< Muujintii 17 >
1 Markaasaa waxaa timid toddobadii malaa'igood oo toddobada fijaan haystay middood, oo way ila hadashay, waxayna igu tidhi, Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa xukunka dhillada weyn oo biyaha badan ku dul fadhida,
I dođe jedan od sedam anđela što nose sedam čaša i prozbori mi: “Dođi pokazat ću ti sud nad Bludnicom velikom što sjedi nad vodama velikim,
2 taasoo boqorrada dunidu ay ka sinaysteen, oo kuwa dunida degganuna ay khamrigii sinadeeda ku sakhraameen.
s kojom su bludničili kraljevi zemlje i pozemljari se opiše vinom bluda njezina.”
3 Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees.
I odnese me u duhu u pustinju. Tu vidjeh Ženu koja sjede na skrletnu Zvijer, punu bogohulnih imena, sa sedam glava i deset rogova.
4 Oo naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda,
Žena bijaše odjevena u grimiz i skrlet, sva u zlatu, dragom kamenju i biserju. U ruci joj zlatna čaša puna gnusobe i nečisti bluda njezina.
5 oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida.
Na čelo joj napisano ime - tajna: “Babilon veliki, mati bludnica i gnusoba zemljinih.”
6 Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.
I vidjeh: Žena je pijana od krvi svetih i od krvi svjedoka Isusovih. Kad je vidjeh, čudom se silnim začudih.
7 Markaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees.
Nato će mi anđeo: “Što se čudiš? Ja ću ti kazati tajnu te žene i Zvijeri koja je nosi, Zvijeri sa sedam glava i deset rogova.”
8 Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono. (Abyssos )
“Zvijer koju vidje bijaše i više nije; zamalo izlazi iz Bezdana i ide u propast. I zapanjit će se pozemljari - oni kojima ime, od postanka svijeta, nije zapisano u knjigu života - kad vide da Zvijer bijaše i više nije, a opet je tu. (Abyssos )
9 Waa kan maanka xigmadda lihi. Toddobada madax waa toddoba buurood oo ay naagtu ku fadhiisato; oo iyagu waxa weeyaan toddoba boqor;
Tu se hoće mudre pameti! Sedam glava sedam je bregova na kojima žena sjedi. A i sedam kraljeva:
10 shantood way dhaceen, midna wuu joogaa, midkii kalena weli ma iman; oo markuu yimaado, in yar buu sii jiri doonaa.
pet ih već pade, jedan jest, a jedan još ne dođe: kada dođe, ostati mu je zamalo.
11 Oo bahalkii markii hore jiray oo aan haatan jirin, isaga qudhiisuna waa mid siddeedaad oo toddobaduu ka mid yahay; oo wuxuu tegi doonaa halaag.
I Zvijer koja bijaše i više nije, osma je, a iz broja je njih sedmero, i ide u propast.
12 Oo tobankii gees oo aad aragtay waa toban boqor, oo aan weli helin boqortooyo; laakiinse intii saacad ah waxay amar la heleen bahalka sida boqorro oo kale.
Deset rogova što ih vidje deset je kraljeva; oni još ne primiše kraljevstva, ali će - samo za jedan sat - primiti vlast kao kraljevi zajedno sa Zvijeri.
13 Kuwanu waa isku maan, oo iyagu xooggooda iyo amarkooda waxay siiyeen bahalka.
Jedne su misli: svu svoju silu i vlast predati Zvijeri.
14 Kuwaasu waxay la diriri doonaan Wanka, oo Wankuna wuu ka adkaan doonaa, maxaa yeelay, isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada; oo haddana kuwa isaga la jira waa kuwa loo yeedhay, oo la doortay, oo aaminiinta ah.
Ratovat će protiv Jaganjca, ali će ih pobijediti Jaganjac - i njegovi pozvanici, izabranici, vjernici - jer on je Gospodar gospodara i Kralj kraljeva.”
15 Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.
I reče mi anđeo: “Vode što ih vidje, na kojima Bludnica sjedi, to su puci i mnoštva i narodi i jezici.
16 Oo tobankii gees oo aad aragtay iyo bahalkii waxay nebcaan doonaan dhillada, oo iyada way bi'in doonaan oo qaawin doonaan, oo hilibkeedana way cuni doonaan, oo kulligeedna waxay ku gubi doonaan dab.
I onih deset rogova što ih vidje i Zvijer - oni će zamrziti Bludnicu, opustošiti je i ogoliti, najesti se mesa njezina i ognjem je spaliti.
17 Waayo, Ilaah wuxuu qalbigooda geliyey inay yeelaan fikirkiisa, oo ay isku maan ahaadaan, oo ay boqortooyadooda bahalka siiyaan ilamaa erayada Ilaah ay kaamil noqdaan.
Jer Bog im u srce stavi izvršiti naum njegov: da jednodušno predadu kraljevstvo svoje Zvijeri dok se ne ispune riječi Božje.
18 Oo naagtii aad aragtayna waxa weeye magaalada weyn oo u talisa boqorrada dhulka.
Žena koju vidje grad je veliki što kraljuje nad kraljevima zemaljskim.”