< Muujintii 19 >
1 Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga;
Baada ya haya nikasikia sauti kama ya umati mkubwa mbinguni wakipiga kelele wakisema: “Haleluya! Wokovu na utukufu na uweza ni vya Mungu wetu,
2 waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray.
kwa maana hukumu zake ni za kweli na za haki. Amemhukumu yule kahaba mkuu aliyeuharibu ulimwengu kwa uzinzi wake. Mungu amemlipiza kisasi kwa ajili ya damu ya watumishi wake.”
3 Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis. (aiōn )
Wakasema tena kwa nguvu: “Haleluya! Moshi wake huyo kahaba unapanda juu milele na milele.” (aiōn )
4 Markaasaa afar iyo labaatankii oday iyo afartii xayawaan ayaa sujuuday, oo waxay caabudeen Ilaaha carshiga ku fadhiya iyagoo leh, Aamiin, Halleeluuya.
Wale wazee ishirini na wanne pamoja na wale viumbe wanne wenye uhai wakaanguka kifudifudi, wakamwabudu Mungu, aliyekuwa ameketi kwenye kile kiti cha enzi. Wakasema kwa sauti kuu: “Amen, Haleluya!”
5 Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba.
Kisha sauti ikatoka katika kile kiti cha enzi, ikisema: “Msifuni Mungu wetu, ninyi watumishi wake wote, ninyi nyote mnaomcha, wadogo kwa wakubwa!”
6 Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah.
Kisha nikasikia sauti kama ya umati mkubwa, kama sauti ya maji mengi yaendayo kasi na kama ngurumo kubwa ya radi wakipiga kelele wakisema: “Haleluya! Kwa maana Bwana Mungu wetu Mwenyezi anatawala.
7 Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.
Tufurahi, tushangilie na kumpa utukufu! Kwa maana arusi ya Mwana-Kondoo imewadia na bibi arusi wake amejiweka tayari.
8 Oo waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.
Akapewa kitani safi, nyeupe inayongʼaa, ili avae.” (Hiyo kitani safi inawakilisha matendo ya haki ya watakatifu.)
9 Oo wuxuu igu yidhi, Waxaad qortaa, Waxaa barakaysan kuwa loogu yeedhay arooska Wanka cashadiisa. Oo wuxuu kaloo igu yidhi, Kuwanu waa erayadii Ilaah oo run ah.
Ndipo malaika akaniambia, “Andika: ‘Wamebarikiwa wale walioalikwa kwenye karamu ya arusi ya Mwana-Kondoo!’” Naye akaongeza kusema, “Haya ndiyo maneno ya kweli ya Mungu.”
10 Inaan isaga caabudo aawadeed ayaan cagihiisa ugu hor dhacay. Oo isna markaasuu wuxuu igu yidhi, Iska jir oo saas ha yeelin. Anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo walaalahaaga haya markhaatifuridda Ciise. Ilaah u sujuud, waayo, markhaatifuridda Ciise waa ruuxa wax sii sheegidda.
Ndipo nikaanguka kifudifudi miguuni pake ili kumwabudu, lakini yeye akaniambia, “Usifanye hivyo! Mimi pia ni mtumishi mwenzako pamoja na ndugu zako walio na ushuhuda wa Yesu. Mwabudu Mungu! Maana ushuhuda wa Yesu ndio roho ya unabii.”
11 Oo bal eeg, waxaan arkay samadii oo furantay, iyo faras cad, oo kii fuushanaana waxaa la odhan jiray Aamin iyo Run; oo isagu xaqnimuu wax ku xukumaa oo uu ku diriraa.
Kisha nikaona mbingu imefunguka na hapo mbele yangu akiwepo farasi mweupe, ambaye yeye aliyempanda aliitwa Mwaminifu na Kweli. Yeye huhukumu kwa haki na kufanya vita.
12 Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.
Macho yake ni kama miali ya moto na juu ya kichwa chake kuna taji nyingi. Ana jina lililoandikwa ambalo hakuna mtu yeyote anayelijua isipokuwa yeye mwenyewe.
13 Oo isna wuxuu qabay dhar dhiig lagu rusheeyey, magiciisana waxaa la odhan jiray ereyga Ilaah.
Amevaa joho lililochoviwa katika damu, na Jina lake ni “Neno la Mungu.”
14 Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah.
Majeshi ya mbinguni walikuwa wakimfuata, wakiwa wamepanda farasi weupe, hali wamevaa mavazi ya kitani safi, nyeupe na nzuri.
15 Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.
Kinywani mwake hutoka upanga mkali ambao kwa huo atayaangusha mataifa. “Atayatawala kwa fimbo yake ya utawala ya chuma.” Hulikanyaga shinikizo la mvinyo wa ghadhabu ya Mungu Mwenyezi.
16 Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA.
Kwenye joho lake na paja lake pameandikwa jina hili: Mfalme wa wafalme, na Bwana wa mabwana.
17 Oo markaasaan arkay malaa'ig qorraxda dhex taagan; oo intay cod weyn ku dhawaaqday ayay waxay haadda samada dhex duusha oo dhan ku tidhi, Kaalaya oo u soo urura cashada weyn oo Ilaah,
Nami nikamwona malaika amesimama ndani kwenye jua, akaita ndege wote warukao angani kwa sauti kuu, “Njooni, kusanyikeni kwa ajili ya karamu kubwa ya Mungu,
18 aad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba.
ili mpate kula nyama ya wafalme na ya majemadari, ya mashujaa, ya farasi na ya wapanda farasi, nyama ya wanadamu, wote walio huru na watumwa, wadogo na wakubwa.”
19 Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii.
Kisha nikamwona yule mnyama na wafalme wa dunia pamoja na majeshi yao wakiwa wamekusanyika pamoja ili kufanya vita dhidi ya yule aliyempanda farasi pamoja na jeshi lake.
20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay; (Limnē Pyr )
Lakini yule mnyama akakamatwa pamoja na huyo nabii wa uongo ambaye alikuwa amefanya ishara kwa niaba ya huyo mnyama, ambaye kwa ishara hizi aliwadanganya wale waliopokea chapa ya huyo mnyama na kuiabudu sanamu yake. Hawa wawili wakatupwa wakiwa hai ndani ya ziwa la moto liwakalo kwa kiberiti. (Limnē Pyr )
21 oo intoodii kalena waxaa lagu laayay kii faraska fuushanaa seeftiisii afkiisa ka soo baxday; oo haaddii oo dhammu waxay ka dhergeen hilibkoodii.
Wale waliosalia waliuawa kwa upanga uliotoka kinywani mwa yule aliyekuwa amempanda farasi nao ndege wote wakajishibisha kwa nyama yao.