< Muujintii 5 >

1 Oo anna kii carshiga ku fadhiyey gacantiisa midigta waxaan ku arkay kitaab wax kaga qoran yihiin dul iyo hoosba, oo waxaa ku shaabadaysnaa toddoba shaabadood.
U mi toh niwo korli uwo a son ni ruron'a mito vuvu wa ahe mi ha numi ni konbra naye vuvu wa ba nha ni koshishi ma, ba lowu ni lo tangban.
2 Oo waxaan arkay malaa'ig xoog weyn oo ku naadinaysa cod weyn, oo leh, Bal yaa istaahila inuu kitaabka kala bixiyo oo uu furo shaabadihiisa?
Mi toh kiekle Madauka si d'bu ngblome, ahi nha mla wa ani tdi bwu nye nvunvu nda mre loo ma?
3 Oo samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa laguma arag mid awooda inuu kitaabka kala bixiyo ama eego.
Indji ri na he ni shulu ka ni meme ka ni mi meme a toh bwu nuunvu wa ba nyewu'a wa mba he nimi ma.
4 Oo markaasaan aad u ooyay, maxaa yeelay, lama helin mid istaahila inuu kitaabka kala bixiyo ama eego.
Mi yi wa kpukpo me wa bana fe ndji ri waani toh bwu ka kra nye nuunuu na.
5 Markaasaa odayaashii midkood wuxuu igu yidhi, Ha ooyin, bal eeg, Libaaxa qabiilka reer Yahuudah ka mid ah oo ah xididkii ka yimid Daa'uud ayaa wuxuu ku guulaystay inuu furo kitaabka iyo toddobadiisa shaabadoodba.
Iri nimi bi nikon ba ahla nimu rimu, nayi na ya ichen (zaki) u grji Yahuza ivren Doda akpa ka; amble wu vuvu ni lu tagban mba
6 Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan.
Mi to iver gru akri whie na kpachi nde bi re isie ni mi nikonmba, ahe na mbawu'a ahe ni iju tagban ni shishi tagban; Biyi mba ruhohi Rji tagban wa mba tun ye ni gbugblu.
7 Oo isna intuu yimid ayuu kitaabkii ka qaatay kii carshigii ku fadhiyey gacantiisii midigtaa.
Ahi nda kpa nuwo wa ason ni tun kpachi
8 Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta.
Ni tan wa iver inkrju amba vuvu, bi re isie mba ninde ise ha mba jokun ni memen ni shishi iver krju. nde mba, mba he ni ngungu mbakyi mba bra bi ti ndidi
9 Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,
Mba yo se semai, iwu mumle waw'u mban vuvu ndi bwu lu mba hau, ni iyin me mba le nde Rji ni gbugblu wawu ilemen, nde ni he luntre.
10 oo waxaad iyagii ka dhigtay inay Ilaaheenna u ahaadaan boqortooyo iyo wadaaddo; oo iyana dhulka ayay wax ku xukumi doonaan.
Wu me mba bi chu ni firistoci wa mba wu Rji mbu, mba gji gbugblu.
11 Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun;
Wa mi ya mi wo chrju malaiku bi bra wa mbahe ni kpachi ni bire bi nikon mba mba kyai dubbai goma sau dubbai goma da dubun dubbai.
12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.
Mba zu tre ndala wa atsra wer krju wa mba ha akpa gpegble (iko) ahewu itan, gpegble, nikon nigba inyeme.
13 Oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood. (aiōn g165)
Mi wo igpie wawu wa mba he shulu ni mema ni mi meme ni nei ni gpi tu kpachi ni wer krju gpiresan, ndidi akyara ni gpegble gji gbugblu, hi ni kikle. (aiōn g165)
14 Markaasaa afartii xayawaan waxay yidhaahdeen, Aamiin. Odayaashiina way dhaceen oo sujuudeen.
Bi re isie mba mba tre ahemen (Amin) Bi ni kon mba kwujokun ni shishi mba nda gri ni wu (sujada)

< Muujintii 5 >