< Muujintii 2 >

1 Kiniisadda Efesos ku taal malaa'igteeda waxaad u qortaa: Kan toddobada xiddigood gacantiisa midigtaa ku haystaa oo toddobada laambadood oo dahabka badhtankooda ku socdaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,
ܘܠܡܠܐܟܐ ܕܒܥܕܬܐ ܕܐܦܤܘܤ ܟܬܘܒ ܗܟܢܐ ܐܡܪ ܗܘ ܕܐܚܝܕ ܫܒܥܐ ܟܘܟܒܝܢ ܒܐܝܕܗ ܗܘ ܕܡܗܠܟ ܒܝܢܬ ܡܢܪܬܐ ܕܕܗܒܐ
2 Waan ogahay shuqulladaada, iyo hawshaada, iyo dulqaadashadaada, iyo inaadan u adkaysan karin kuwa sharka ah, iyo inaad tijaabisay kuwa rasuullada isku sheega iyagoo aan ahayn, oo waxaad ogaatay inay been yihiin.
ܝܕܥ ܐܢܐ ܥܒܕܝܟ ܘܥܡܠܟ ܘܡܤܝܒܪܢܘܬܟ ܘܕܠܐ ܡܨܝܬ ܠܡܛܥܢ ܠܒܝܫܐ ܘܢܤܝܬ ܠܐܝܠܝܢ ܕܐܡܪܝܢ ܢܦܫܗܘܢ ܕܫܠܝܚܐ ܐܝܬܝܗܘܢ ܘܠܝܬܝܗܘܢ ܘܐܫܟܚܬ ܐܢܘܢ ܕܓܠܐ
3 Waad dulqaadataa, oo dhib baad ugu adkaysatay magacayga aawadiis, kamana aad daalin.
ܘܡܤܝܒܪܢܘܬܐ ܐܝܬ ܠܟ ܘܛܥܢܬ ܡܛܠ ܫܡܝ ܘܠܐ ܠܐܝܬ
4 Laakiin wax baan kuu haystaa, waayo, jacaylkaagii hore waad ka tagtay.
ܐܠܐ ܐܝܬ ܠܝ ܥܠܝܟ ܕܚܘܒܟ ܩܕܡܝܐ ܫܒܩܬ
5 Haddaba xusuuso meeshii aad ka dhacday, oo toobadkeen, oo shuqulladaadii hore samee; haddii kalese anigu waan kuu iman doonaa oo laambaddaada waan ka qaadi doonaa meesheeda haddii aadan toobadkeenin.
ܐܬܕܟܪ ܡܢ ܐܝܟܐ ܢܦܩܬ ܘܥܒܕ ܥܒܕܐ ܩܕܡܝܐ ܘܐܢܕܝܢ ܠܐ ܐܬܐ ܐܢܐ ܥܠܝܟ ܘܡܙܝܥ ܐܢܐ ܡܢܪܬܟ ܐܠܐ ܬܬܘܒ
6 Laakiinse tan aad leedahay, waxaad neceb tahay dadka Nikolas raaca shuqulladooda oo aan aniguna necbahay.
ܐܠܐ ܗܕܐ ܐܝܬ ܠܟ ܕܤܢܝܬ ܥܒܕܐ ܕܢܐܩܘܠܝܛܐ ܐܝܠܝܢ ܕܐܢܐ ܤܢܐ ܐܢܐ
7 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta ayaa waxaan siin doonaa amar uu wax kaga cuno geedka nolosha oo ku dhex yaal Firdooska Ilaah.
ܗܘ ܕܐܝܬ ܠܗ ܐܕܢܐ ܢܫܡܥ ܡܢܐ ܪܘܚܐ ܡܡܠܠ ܠܥܕܬܐ ܘܠܕܙܟܐ ܐܬܠ ܡܢ ܩܝܤܐ ܕܚܝܐ ܠܡܐܟܠ ܗܘ ܕܐܝܬܘܗܝ ܒܦܪܕܝܤܐ ܕܐܠܗܐ
8 Kiniisadda Simurna ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan ugu horreeyey oo ugu dambeeya, oo dhintay, oo soo noolaaday, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,
ܘܠܡܠܐܟܐ ܕܥܕܬܐ ܕܙܡܘܪܢܐ ܟܬܘܒ ܗܟܢܐ ܐܡܪ ܩܕܡܝܐ ܘܐܚܪܝܐ ܗܘ ܕܗܘܐ ܡܝܬܐ ܘܚܝܐ
9 Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka.
ܝܕܥ ܐܢܐ ܐܘܠܨܢܟ ܘܡܤܟܢܘܬܟ ܐܠܐ ܥܬܝܪܐ ܐܢܬ ܘܠܓܘܕܦܐ ܕܡܢ ܐܝܠܝܢ ܕܐܡܪܝܢ ܢܦܫܗܘܢ ܝܗܘܕܝܐ ܝܗܘܕܝܐ ܟܕ ܠܐ ܐܝܬܝܗܘܢ ܐܠܐ ܟܢܘܫܬܐ ܕܤܛܢܐ
10 Ha ka cabsan waxyaalaha aad dhowaan ku xanuunsan doontid. Bal eega, in laydin tijaabiyo aawadeed, Ibliisku qaarkiin buu dhowaan xabsi ku ridi doonaa, oo idinku intii toban maalmood ah waxaad heli doontaan dhibaato. Ilaa dhimashada aamin ahow, anna waxaan ku siin doonaa taajka nolosha.
ܒܡܕܡ ܠܐ ܬܕܚܠ ܡܢ ܐܝܠܝܢ ܕܥܬܝܕ ܐܢܬ ܠܡܚܫ ܗܐ ܥܬܝܕ ܐܟܠܩܪܨܐ ܕܢܪܡܐ ܡܢܟܘܢ ܒܒܝܬ ܚܒܘܫܝܐ ܕܬܬܢܤܘܢ ܘܢܗܘܐ ܠܟܘܢ ܐܘܠܨܢܐ ܝܘܡܝܢ ܥܤܪܐ ܗܘܘ ܡܗܝܡܢܐ ܥܕܡܐ ܠܡܘܬܐ ܘܐܬܠ ܠܟܘܢ ܟܠܝܠܐ ܕܚܝܐ
11 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta dhimashada labaad waxba yeeli mayso.
ܕܐܝܬ ܠܗ ܐܕܢܐ ܢܫܡܥ ܡܢܐ ܪܘܚܐ ܡܡܠܠ ܠܥܕܬܐ ܕܐܝܢܐ ܕܙܟܐ ܠܐ ܢܗܪ ܡܢ ܡܘܬܐ ܬܢܝܢܐ
12 Kiniisadda Bergamos ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta seefta soofaysan oo labada af leh wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,
ܘܠܡܠܐܟܐ ܕܒܥܕܬܐ ܕܦܪܓܡܐ ܟܬܘܒ ܗܟܢܐ ܐܡܪ ܗܘ ܕܐܝܬ ܠܗ ܚܪܒܐ ܚܪܝܦܬܐ ܕܬܪܝܢ ܦܘܡܝܗ
13 Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay.
ܝܕܥ ܐܢܐ ܐܝܟܐ ܥܡܪܬ ܐܬܪ ܕܟܘܪܤܝܗ ܕܤܛܢܐ ܘܐܚܝܕ ܐܢܬ ܒܫܡܝ ܘܒܗܝܡܢܘܬܝ ܠܐ ܟܦܪܬ ܘܒܝܘܡܬܐ ܐܬܚܪܝܬ ܘܤܗܕܐ ܕܝܠܝ ܡܗܝܡܢܐ ܡܛܠ ܕܟܠ ܤܗܕܐ ܕܝܠܝ ܡܗܝܡܢܐ ܐܝܢܐ ܕܡܢܟܘܢ ܐܬܩܛܠ
14 Laakiinse dhawr waxyaalood baan kuu haystaa, maxaa yeelay, halkaas waxaad ku haysataa kuwo xajiya waxbariddii Balcaam, kaas oo baray Baalaaq inuu reer binu Israa'iil hortooda ku tuuro dhagax lagu turunturoodo, inay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey iyo inay sinaystaan.
ܐܠܐ ܐܝܬ ܠܝ ܥܠܝܟ ܙܥܘܪܝܬܐ ܕܐܝܬ ܠܟ ܬܡܢ ܕܐܚܝܕܝܢ ܡܠܦܢܘܬܐ ܕܒܠܥܡ ܗܘ ܕܐܠܦ ܠܒܠܩ ܕܢܪܡܐ ܟܫܠܐ ܩܕܡ ܒܢܝ ܐܝܤܪܝܠ ܠܡܐܟܠ ܕܒܚܝ ܦܬܟܪܐ ܘܠܡܙܢܝܘ
15 Weliba waxaad kaloo haysataa kuwo sidaas oo kale u xajiya waxbariddii dadka Nikolas raaca.
ܗܟܢܐ ܐܝܬ ܐܦ ܠܟ ܕܐܚܝܕܝܢ ܝܘܠܦܢܐ ܕܢܐܩܘܠܝܛܐ ܗܟܘܬ
16 Haddaba sidaas daraaddeed toobadkeena, haddii kalese dhaqsaan idiinku iman, oo waxaan iyaga kula diriri doonaa seefta afkayga.
ܬܘܒ ܗܟܝܠ ܘܐܢܕܝܢ ܠܐ ܐܬܐ ܐܢܐ ܥܠܝܟ ܡܚܕܐ ܘܐܩܪܒ ܥܡܗܘܢ ܒܚܪܒܐ ܕܦܘܡܝ
17 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta waxaan wax ka siin doonaa maannada qarsoon, oo waxaan siin doonaa dhagax cad, dhagaxa dushiisana waxaa ku qoran magac cusub oo aan ninna aqoon, kan hela mooyaane.
ܘܕܐܝܬ ܠܗ ܐܕܢܐ ܢܫܡܥ ܡܢܐ ܪܘܚܐ ܡܡܠܠ ܠܥܕܬܐ ܕܠܕܙܟܐ ܐܬܠ ܡܢ ܡܢܢܐ ܗܘ ܕܡܛܫܝ ܘܐܬܠ ܠܗ ܚܘܫܒܢܐ ܚܘܪܐ ܘܥܠ ܚܘܫܒܢܐ ܫܡܐ ܚܕܬܐ ܕܟܬܒܐ ܕܠܐ ܐܢܫ ܝܕܥ ܐܠܐ ܗܘ ܕܢܤܒ
18 Kiniisadda Tu'ateyra ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Wiilka Ilaah oo indhihiisu u eg yihiin dab ololkiis, cagihiisuna u eg yihiin naxaas dhalaalaysaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;
ܘܠܡܠܐܟܐ ܕܒܥܕܬܐ ܕܒܬܐܘܛܝܪܐ ܟܬܘܒ ܗܟܢܐ ܐܡܪ ܒܪܗ ܕܐܠܗܐ ܗܘ ܕܐܝܬ ܠܗ ܥܝܢܐ ܐܝܟ ܫܠܗܒܝܬܐ ܕܢܘܪܐ ܘܪܓܠܘܗܝ ܐܝܟ ܢܚܫܐ ܠܒܢܝܐ
19 Waan ogahay shuqulladaada, iyo jacaylkaaga, iyo rumaysadkaaga, iyo adeegiddaada, iyo samirkaaga, iyo inay shuqulladaadii dambe ka sii badan yihiin kuwaagii hore.
ܝܕܥ ܐܢܐ ܥܒܕܝܟ ܘܚܘܒܟ ܘܗܝܡܢܘܬܟ ܘܬܫܡܫܬܟ ܘܡܤܝܒܪܢܘܬܟ ܘܥܒܕܝܟ ܐܚܪܝܐ ܤܓܝܐܐ ܐܢܘܢ ܡܢ ܩܕܡܝܐ
20 Laakiinse wax baan kuu haystaa, waayo, waxaad oggoshahay naagta Yesebeel la yidhaahdo oo nebiyad isku sheegta; oo waxay addoommadayda bartaa oo ku sasabtaa inay sinaystaan oo ay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey.
ܐܠܐ ܐܝܬ ܠܝ ܥܠܝܟ ܤܓܝ ܕܫܒܩܬ ܠܐܢܬܬܟ ܐܝܙܒܠ ܗܝ ܕܐܡܪܐ ܥܠ ܢܦܫܗ ܕܢܒܝܬܐ ܗܝ ܘܡܠܦܐ ܘܡܛܥܝܐ ܠܥܒܕܝ ܠܡܙܢܝܘ ܘܡܐܟܠ ܕܒܚܝ ܦܬܟܪܐ
21 Oo waxaan iyada siiyey wakhti ay ku toobadkeento, iyaduse dooni mayso inay ka toobadkeento sinadeeda.
ܘܝܗܒܬ ܠܗ ܙܒܢܐ ܠܬܝܒܘܬܐ ܘܠܐ ܨܒܝܐ ܠܡܬܒ ܡܢ ܙܢܝܘܬܗ
22 Bal eeg, haddaba iyada sariir baan ku dul tuurayaa, oo kuwii iyada la sinaystana waxaan ku dhex tuurayaa dhibaato weyn, haddii ayan ka toobadkeenin shuqulladeeda.
ܗܐ ܪܡܐ ܐܢܐ ܠܗ ܒܥܪܤܐ ܘܠܐܝܠܝܢ ܕܓܝܪܝܢ ܥܡܗ ܒܐܘܠܨܢܐ ܪܒܐ ܐܠܐ ܢܬܬܘܘܢ ܡܢ ܥܒܕܝܗܘܢ
23 Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin.
ܘܠܒܢܝܗ ܐܩܛܘܠ ܒܡܘܬܐ ܘܝܕܥܢ ܟܠܗܝܢ ܥܕܬܐ ܕܐܢܐ ܐܢܐ ܒܨܐ ܟܘܠܝܬܐ ܘܠܒܐ ܘܐܬܠ ܠܟܘܢ ܠܟܠܢܫ ܐܝܟ ܥܒܕܝܟܘܢ
24 Laakiinse intiinna kale oo Tu'ateyra joogta, in alla intiinna aan waxbariddan haysan, oo sida ay iyagu yidhaahdaan, aan aqoon waxyaalaha moolka dheer oo Shayddaanka, idinka waxaan idinku leeyahay, Dushiinna culaab kale saari maayo.
ܠܟܘܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܫܪܟܐ ܕܒܬܐܘܛܝܪܐ ܟܠܗܘܢ ܐܝܠܝܢ ܕܠܝܬ ܠܗܘܢ ܝܘܠܦܢܐ ܗܢܐ ܐܝܠܝܢ ܕܠܐ ܝܕܥܘ ܥܡܝܩܬܗ ܕܤܛܢܐ ܐܝܟ ܕܐܡܪܝܢ ܠܐ ܐܪܡܐ ܥܠܝܟܘܢ ܝܘܩܪܐ ܐܚܪܢܐ
25 Habase yeeshee waxa aad haysataan xajiya ilaa aan imaado.
ܗܘ ܗܟܝܠ ܕܐܝܬ ܠܟܘܢ ܐܚܘܕܘ ܥܕܡܐ ܕܐܬܐ ܐܢܐ
26 Kii guulaysta oo shuqulladayda sii xajiya tan iyo ugu dambaysta, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo quruumaha.
ܘܕܙܟܐ ܘܢܛܪ ܥܒܕܝ ܐܬܠ ܠܗ ܫܘܠܛܢܐ ܥܠ ܥܡܡܐ
27 Oo wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah, sida weelasha dheriyasameeyuhu ay u burburaan; sida aan aniguba Aabbahay uga helay:
ܠܡܪܥܐ ܐܢܘܢ ܒܫܒܛܐ ܕܦܪܙܠܐ ܘܐܝܟ ܡܐܢܝ ܦܚܪܐ ܬܫܚܩܘܢ ܗܟܢܐ ܓܝܪ ܘܐܢܐ ܢܤܒܬ ܡܢ ܐܒܝ
28 oo weliba waxaan siin doonaa xiddigta waaberi.
ܘܐܬܠ ܠܗ ܠܟܘܟܒ ܨܦܪܐ
29 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.
ܕܐܝܬ ܠܗ ܐܕܢܐ ܢܫܡܥ ܡܢܐ ܪܘܚܐ ܡܡܠܠ ܠܥܕܬܐ

< Muujintii 2 >