< Muujintii 20 >
1 Oo markaasaan arkay malaa'ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yamayska iyo silsilad weyn. (Abyssos )
また私は、御使いが底知れぬ所のかぎと大きな鎖とを手に持って、天から下って来るのを見た。 (Abyssos )
2 Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay,
彼は、悪魔でありサタンである竜、あの古い蛇を捕え、これを千年の間縛って、
3 oo waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar. (Abyssos )
底知れぬ所に投げ込んで、そこを閉じ、その上に封印して、千年の終わるまでは、それが諸国の民を惑わすことのないようにした。サタンは、そのあとでしばらくの間、解き放されなければならない。 (Abyssos )
4 Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.
また私は、多くの座を見た。彼らはその上にすわった。そしてさばきを行なう権威が彼らに与えられた。また私は、イエスのあかしと神のことばとのゆえに首をはねられた人たちのたましいと、獣やその像を拝まず、その額や手に獣の刻印を押されなかった人たちを見た。彼らは生き返って、キリストとともに、千年の間王となった。
5 Oo dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad.
そのほかの死者は、千年の終わるまでは、生き返らなかった。これが第一の復活である。
6 Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.
この第一の復活にあずかる者は幸いな者、聖なる者である。この人々に対しては、第二の死は、なんの力も持っていない。彼らは神とキリストとの祭司となり、キリストとともに、千年の間王となる。
7 Oo markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay,
しかし千年の終わりに、サタンはその牢から解き放され、
8 oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda.
地の四方にある諸国の民、すなわち、ゴグとマゴグを惑わすために出て行き、戦いのために彼らを召集する。彼らの数は海べの砂のようである。
9 Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.
彼らは、地上の広い平地に上って来て、聖徒たちの陣営と愛された都とを取り囲んだ。すると、天から火が降って来て、彼らを焼き尽くした。
10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba. (aiōn , Limnē Pyr )
そして、彼らを惑わした悪魔は火と硫黄との池に投げ込まれた。そこは獣も、にせ預言者もいる所で、彼らは永遠に昼も夜も苦しみを受ける。 (aiōn , Limnē Pyr )
11 Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.
また私は、大きな白い御座と、そこに着座しておられる方を見た。地も天もその御前から逃げ去って、あとかたもなくなった。
12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen.
また私は、死んだ人々が、大きい者も、小さい者も御座の前に立っているのを見た。そして、数々の書物が開かれた。また、別の一つの書物も開かれたが、それは、いのちの書であった。死んだ人々は、これらの書物に書きしるされているところに従って、自分の行ないに応じてさばかれた。
13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen. (Hadēs )
海はその中にいる死者を出し、死もハデスも、その中にいる死者を出した。そして人々はおのおの自分の行ないに応じてさばかれた。 (Hadēs )
14 Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah. (Hadēs , Limnē Pyr )
それから、死とハデスとは、火の池に投げ込まれた。これが第二の死である。 (Hadēs , Limnē Pyr )
15 Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. (Limnē Pyr )
いのちの書に名のしるされていない者はみな、この火の池に投げ込まれた。 (Limnē Pyr )