< Muujintii 9 >
1 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii shanaad, markaasaan arkay xiddig samada ka timid oo dhulka ku soo dhacday; oo waxaa iyadii la siiyey furihii ceelka yamayska. (Abyssos )
第五の天使喇叭を吹きしに、我一の星の天より地に落ちたるを見たり。然て彼は底なき淵の穴の鍵を授けられ、 (Abyssos )
2 Markaasay waxay furtay ceelkii yamayska, oo ceelkii waxaa kor uga soo baxay qiiq u eg qiiq foorno weyn; oo qiiqii ceelka aawadiis ayaa qorraxdii iyo hawadiiba gudcur la noqdeen. (Abyssos )
淵の穴を開きしかば、大いなる炉の烟の如き烟穴より立昇りて、日も空も穴の烟の為に暗まされたり。 (Abyssos )
3 Markaasaa qiiqii waxaa ka soo baxay oo dhulka ku soo degay ayax; oo waxaa iyagii la siiyey xoog sida hangarallayaasha dhulku ay xoog u leeyihiin.
又穴の烟より蝗地上に出でて、地の蠍の如き力を授けられ、
4 Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane.
地の草、凡ての青物、及び如何なる樹木をも害する事なく、唯己が額に神の印を有せざる人々をのみ害すべき事を命ぜられたり。
5 Oo haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino.
但之を殺す事なく、五箇月の間苦しむる力を授けられ、其苦は蠍の人を刺したる時の苦に等し。
6 Oo ayaamahaasna dadku waxay doondooni doonaan dhimasho, oo sinaba uma ay heli doonaan, oo waxay jeclaan doonaan inay dhintaan, laakiinse dhimashadu way ka carari doontaa iyaga.
此時人々死を求めて而も之に遇はず死を望みて而も死は彼等を遠ざかるべし。
7 Oo ayaxa qaabkiisuna wuxuu u ekaa fardo dagaal loo diyaariyey; oo madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab u eg, oo wejiyadooduna waxay u ekaayeen wejiyo dad.
彼蝗の状は戰に備へたる馬に似て、頭には金に似たる冠の如きものあり、顔は人の顔の如く、
8 Oo waxay lahaayeen timo u eg timo dumar; ilkahooduna waxay u ekaayeen ilko libaax.
女の髪毛の如き毛ありて、歯は獅子の歯に等しく、
9 Oo waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood.
鉄の鎧の如き鎧ありて、翼の音は多くの馬に曳かれて戰場に走る車の音の如く、
10 Oo waxay lahaayeen dabo u eg hangarallayaasha dabadooda iyo miciyo; oo dabadoodana waxay ku lahaayeen xoog ay dadka wax ku yeelaan intii shan bilood ah.
尚蠍の如き尾ありて、其尾に刺あり、其力は五箇月の間人を害すべし。
11 Oo waxaa iyaga boqor u ah malagga yamayska; oo magiciisana afka Cibraaniga waxaa lagu yidhaahdaa Abaddoon; afka Gariiggana magiciisa waxaa lagu yidhaahdaa Abolyoon. (Abyssos )
此蝗を司る王は底なき淵の使にして、名はヘブレオ語にてアバッドン、ギリシア語にてアポルリオンと云ひ、ラテン語[の意味]は破壊者なり。 (Abyssos )
12 Hooggii kowaad wuu dhammaaday; oo bal eeg, weli waxaa dhiman oo hadda ka dib imanaya laba hoog oo kale.
一の禍過ぎて尚二の禍來らんとす。
13 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal,
第六の天使喇叭を吹きしかば我聞きたるに、神の御目前なる金の香台の四隅より一の聲出で、
14 oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad.
喇叭を持てる第六の天使に謂ひけるは、ユウフラテの大河の辺に繋がれたる四の天使を免せ、と、
15 Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel.
斯て年月日時を期して人間の三分の一を殺さんと構へたる、四の天使免されたり。
16 Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii.
騎兵の數は二億にして我其數を聞けり。
17 Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.
然て我幻影に其馬を見しが、之に乗れる者は緋色、紫色、硫黄色の鎧を着け、馬の頭は獅子の頭の如くにして、其口より火と烟と硫黄と出で、
18 Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay.
此三の禍、即ち其口より出づる火と烟と硫黄との為に人間の三分の一殺されたり。
19 Waayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.
其馬の力は口と尾とに在り、其尾は蛇の如くにして頭を備へ、之を以て害を加ふるなり。
20 Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin;
是等の禍によりて殺されざりし人々は、尚其手の業より改心せずして惡鬼等を拝し、見聞き歩む事を得ざる金、銀、銅、木、石の偶像を拝する事を歇めず、
21 kamana ay toobadkeenin diliddoodii iyo saaxirnimadoodii iyo sinadoodii iyo tuugnimadoodii.
其殺人、其害毒、其私通、其窃取の罪よりも改心せざりき。