< Rooma 15 >

1 Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin.
Мусимо ми, сильні, немочі безсильних носити, а не собі догоджати.
2 Midkeen kastaaba deriskiisa ha ka farxiyo inuu ku wanaagsanaado oo ku dhismo.
Кожен бо з нас ближньому нехай догоджає, на добре, до збудування.
3 Waayo, Masiixiiba naftiisii kama uu farxin, laakiinse sida qoran, Caydii kuwii adiga ku caayay ayaa igu kor dhacday.
Бо і Христос не собі годив, а яко ж писано: Зневага зневажаючих Тебе упала на мене.
4 Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno.
Скільки бо перше написано, нам на науку написано, щоб через терпіннє та утїшеннє (з) писання мали надію.
5 Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix,
Бог же терпіння та утїшення нехай дасть вам однаково думати між собою по Христу Ісусові,
6 inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.
щоб однодушне, одними устами славили Бога й Отця Господа нашого Ісуса Христа.
7 Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano.
Тим же приймайте один одного яко ж і Христос прийняв вас у славу Божу.
8 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey,
Глаголю ж, що Ісус Христос став ся слугою обрізання ради істини Божої, щоб ствердити обітовання отців,
9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran, Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.
а для поган - з милості, щоб прославляли Бога, яко ж писано: За се визнавати му Тебе між поганами й імени Твоєму співати му.
10 Oo haddana wuxuu leeyahay, Quruumahow, la reyreeya dadkiisa.
І знов глаголе: Звеседїть ся, погане, з людьми Його.
11 Oo haddana, Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow, Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga.
І знов: Хвалїть Господа, всі погане, і вихваляйте Його всі люде.
12 Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay, Waxaa jiri doona xididkii Yesay, Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha, Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan.
І знов Ісаїя глаголе: Буде корінь Єссеїв, Той, що встане, владикувати над поганами; на Него погане вповати муть.
13 Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.
Бог же вповання нехай сповнить вас усякими радощами й упокоєм у вірі, щоб ви збагатились упованнєм, силою Духа сьвятого.
14 Oo aniga qudhayduna waxaan idiin hubaa, walaalahayow, inuu wanaag idinka buuxo, oo laydinka buuxiyey aqoon oo dhan, oo aad kartaan inaad iswaanisaan.
Впевнив ся ж і я сам про вас, браттє моє, що й самі ви повні добрости, повні, всякого знання, і зможете один одного навчати.
15 Laakiinse siyaalaha qaarkood dhiirranaan badan baan idiinku soo qoray inaan idin xusuusiyo, nimcadii xagga Ilaah layga siiyey aawadeed,
Сьмілїще ж написав я вам, браттє моє, трохи, яко нагадуючи вам по благодаті, даній менї від Бога,
16 inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u noqdo midiidinkii Ciise Masiix, anigoo shuqulka wadaadnimada u qabanaya injiilka Ilaah, in sadaqada dadka aan Yuhuudda ahayn la aqbalo, iyadoo quduus lagaga dhigay Ruuxa Quduuskaa.
щоб бути менї служителем Ісус-Христовим між поганами, сьвято проповідуючи благовісте Боже, щоб приношеннє від поган було приятне і осьвящене Духом сьвятим.
17 Haddaba xagga Ciise Masiix waxaan leeyahay wax aan ku faano, waana wax ku saabsan Ilaah.
Маю оце похвалу через Христа Ісуса в Божих речах.
18 Waayo, kuma dhici doono inaan waxba ka hadlo wixii Masiixii iga dhex shaqeeyey mooyaane, dadka aan Yuhuudda ahayn addeeciddooda aawadeed, oo uu igaga dhex shaqeeyey hadal iyo camal,
Не сьмію бо глаголати про таке, чого не вдіяв Христос через мене на послух поган, словом і дїлом,
19 oo uu ku sameeyey xoogga calaamooyinka iyo yaababka, iyo xoogga Ruuxa Quduuskaa, oo sidaasaan injiilka Masiixa ugu wada wacdiyey Yeruusaalem iyo hareeraheeda iyo ilaa Illurikon.
силою ознак і чудес, силою Духа Божого; так що я від Єрусалиму і кругом аж до Ілирика сповнив благовісте Христове.
20 Sidaasaan u hawaystay inaan injiilka ku wacdiyo meel aan Masiixa awil lagu magacaabin, si aanan ugu dul dhisin aasaaska nin kale dhigay.
Так силкувавсь я благовістити, не де іменував ся Христос, щоб на чужій основинї не будувати,
21 Laakiinse, sida qoran, Waxaa arki doona kuwo aan warkiisu u iman, Kuwii aan maqlinuna waa garan doonaan.
а яко ж писано: Кому не звіщено про Него, побачать, і котрі не чули, зрозуміють.
22 Sidaas daraaddeed marar badan baa layga hor joogsaday imaatinkii aan idiin iman lahaa;
Тим же й був я з'упинений не раз, прийти до вас.
23 laakiinse haatan anigoo aan meelahakan meel dambe ku lahayn, oo idin boholyoobayay sannado badan inaan idiin imaado,
Тепер же, більш не маючи місця в сих країнах, бажаннє ж маючи прийти до вас од многих лїт,
24 markaan Isbaanya tago waxaan rajaynayaa inaan sodcaalkayga idinku arko oo idinna aad halkaas iga ambabbixisaan, markaan cabbaar idinku raaxaysto dabadeed,
як пійду в Іспанию, прийду до вас; сподіваюсь бо, проходючи, бачити вас, і що ви мене проведете туди, як перш вами трохи навтішаюсь
25 laakiinse haatan waxaan aadayaa Yeruusaalem inaan u adeego quduusiinta.
Тепер же йду в Єрусалим, служити сьвятим.
26 Waayo, dadka Makedoniya iyo Akhaya waxay aad u jeclaysteen inay wax u ururiyaan masaakiinta ka midka ah quduusiinta Yeruusaalem joogta.
Зводили бо Македонці та Ахайцї удїлити дещо вбогим сьвятим, що в Єрусалимі.
27 Way jeclaysteen, waana ku waajib inay sameeyaan. Waayo, dadka aan Yuhuudda ahayn hadday noqdeen kuwo ka qayb galay waxyaalahooda ruuxa, de markaas waxaa ku waajib ah iyaga inay ugu adeegaan waxyaalaha jidhka.
Зволили, та й винні їм. Коли бо в духовному їх спільниками стали погане, то повинні в тїлесному послужити й їм.
28 Sidaas daraaddeed markaan tan dhammeeyo oo aan iyaga midhahan ku hubsado, idinkaan idin soo mari doonaa, anoo Isbaanya u socda.
Се ж скінчивши й запечатавши (оддавши) їм овощ сей, пійду через вас в Іспанию.
29 Oo waxaan ogahay markaan idiin imaado inaan ku iman doono buuxnaanta barakada Masiixa.
Знаю ж, що прийшовши до вас, в повнї благословення благовістя Христового прийду.
30 Walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Rabbigeenna Ciise Masiix iyo jacaylka Ruuxa, inaad igula dadaashaan tukashooyinkiinna markaad Ilaah ii baridaan,
Благаю ж вас, браттє, Господом нашим Ісусом Христом і любовю Духа, помагайте менї молитвами за мене до Бога,
31 in layga samatabbixiyo kuwa caasiyiinta ah oo Yahuudiya jooga, iyo in hawshayda aan Yeruusaalem u qabanayo ay noqoto mid ay quduusiintu aqbalaan;
щоб збавитись менї від непокірних в Юдеї, і щоб служба моя в Єрусалимі приятна була сьвятим,
32 inaan farxad idiinku imaado haddii Ilaah doonayo, oo aan idinla nasto.
щоб з радістю прийшов до вас волею Божою, та й покрепив ся з вами.
33 Ilaaha nabaddu ha idinla jiro kulligiin. Aamiin.
Бог же впокою з усіма вами. Амінь.

< Rooma 15 >