< Muujintii 8 >

1 Oo haddana markuu furay shaabaddii toddobaad, intii nus saac ah waxaa samada ka dhacday aamusnaan.
Lorsqu'il ouvrit le septième sceau, il y eut un silence dans le ciel pendant environ une demi-heure.
2 Markaasaan waxaan arkay toddobadii malaa'igood oo Ilaah hortiisa taagan, oo waxaa la siiyey toddoba buun.
Je vis les sept anges qui se tiennent devant Dieu, et sept trompettes leur furent données.
3 Oo haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil.
Un autre ange vint et se tint au-dessus de l'autel, ayant un encensoir d'or. On lui donna beaucoup de parfums, afin qu'il les ajoute aux prières de tous les saints sur l'autel d'or qui était devant le trône.
4 Oo qiiqii fooxa oo ay baryadii quduusiintu la socoto ayaa wuxuu ka baxay gacantii malaa'igta oo wuxuu kor u aaday Ilaah hortiis.
La fumée des parfums, avec les prières des saints, montait devant Dieu de la main de l'ange.
5 Markaasaa malaa'igtii waxay qaadatay idankii, oo waxay ka buuxisay dabkii meesha allabariga, kolkaasay waxay ku tuurtay dhulka; markaasaa waxaa dhacay onkod, iyo codad, iyo hillaac, iyo dhulgariir.
L'ange prit l'encensoir, le remplit du feu de l'autel, puis le jeta sur la terre. Des tonnerres, des sons, des éclairs et un tremblement de terre suivirent.
6 Markaasaa toddobadii malaa'igood oo toddobada buun haystay waxay isu diyaariyeen inay ka dhawaajiyaan.
Les sept anges qui tenaient les sept trompettes se préparèrent à en sonner.
7 Malaa'igtii kowaad ayaa ka dhawaajisay, markaasaa waxaa soo dhacay roob dhagaxyaale iyo dab dhiig ku dhex qasan yahay, oo waxaa lagu tuuray dhulka; markaasaa dunida saddex meelood oo meeli gubatay, oo dhirtana saddex meelood oo meel baa gubatay, oo cawskii qoyanaa oo dhammuna waa gubtay.
Le premier coup sonna, et il s'ensuivit de la grêle et du feu, mêlés de sang, qui furent jetés sur la terre. Un tiers de la terre fut brûlé, un tiers des arbres fut brûlé, et toute herbe verte fut brûlée.
8 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii labaad, markaasaa waxaa badda lagu tuuray wax le'eg buur weyn oo dab ka ololayo; markaasaa baddii saddex meelood oo meel baa dhiig noqotay;
Le second ange sonna de la trompette, et quelque chose comme une grande montagne embrasée fut jeté dans la mer. Un tiers de la mer devint du sang,
9 oo waxaa halkaas ku dhintay uunkii badda ku jiray oo nafta lahaa saddex meelood oo meel, oo doonniyihiina saddex meelood oo meel baa la baabbi'iyey.
et un tiers des êtres vivants qui étaient dans la mer moururent. Le tiers des navires fut détruit.
10 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii saddexaad, markaasaa waxaa samada ka soo dhacday xiddig weyn oo sidii laambadeed u ololaysa, oo waxay ku dul dhacday webiyaasha saddex meelood oo meel, iyo ilihii biyaha ahaa;
Le troisième ange sonna de la trompette, et il tomba du ciel une grande étoile, ardente comme une torche, qui tomba sur le tiers des fleuves et sur les sources d'eau.
11 oo xiddigta magaceedana waxaa la yidhaahdaa Qadhaadh; oo biyihiina saddex meelood oo meel baa qadhaadh noqotay; dad badanuna wuxuu ku dhintay biyihii, maxaa yeelay, qadhaadh baa laga dhigay.
Le nom de l'étoile est « Absinthe ». Un tiers des eaux devint de l'absinthe. Beaucoup de gens moururent à cause de ces eaux, parce qu'elles étaient devenues amères.
12 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.
Le quatrième ange sonna de la trompette. Le tiers du soleil fut frappé, ainsi que le tiers de la lune et le tiers des étoiles, de sorte qu'un tiers d'entre eux fut obscurci; le jour ne brillerait pas pour un tiers, et la nuit de même.
13 Haddana waxaan arkay oon maqlay gorgor dhex duulaya samada isagoo cod weyn ku leh, Waxaa hoogay oo hoogay oo hoogay kuwa dhulka deggan, sababtuna waa buunanka dhawaaqooda hadhay oo saddexda malaa'igood ay dhowaan ka dhawaajin doonaan.
Je vis et j'entendis un aigle qui volait au milieu du ciel et qui disait d'une voix forte: « Malheur! Malheur! Malheur aux habitants de la terre, à cause des autres sonneries des trompettes des trois anges, qui doivent encore retentir! ».

< Muujintii 8 >