< Muujintii 9 >
1 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii shanaad, markaasaan arkay xiddig samada ka timid oo dhulka ku soo dhacday; oo waxaa iyadii la siiyey furihii ceelka yamayska. (Abyssos )
Kisha malaika wa tano alipiga tarumbeta yake. Niliona nyota kutoka mbinguni iliyokuwa imeanguka kwenye dunia. Nyota ilipewa ufunguo wa shimo linaloelekea kwenye shimo lisilo na mwisho. (Abyssos )
2 Markaasay waxay furtay ceelkii yamayska, oo ceelkii waxaa kor uga soo baxay qiiq u eg qiiq foorno weyn; oo qiiqii ceelka aawadiis ayaa qorraxdii iyo hawadiiba gudcur la noqdeen. (Abyssos )
Alifungua shimo lisilo na kikomo, na moshi ukapanda juu kwa safu kutoka ndani ya shimo kama moshi kutoka katika tanuru kubwa. Jua na anga vilibadilika vikawa giza kwa sababu ya moshi uliotoka shimoni. (Abyssos )
3 Markaasaa qiiqii waxaa ka soo baxay oo dhulka ku soo degay ayax; oo waxaa iyagii la siiyey xoog sida hangarallayaasha dhulku ay xoog u leeyihiin.
Ndani ya moshi nzige walitoka kuja juu ya dunia, nao walipewa nguvu kama ile ya nge juu ya dunia.
4 Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane.
Waliambiwa kutokudhuru majani katika nchi au mmea wowote wa kijani au mti, isipokuwa tu watu ambao hawakuwa na muhuri wa Mungu katika paji za nyuso zao.
5 Oo haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino.
Hawakupewa ruhusa ya kuwaua hao watu, bali kuwatesa tu kwa miezi mitano. Uchungu wao ulikuwa kama ule wa kuumwa na nge amwumapo mtu.
6 Oo ayaamahaasna dadku waxay doondooni doonaan dhimasho, oo sinaba uma ay heli doonaan, oo waxay jeclaan doonaan inay dhintaan, laakiinse dhimashadu way ka carari doontaa iyaga.
Katika siku hizo watu watatafuta kifo, lakini hawatakipata. Watatamani kufa, lakini kifo kitawakimbia.
7 Oo ayaxa qaabkiisuna wuxuu u ekaa fardo dagaal loo diyaariyey; oo madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab u eg, oo wejiyadooduna waxay u ekaayeen wejiyo dad.
Nzige walifanana na farasi walioandaliwa kwa vita. Kwenye vichwa vyao kulikuwa na kitu kama taji ya dhahabu na nyuso zao zilikuwa kama za binadamu.
8 Oo waxay lahaayeen timo u eg timo dumar; ilkahooduna waxay u ekaayeen ilko libaax.
Walikuwa na nywele kama za wanawake na meno yao yalikuwa kama ya simba.
9 Oo waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood.
Walikuwa na vifua kama vifua vya chuma na sauti ya mabawa yao ilikuwa kama sauti ya magari mengi ya vita na farasi wakimbiao kwenda vitani.
10 Oo waxay lahaayeen dabo u eg hangarallayaasha dabadooda iyo miciyo; oo dabadoodana waxay ku lahaayeen xoog ay dadka wax ku yeelaan intii shan bilood ah.
Walikuwa na mikia inayouma kama nge; katika mikia yao walikuwa na nguvu ya kudhuru watu kwa miezi mitano.
11 Oo waxaa iyaga boqor u ah malagga yamayska; oo magiciisana afka Cibraaniga waxaa lagu yidhaahdaa Abaddoon; afka Gariiggana magiciisa waxaa lagu yidhaahdaa Abolyoon. (Abyssos )
Walikuwa naye kama mfalme juu yao malaika wa shimo lisilokuwa na mwisho. Jina lake katika Kiebrania ni Abadoni, na katika Kiyunani ana jina Apolioni. (Abyssos )
12 Hooggii kowaad wuu dhammaaday; oo bal eeg, weli waxaa dhiman oo hadda ka dib imanaya laba hoog oo kale.
Ole ya kwanza imepita. Angalia! Baada ya hili kuna maafa mawili yaja.
13 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal,
Malaika wa sita alipiga tarumbeta yake, na nikasikia sauti ikitoka katika pembe ya madhabahu ya dhahabu ambayo iko mbele za Mungu.
14 oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad.
Sauti ilimwambia malaika wa sita aliyekuwa na tarumbeta, “Waachie malaika wanne ambao wamefungwa katika mto mkubwa Efrata.”
15 Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel.
Malaika wale wanne waliokuwa wameandaliwa kwa saa hiyo maalumu, siku hiyo, mwezi huo, na mwaka huo, waliachiwa wawaue theluthi ya wanadamu.
16 Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii.
Idadi ya maaskari waliokuwa juu ya farasi ilikuwa 200, 000, 000. Nilisikia idadi yao.
17 Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.
Hivi ndivyo nilivyoona farasi katika maono yangu na wale waliopanda juu yao: Vifua vyao vilikuwa vyekundu kama moto, bluu iliyoiva na njano isiyoiva. Vichwa vya farasi vilifanana na vichwa vya simba, na midomoni mwao ulitoka moto, moshi na salfa.
18 Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay.
Theluthi ya wanadamu waliuawa na haya mapigo matatu: moto, moshi, na salfa iliyotoka katika midomo yao.
19 Waayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.
Kwa kuwa nguvu ya farasi ilikuwa katika midomo yao na katika mikia yao—kwa kuwa mikia yao ilikuwa kama nyoka, na walikuwa na vichwa ambavyo walitumia kuwatia majeraha wanadamu.
20 Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin;
Watu waliobaki, wale ambao walikuwa hawajauawa na mapigo haya, hawakutubia matendo yao waliyokuwa wamefanya, wala hawakuacha kuabudu mapepo na miungu ya dhahabu, fedha, shaba, mawe na miti—vitu ambavyo haviwezi kuona, kusikia au kutembea.
21 kamana ay toobadkeenin diliddoodii iyo saaxirnimadoodii iyo sinadoodii iyo tuugnimadoodii.
Wala hawakutubia uuaji wao, uchawi wao, uasherati wao au njia zao za wizi.