦⲀ ⲞⲨⲘⲈⲐⲘⲎⲒ ⲈϪⲈⲚ ⲚⲎ ⲈⲦⲒⲢⲒ ⲚⲚⲀⲒ ⲘⲠⲀⲒⲢⲎϮ.
3 Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto?
ⲅ̅ⲬⲘⲈⲨⲒ ⲆⲈ ⲚⲐⲞⲔ ⲈⲪⲀⲒ ⲰⲪⲢⲰⲘⲒ ⲪⲎ ⲈⲦϮϨⲀⲠ ⲈⲚⲎ ⲈⲦⲒⲢⲒ ⲚⲚⲀⲒ ⲘⲠⲀⲒⲢⲎϮ ⲞⲨⲞϨ ⲬⲢⲀ ⲘⲘⲰⲞⲨ ϨⲰⲔ ⲞⲚ ϪⲈ ⲀⲚ ⲬⲚⲀϢⲪⲰⲦ ⲚⲐⲞⲔ ⲚⲦⲈⲚ ⲠⲒϨⲀⲠ ⲚⲦⲈⲪⲚⲞⲨϮ.
4 Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda?
ⲇ̅ϢⲀⲚ ⲔⲈⲢⲔⲀⲦⲀⲪⲢⲞⲚⲒⲚ ⲚϮⲘⲈⲦⲢⲀⲘⲀⲞ ⲚⲦⲈⲦⲈϤⲘⲈⲦⲬⲢⲤ ⲚⲈⲘ ⲦⲈϤⲘⲈⲦⲢⲈϤⲈⲢⲀⲚⲈⲬⲈⲤⲐⲈ ⲚⲈⲘ ⲦⲈϤⲘⲈⲦⲢⲈϤⲰⲞⲨ ⲚϨⲎⲦ ⲚⲔⲈⲘⲒ ⲀⲚ ϪⲈ ϮⲘⲈⲦⲬⲢⲤ ⲚⲦⲈⲪⲚⲞⲨϮ ⲤⲒⲚⲒ ⲘⲘⲞⲔ ⲈⲨⲘⲈⲦⲀⲚⲞⲒⲀ.
5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
ⲉ̅ⲔⲀⲦⲀ ⲆⲈ ⲦⲈⲔⲘⲈⲦⲚⲀϢⲦϨⲎⲦ ⲚⲈⲘ ⲠⲈⲔϨⲎⲦ ⲚⲀⲦⲞⲨⲈⲘϨⲐⲎϤ ⲔϨⲒ ϪⲰⲚⲦ ⲚⲀⲔ ⲈϦⲞⲨⲚ ϦⲈⲚⲠⲒⲈϨⲞⲞⲨ ⲚⲦⲈⲠϪⲰⲚⲦ ⲚⲈⲘ ⲠⲒϬⲰⲢⲠ ⲈⲂⲞⲖ ⲚⲦⲈⲠⲒϨⲀⲠ ⲘⲘⲎⲒ ⲚⲦⲈⲪϮ
6 kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa,
ⲋ̅ⲪⲎ ⲈⲐⲚⲀϮ ⲘⲠⲒⲞⲨⲀⲒ ⲠⲒⲞⲨⲀⲒ ⲔⲀⲦⲀ ⲚⲈϤϨⲂⲎⲞⲨⲒ.
7 kuwa dulqaadashada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah; (aiōnios )
ⲍ̅ⲚⲎ ⲘⲈⲚ ⲈⲦⲀⲨⲀⲘⲞⲚⲒ ⲚⲦⲞⲦⲞⲨ ϦⲈⲚⲞⲨϨⲰⲂ ⲈⲚⲀⲚⲈϤ ⲞⲨⲰⲞⲨ ⲚⲈⲘ ⲞⲨⲦⲀⲒⲞ ⲚⲈⲘ ⲞⲨⲘⲈⲦⲀⲦⲦⲀⲔⲞ ⲚⲚⲎ ⲈⲦⲔⲰϮ ⲚⲤⲀⲞⲨⲰⲚϦ ⲚⲈⲚⲈϨ. (aiōnios )
8 laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil,
ⲏ̅ⲚⲎ ⲆⲈ ⲈⲦⲈ ⲈⲂⲞⲖ ϦⲈⲚⲞⲨϢϬⲚⲎⲚ ⲚⲈⲞⲨⲞϨ ⲚⲤⲈϮⲘⲀϮ ⲀⲚ ⲚⲈⲘ ⲐⲘⲎⲒ ⲈⲨⲐⲎⲦ ⲆⲈ ⲚϨⲎⲦ ⲚⲈⲘ ϮⲘⲈⲦϬⲒ ⲚϪⲞⲚⲤ ⲞⲨϪⲰⲚⲦ ⲚⲈⲘ ⲞⲨⲘⲂⲞⲚ
9 iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga.
ⲑ̅ⲞⲨϨⲞϪϨⲈϪ ⲚⲈⲘ ⲞⲨⲘⲔⲀϨ ⲈϪⲈⲚ ⲮⲨⲬⲎ ⲚⲒⲂⲈⲚ ⲚⲦⲈⲚⲒⲢⲰⲘⲒ ⲚⲎ ⲈⲦⲒⲢⲒ ⲘⲠⲒⲠⲈⲦϨⲰⲞⲨ ⲠⲒⲒⲞⲨⲆⲀⲒ ⲚϢⲞⲢⲠ ⲚⲈⲘ ⲠⲒⲞⲨⲈⲒⲚⲒⲚ.
10 Laakiin ammaan iyo ciso iyo nabad baa u ahaan doona ku kasta oo wanaag sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga;
ⲓ̅ⲞⲨⲰⲞⲨ ⲆⲈ ⲚⲈⲘ ⲞⲨⲦⲀⲒⲞ ⲚⲈⲘ ⲞⲨϨⲒⲢⲎ ⲚⲎ ⲚⲞⲨⲞⲚ ⲚⲒⲂⲈⲚ ⲈⲦⲈⲢϨⲰⲂ ⲈⲠⲒⲀⲄⲀⲐⲞⲚ ⲠⲒⲒⲞⲨⲆⲀⲒ ⲚϢⲞⲢⲠ ⲚⲈⲘ ⲠⲒⲞⲨⲈⲒⲚⲒⲚ.
11 maxaa yeelay, Ilaah dadka uma kala eexdo.
ⲓ̅ⲁ̅ⲘⲘⲞⲚ ⲘⲈⲦⲢⲈϤϬⲒϨⲞ ϦⲀⲦⲈⲚ ⲪⲚⲞⲨϮ.
12 In alla intii sharcila'aan dembaabtay, sharcila'aan bay halligmi doonaan, oo in alla intii sharciga hoostiisa ku dembaabtayna, sharcigaa lagu xukumi doonaa;
ⲓ̅ⲃ̅ⲚⲎ ⲄⲀⲢ ⲈⲦⲀⲨⲈⲢⲚⲞⲂⲒ ⲀⲚⲞⲘⲞⲤ ⲀⲚⲞⲘⲞⲤ ⲞⲚ ⲤⲈⲚⲀⲦⲀⲔⲰⲞⲨ ⲞⲨⲞϨ ⲚⲎ ⲈⲦⲀⲨⲈⲢⲚⲞⲂⲒ ϦⲈⲚⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲤⲈⲚⲀϮϨⲀⲠ ⲈⲢⲰⲞⲨ ⲈⲂⲞⲖ ϨⲒⲦⲈⲚ ⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ.
13 waayo, kuwa sharciga maqlaa ma aha kuwa xaqa Ilaah hortiis, laakiinse kuwa sharciga yeela xaq baa laga dhigi doonaa.
ⲓ̅ⲅ̅ⲞⲨ ⲄⲀⲢ ⲚⲒⲢⲈϤⲤⲰⲦⲈⲘ ⲈⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲀⲚ ⲚⲈⲚⲒⲐⲘⲎⲒ ϦⲀⲦⲈⲚ ⲪⲚⲞⲨϮ ⲀⲖⲖⲀ ⲚⲎ ⲈⲦⲒⲢⲒ ⲘⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲈⲦⲞⲨⲚⲀⲐⲘⲀⲒⲰⲞⲨ.
14 Markii dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan sharciga lahaynu, ay dabiicadda ka sameeyaan waxyaalaha sharciga, kuwan aan sharciga lahaynu waa isu sharci.
ⲓ̅ⲇ̅ⲈϢⲰⲠ ⲄⲀⲢ ⲚⲈⲚⲒⲈⲐⲚⲞⲤ ⲚⲎ ⲈⲦⲈ ⲘⲘⲞⲚⲦⲞⲨ ⲚⲞⲘⲞⲤ ⲘⲘⲀⲨ ⲪⲨⲤⲒⲤ ⲤⲈⲒⲢⲒ ⲚⲚⲀ ⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲚⲀⲒ ⲈⲦⲈ ⲘⲘⲞⲚⲦⲞⲨ ⲚⲞⲘⲞⲤ ⲘⲘⲀⲨ ⲤⲈⲞⲒ ⲚⲚⲞⲘⲞⲤ ⲚⲰⲞⲨ ⲘⲘⲒⲚ ⲘⲘⲰⲞⲨ.
15 Waxay muujiyaan shuqulka sharciga oo qalbiyadooda ku qoran, iyagoo garashadoodu u markhaati furayso, oo fikirradoodu midba midka kale ashtakaynayo ama marmarsiinyo samaysanayo,
ⲓ̅ⲉ̅ⲚⲀⲒ ⲈⲐⲞⲨⲰⲚϨ ⲘⲠⲒϨⲰⲂ ⲚⲦⲈⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲈⲂⲞⲖ ⲈϤⲤϦⲎⲞⲨⲦ ϦⲈⲚⲠⲞⲨϨⲎⲦ ⲞⲨⲞϨ ⲈⲢⲈ ⲦⲞⲨⲤⲨⲚⲎⲆⲈⲤⲒⲤ ⲈⲢⲘⲈⲐⲢⲈ ⲈⲢⲰⲞⲨ ⲚⲈⲘⲰⲞⲨ ⲞⲨⲞϨ ⲈⲢⲈ ⲚⲞⲨⲘⲈⲨⲒ ⲈⲢⲔⲀⲦⲎⲄⲞⲢⲒⲚ ⲞⲨⲦⲰⲞⲨ ⲚⲈⲘ ⲚⲞⲨⲈⲢⲎⲞⲨ ⲒⲈ ⲈⲨⲚⲀⲈⲢⲠⲔⲈⲀⲠⲞⲖⲞⲄⲒⲤⲐⲈ.
16 maalinta Ilaah waxyaalaha qarsoon ee dadka ku xukumi doono Ciise Masiix sida injiilkaygu leeyahay.
ⲓ̅ⲋ̅ϦⲈⲚ ⲠⲒⲈϨⲞⲞⲨ ⲚⲦⲈⲪⲚⲞⲨϮ ⲚⲀϮϨⲀⲠ ⲈⲚⲎ ⲈⲦϨⲎⲠ ⲚⲦⲈⲠⲒⲢⲰⲘⲒ ⲔⲀⲦⲀ ⲠⲀⲈⲨⲀⲄⲄⲈⲖⲒⲞⲚ ⲈⲂⲞⲖ ϨⲒⲦⲈⲚ ⲒⲎⲤⲞⲨⲤ ⲠⲬⲢⲒⲤⲦⲞⲤ.
17 Laakiin adigu haddaad isku sheegtid Yuhuudi, oo sharciga isku hallaysid, oo Ilaah ku faantid,
ⲓ̅ⲍ̅ⲒⲤϪⲈ ⲚⲐⲞⲔ ⲔϮⲢⲀⲚ ⲈⲢⲞⲔ ϪⲈ ⲒⲞⲨⲆⲀⲒ ⲔⲘⲞⲦⲈⲚ ⲘⲘⲞⲔ ⲈϪⲈⲚ ⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲞⲨⲞϨ ⲔϢⲞⲨϢⲞⲨ ⲘⲘⲞⲔ ϦⲈⲚⲪⲚⲞⲨϮ.
18 oo doonistiisa taqaanid, oo aad u bogtid waxyaalaha aad u fiican, adigoo sharciga wax lagugu baray,
ⲓ̅ⲏ̅ⲞⲨⲞϨ ⲔⲤⲰⲞⲨⲚ ⲘⲠⲈϤⲞⲨⲰϢ ⲞⲨⲞϨ ⲔⲈⲢⲆⲞⲔⲒⲘⲀⲌⲒⲚ ⲚⲚⲎ ⲈⲦⲤⲰⲦⲠ ⲔⲈⲢⲔⲀⲐⲎⲔⲒⲚ ⲘⲘⲞⲔ ⲈⲂⲞⲖ ϦⲈⲚⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ
19 oo aad aaminsan tahay inaad tahay kan haga kuwa indhaha la', iyo kan nuurka u ah kuwa gudcurka ku jira,
ⲓ̅ⲑ̅ϨⲐⲎⲔ ⲬⲎ ⲈⲢⲞⲔ ϪⲈ ⲚⲐⲞⲔ ⲞⲨⲢⲈϤϬⲒⲘⲰⲒⲦ ⲚⲚⲒⲂⲈⲖⲖⲈⲨ ⲞⲨⲞⲨⲰⲒⲚⲒ ⲚⲦⲈⲚⲎ ⲈⲦϦⲈⲚ ⲠⲬⲀⲔⲒ.
20 iyo kan doqonnada qumaatiya, iyo macallinka carruurta, adigoo sharciga ku haysta muuqashadii aqoonta iyo runta;
ⲕ̅ⲪⲢⲈϤϮⲤⲂⲰ ⲚⲦⲈⲚⲒⲀⲦϨⲎⲦ ⲞⲨⲞϨ ⲠⲤⲀϦ ⲚⲚⲒⲔⲞⲨϪⲒ ⲚⲀⲖⲰⲞⲨⲒ ⲈⲢⲈ ⲐⲘⲞⲢⲪⲎ ⲚⲦⲈⲠⲈⲘⲒ ⲚⲦⲞⲦⲔ ⲚⲈⲘ ϮⲘⲈⲐⲘⲎⲒ ⲈⲦϦⲈⲚ ⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ
21 haddaba kaaga kan kale wax baraa, sow wax isbari maysid? Kaaga dadka ku wacdiya, Waxba ha xadina; adigu miyaad wax xaddaa?
ⲕ̅ⲁ̅ⲪⲎ ⲞⲨⲚ ⲈⲦϮⲤⲂⲰ ⲚⲔⲈⲞⲨⲀⲒ ⲔϮⲤⲂⲰ ⲚⲀⲔ ⲘⲘⲀⲨⲀⲦⲔ ⲀⲚ ⲪⲎ ⲈⲦϨⲒⲰⲒϢ ⲈϢⲦⲈⲘϬⲒⲞⲨⲒ ⲔϬⲒⲞⲨⲒ
22 Kaaga yidhaahda, Yaan la sinaysan, miyaad adigu sinaysataa? Kaaga sanamyada nebcaada, miyaad macbudyo dhacdaa?
ⲕ̅ⲃ̅ⲪⲎ ⲈⲦϪⲰ ⲘⲘⲞⲤ ϪⲈ ⲘⲠⲈⲢⲈⲢⲚⲰⲒⲔ ⲔⲞⲒ ⲚⲚⲰⲒⲔ ⲪⲎ ⲈⲦⲤⲰϤ ⲚⲚⲒⲒⲆⲰⲖⲞⲚ ⲔⲞⲒ ⲚⲔⲀⲖⲠ ⲈⲢⲪⲈⲒ.
23 Kaaga sharciga ku faana, miyaad Ilaah ku cisa jebisaa sharciga aad gudubtay aawadiis?
ⲕ̅ⲅ̅ⲪⲎ ⲈⲦϢⲞⲨϢⲞⲨ ⲘⲘⲞϤ ϦⲈⲚⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲈⲂⲞⲖ ϨⲒⲦⲈⲚ ϮⲠⲀⲢⲀⲂⲀⲤⲒⲤ ⲚⲦⲈⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲔϢⲰϢ ⲘⲪⲚⲞⲨϮ.
24 Waayo, magaca Ilaaha waa lagaga caytamaa quruumaha dhexdooda idinka daraaddiin, sida qoran.
ⲕ̅ⲇ̅ⲪⲢⲀⲚ ⲄⲀⲢ ⲘⲪⲚⲞⲨϮ ⲤⲈϪⲈⲞⲨⲀ ⲈⲢⲞϤ ϦⲈⲚⲚⲒⲈⲐⲚⲞⲤ ⲈⲐⲂⲈ ⲐⲎⲚⲞⲨ ⲔⲀⲦⲀ ⲪⲢⲎϮ ⲈⲦⲤϦⲎⲞⲨⲦ.
25 Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo.
ⲕ̅ⲉ̅ⲞⲨⲞⲚ ϨⲎⲞⲨ ⲄⲀⲢ ⲘⲠⲒⲤⲈⲂⲒ ⲈϢⲰⲠ ⲀⲔϢⲀⲚⲒⲢⲒ ⲘⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲈϢⲰⲠ ⲆⲈ ⲈⲔⲞⲒ ⲘⲠⲀⲢⲀⲂⲀⲦⲎ ⲤⲚⲦⲈ ⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲀⲠⲈⲔⲤⲈⲂⲒ ⲀϤϢⲰⲠⲒ ⲈⲨⲘⲈⲦⲀⲦⲤⲈⲂⲒ.
26 Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin?
ⲕ̅ⲋ̅ⲈϢⲰⲠ ⲞⲨⲚ ⲀⲢⲈϢⲀⲚ ϮⲘⲈⲦⲀⲦⲤⲈⲂⲒ ⲀⲢⲈϨ ⲈϮⲘⲈⲐⲘⲎⲒ ⲚⲦⲈⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲞⲨⲬⲒ ⲦⲈϤⲘⲈⲦⲀⲦⲤⲈⲂⲒ ⲤⲈⲚⲀⲞⲠⲤ ⲈⲨⲤⲈⲂⲒ
27 Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta?
ⲕ̅ⲍ̅ⲞⲨⲞϨ ϮⲪⲨⲤⲒⲔⲎ ⲘⲘⲈⲦⲀⲦⲤⲈⲂⲒ ⲈⲤϪⲰⲔ ⲘⲠϨⲰⲂ ⲚⲦⲈⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ ⲈⲂⲞⲖ ⲤⲚⲀϮϨⲀⲠ ⲈⲢⲞⲔ ϦⲀ ⲠⲒⲈⲂⲞⲖ ϨⲒⲦⲈⲚ ⲠⲒⲤϦⲀⲒ ⲚⲈⲘ ⲠⲒⲤⲈⲂⲒ ϪⲈ ⲀⲔⲈⲢ ⲞⲨⲠⲀⲢⲀⲂⲀⲦⲎ ⲚⲦⲈⲠⲒⲚⲞⲘⲞⲤ
28 Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha;
ⲕ̅ⲏ̅ⲠⲒⲒⲞⲨⲆⲀⲒ ⲄⲀⲢ ⲀⲚ ⲈⲦϦⲈⲚ ⲠⲈⲐⲞⲨⲞⲚϨ ⲠⲈ ⲠⲒⲒⲞⲨⲆⲀⲒ ⲞⲨⲆⲈ ⲠⲤⲈⲂⲒ ⲀⲚ ⲈⲐⲞⲨⲞⲚϨ ϦⲈⲚⲦⲤⲀⲢⲜ ⲠⲈ ⲠⲒⲤⲈⲂⲒ.
29 laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.
ⲕ̅ⲑ̅ⲀⲖⲖⲀ ⲠⲒⲒⲞⲨⲆⲀⲒ ⲈⲦϨⲎⲠ ⲪⲀⲒ ⲠⲈ ⲠⲒⲒⲞⲨⲆⲀⲒ ⲞⲨⲞϨ ⲠⲒⲤⲈⲂⲒ ⲚⲦⲈⲠⲒϨⲎⲦ ϦⲈⲚⲞⲨⲠⲚⲈⲨⲘⲀϦⲈⲚⲞⲨⲤϦⲀⲒ ⲀⲚ ⲪⲎ ⲈⲦⲈ ⲠⲈϤϢⲞⲨϢⲞⲨ ⲞⲨⲈⲂⲞⲖ ϦⲈⲚⲢⲰⲘⲒ ⲀⲚ ⲠⲈ ⲀⲖⲖⲀ ⲈⲂⲞⲖ ϦⲈⲚⲪⲚⲞⲨϮ ⲠⲈ.