< Muujintii 14 >
1 Oo bal eeg, waxaan arkay Wankii oo ku dul taagan Buur Siyoon, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo afar iyo afartan kun oo qof, oo waxaa wejiga ugu qornaa isaga magiciisa iyo magaca aabbihiis.
ತತಃ ಪರಂ ನಿರೀಕ್ಷಮಾಣೇನ ಮಯಾ ಮೇಷಶಾವಕೋ ದೃಷ್ಟಃ ಸ ಸಿಯೋನಪರ್ವ್ವತಸ್ಯೋಪರ್ಯ್ಯತಿಷ್ಠತ್, ಅಪರಂ ಯೇಷಾಂ ಭಾಲೇಷು ತಸ್ಯ ನಾಮ ತತ್ಪಿತುಶ್ಚ ನಾಮ ಲಿಖಿತಮಾಸ್ತೇ ತಾದೃಶಾಶ್ಚತುಶ್ಚತ್ವಾರಿಂಶತ್ಸಹಸ್ರಾಧಿಕಾ ಲಕ್ಷಲೋಕಾಸ್ತೇನ ಸಾರ್ದ್ಧಮ್ ಆಸನ್|
2 Markaasaan samada ka maqlay cod u eg biyo badan codkood iyo onkod weyn codkiis; oo codkii aan maqlayna wuxuu u ekaa kataaraley ka dhawaajinaysa kataaradahooda;
ಅನನ್ತರಂ ಬಹುತೋಯಾನಾಂ ರವ ಇವ ಗುರುತರಸ್ತನಿತಸ್ಯ ಚ ರವ ಇವ ಏಕೋ ರವಃ ಸ್ವರ್ಗಾತ್ ಮಯಾಶ್ರಾವಿ| ಮಯಾ ಶ್ರುತಃ ಸ ರವೋ ವೀಣಾವಾದಕಾನಾಂ ವೀಣಾವಾದನಸ್ಯ ಸದೃಶಃ|
3 markaasay carshiga hortiisa iyo afartii xayawaan iyo odayaasha hortoodii waxay ku gabyeen gabay cusub; oo gabaygaas ninna ma baran karin, boqol iyo afar iyo afartanka kun oo dunida laga soo iibsaday mooyaane.
ಸಿಂಹಸನಸ್ಯಾನ್ತಿಕೇ ಪ್ರಾಣಿಚತುಷ್ಟಯಸ್ಯ ಪ್ರಾಚೀನವರ್ಗಸ್ಯ ಚಾನ್ತಿಕೇ ಽಪಿ ತೇ ನವೀನಮೇಕಂ ಗೀತಮ್ ಅಗಾಯನ್ ಕಿನ್ತು ಧರಣೀತಃ ಪರಿಕ್ರೀತಾನ್ ತಾನ್ ಚತುಶ್ಚತ್ವಾರಿಂಶತ್ಯಹಸ್ರಾಧಿಕಲಕ್ಷಲೋಕಾನ್ ವಿನಾ ನಾಪರೇಣ ಕೇನಾಪಿ ತದ್ ಗೀತಂ ಶಿಕ್ಷಿತುಂ ಶಕ್ಯತೇ|
4 Kuwanu waa kuwii aan naagaha ku nijaasoobin; waayo, iyagu waa daahir; kuwanu waa kuwa Wanka u raaca meel alla meeshuu tagoba. Kuwan waxaa laga soo iibsaday dadka inay midhaha ugu horreeya u noqdaan Ilaah iyo Wankaba.
ಇಮೇ ಯೋಷಿತಾಂ ಸಙ್ಗೇನ ನ ಕಲಙ್ಕಿತಾ ಯತಸ್ತೇ ಽಮೈಥುನಾ ಮೇಷಶಾವಕೋ ಯತ್ ಕಿಮಪಿ ಸ್ಥಾನಂ ಗಚ್ಛೇತ್ ತತ್ಸರ್ವ್ವಸ್ಮಿನ್ ಸ್ಥಾನೇ ತಮ್ ಅನುಗಚ್ಛನ್ತಿ ಯತಸ್ತೇ ಮನುಷ್ಯಾಣಾಂ ಮಧ್ಯತಃ ಪ್ರಥಮಫಲಾನೀವೇಶ್ವರಸ್ಯ ಮೇಷಶಾವಕಸ್ಯ ಚ ಕೃತೇ ಪರಿಕ್ರೀತಾಃ|
5 Oo afkooda innaba been lagama helin, iinna ma leh.
ತೇಷಾಂ ವದನೇಷು ಚಾನೃತಂ ಕಿಮಪಿ ನ ವಿದ್ಯತೇ ಯತಸ್ತೇ ನಿರ್ದ್ದೋಷಾ ಈಶ್ವರಸಿಂಹಾಸನಸ್ಯಾನ್ತಿಕೇ ತಿಷ್ಠನ್ತಿ|
6 Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo samada dhex duulaysa iyadoo wadata injiil daa'imis ah inay u naadiso kuwa dhulka deggan iyo quruun kasta iyo qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta; (aiōnios )
ಅನನ್ತರಮ್ ಆಕಾಶಮಧ್ಯೇನೋಡ್ಡೀಯಮಾನೋ ಽಪರ ಏಕೋ ದೂತೋ ಮಯಾ ದೃಷ್ಟಃ ಸೋ ಽನನ್ತಕಾಲೀಯಂ ಸುಸಂವಾದಂ ಧಾರಯತಿ ಸ ಚ ಸುಸಂವಾದಃ ಸರ್ವ್ವಜಾತೀಯಾನ್ ಸರ್ವ್ವವಂಶೀಯಾನ್ ಸರ್ವ್ವಭಾಷಾವಾದಿನಃ ಸರ್ವ್ವದೇಶೀಯಾಂಶ್ಚ ಪೃಥಿವೀನಿವಾಸಿನಃ ಪ್ರತಿ ತೇನ ಘೋಷಿತವ್ಯಃ| (aiōnios )
7 iyadoo cod weyn ku leh, Ilaah ka cabsada, oo isaga ammaana, waayo, saacaddii xukunkiisu way timid. Oo caabuda kii sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo ilaha biyaha ah.
ಸ ಉಚ್ಚೈಃಸ್ವರೇಣೇದಂ ಗದತಿ ಯೂಯಮೀಶ್ವರಾದ್ ಬಿಭೀತ ತಸ್ಯ ಸ್ತವಂ ಕುರುತ ಚ ಯತಸ್ತದೀಯವಿಚಾರಸ್ಯ ದಣ್ಡ ಉಪಾತಿಷ್ಠತ್ ತಸ್ಮಾದ್ ಆಕಾಶಮಣ್ಡಲಸ್ಯ ಪೃಥಿವ್ಯಾಃ ಸಮುದ್ರಸ್ಯ ತೋಯಪ್ರಸ್ರವಣಾನಾಞ್ಚ ಸ್ರಷ್ಟಾ ಯುಷ್ಮಾಭಿಃ ಪ್ರಣಮ್ಯತಾಂ|
8 Oo malaa'ig kale oo labaad ayaa soo raacday, oo waxay lahayd, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, taasoo quruumaha oo dhan ka waraabisay khamrigii cadhada sinadeeda.
ತತ್ಪಶ್ಚಾದ್ ದ್ವಿತೀಯ ಏಕೋ ದೂತ ಉಪಸ್ಥಾಯಾವದತ್ ಪತಿತಾ ಪತಿತಾ ಸಾ ಮಹಾಬಾಬಿಲ್ ಯಾ ಸರ್ವ್ವಜಾತೀಯಾನ್ ಸ್ವಕೀಯಂ ವ್ಯಭಿಚಾರರೂಪಂ ಕ್ರೋಧಮದಮ್ ಅಪಾಯಯತ್|
9 Oo haddana waxaa soo raacday malaa'ig kale oo saddexaad, iyadoo cod weyn ku leh, Haddii nin caabudo bahalka iyo sanamkiisa, ama uu aqbalo sumad in lagaga dhigo wejiga ama gacanta,
ತತ್ಪಶ್ಚಾದ್ ತೃತೀಯೋ ದೂತ ಉಪಸ್ಥಾಯೋಚ್ಚೈರವದತ್, ಯಃ ಕಶ್ಚಿತ ತಂ ಶಶುಂ ತಸ್ಯ ಪ್ರತಿಮಾಞ್ಚ ಪ್ರಣಮತಿ ಸ್ವಭಾಲೇ ಸ್ವಕರೇ ವಾ ಕಲಙ್ಕಂ ಗೃಹ್ಲಾತಿ ಚ
10 isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa.
ಸೋ ಽಪೀಶ್ವರಸ್ಯ ಕ್ರೋಧಪಾತ್ರೇ ಸ್ಥಿತಮ್ ಅಮಿಶ್ರಿತಂ ಮದತ್ ಅರ್ಥತ ಈಶ್ವರಸ್ಯ ಕ್ರೋಧಮದಂ ಪಾಸ್ಯತಿ ಪವಿತ್ರದೂತಾನಾಂ ಮೇಷಶಾವಕಸ್ಯ ಚ ಸಾಕ್ಷಾದ್ ವಹ್ನಿಗನ್ಧಕಯೋ ರ್ಯಾತನಾಂ ಲಪ್ಸ್ಯತೇ ಚ|
11 Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona. (aiōn )
ತೇಷಾಂ ಯಾತನಾಯಾ ಧೂಮೋ ಽನನ್ತಕಾಲಂ ಯಾವದ್ ಉದ್ಗಮಿಷ್ಯತಿ ಯೇ ಚ ಪಶುಂ ತಸ್ಯ ಪ್ರತಿಮಾಞ್ಚ ಪೂಜಯನ್ತಿ ತಸ್ಯ ನಾಮ್ನೋ ಽಙ್ಕಂ ವಾ ಗೃಹ್ಲನ್ತಿ ತೇ ದಿವಾನಿಶಂ ಕಞ್ಚನ ವಿರಾಮಂ ನ ಪ್ರಾಪ್ಸ್ಯನ್ತಿ| (aiōn )
12 Waa kaa samirkii quduusiinta, kuwaas oo ah kuwa xajiya amarrada Ilaah iyo iimaanka Ciise.
ಯೇ ಮಾನವಾ ಈಶ್ವರಸ್ಯಾಜ್ಞಾ ಯೀಶೌ ವಿಶ್ವಾಸಞ್ಚ ಪಾಲಯನ್ತಿ ತೇಷಾಂ ಪವಿತ್ರಲೋಕಾನಾಂ ಸಹಿಷ್ಣುತಯಾತ್ರ ಪ್ರಕಾಶಿತವ್ಯಂ|
13 Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod igu leh, Qor, Waxaa barakaysan kuwa hadda ka dib dhimanaya iyagoo Rabbiga rumaysan. Ruuxii wuxuu leeyahay, Haah, iyagu waa inay ka nastaan hawshoodii, waayo, waxaa iyaga la socda shuqulladoodii.
ಅಪರಂ ಸ್ವರ್ಗಾತ್ ಮಯಾ ಸಹ ಸಮ್ಭಾಷಮಾಣ ಏಕೋ ರವೋ ಮಯಾಶ್ರಾವಿ ತೇನೋಕ್ತಂ ತ್ವಂ ಲಿಖ, ಇದಾನೀಮಾರಭ್ಯ ಯೇ ಪ್ರಭೌ ಮ್ರಿಯನ್ತೇ ತೇ ಮೃತಾ ಧನ್ಯಾ ಇತಿ; ಆತ್ಮಾ ಭಾಷತೇ ಸತ್ಯಂ ಸ್ವಶ್ರಮೇಭ್ಯಸ್ತೈ ರ್ವಿರಾಮಃ ಪ್ರಾಪ್ತವ್ಯಃ ತೇಷಾಂ ಕರ್ಮ್ಮಾಣಿ ಚ ತಾನ್ ಅನುಗಚ್ಛನ್ತಿ|
14 Oo bal eeg, haddana waxaan arkay daruur cad, oo waxaan daruurta dusheeda ku arkay mid fadhiya oo u eg bini aadan, oo waxaa madaxa u saarnaa taaj dahab ah, oo gacantana wuxuu ku haystay manjo af badan.
ತದನನ್ತರಂ ನಿರೀಕ್ಷಮಾಣೇನ ಮಯಾ ಶ್ವೇತವರ್ಣ ಏಕೋ ಮೇಘೋ ದೃಷ್ಟಸ್ತನ್ಮೇಘಾರೂಢೋ ಜನೋ ಮಾನವಪುತ್ರಾಕೃತಿರಸ್ತಿ ತಸ್ಯ ಶಿರಸಿ ಸುವರ್ಣಕಿರೀಟಂ ಕರೇ ಚ ತೀಕ್ಷ್ಣಂ ದಾತ್ರಂ ತಿಷ್ಠತಿ|
15 Oo haddana malaa'ig kale ayaa waxay ka soo baxday macbudkii, oo waxay cod weyn ugu dhawaaqday kii daruurta ku fadhiyey, iyadoo leh, Manjadaada soo dir oo beerta goo; waayo, saacaddii beergooysku way timid; maxaa yeelay, midhihii dhulka oo la gooyn lahaa way bislaadeen.
ತತಃ ಪರಮ್ ಅನ್ಯ ಏಕೋ ದೂತೋ ಮನ್ದಿರಾತ್ ನಿರ್ಗತ್ಯೋಚ್ಚೈಃಸ್ವರೇಣ ತಂ ಮೇಘಾರೂಢಂ ಸಮ್ಭಾಷ್ಯಾವದತ್ ತ್ವಯಾ ದಾತ್ರಂ ಪ್ರಸಾರ್ಯ್ಯ ಶಸ್ಯಚ್ಛೇದನಂ ಕ್ರಿಯತಾಂ ಶಸ್ಯಚ್ಛೇದನಸ್ಯ ಸಮಯ ಉಪಸ್ಥಿತೋ ಯತೋ ಮೇದಿನ್ಯಾಃ ಶಸ್ಯಾನಿ ಪರಿಪಕ್ಕಾನಿ|
16 Markaasaa kii daruurta ku fadhiyey wuxuu manjadiisii ku soo tuuray dhulka, oo midhihii dhulkiina waa la gooyay.
ತತಸ್ತೇನ ಮೇಘಾರೂಢೇನ ಪೃಥಿವ್ಯಾಂ ದಾತ್ರಂ ಪ್ರಸಾರ್ಯ್ಯ ಪೃಥಿವ್ಯಾಃ ಶಸ್ಯಚ್ಛೇದನಂ ಕೃತಂ|
17 Oo haddana malaa'ig kale ayaa waxay ka baxday macbudka samada ku yaal, oo iyana waxay haysatay manjo af badan.
ಅನನ್ತರಮ್ ಅಪರ ಏಕೋ ದೂತಃ ಸ್ವರ್ಗಸ್ಥಮನ್ದಿರಾತ್ ನಿರ್ಗತಃ ಸೋ ಽಪಿ ತೀಕ್ಷ್ಣಂ ದಾತ್ರಂ ಧಾರಯತಿ|
18 Oo haddana malaa'ig kale oo dabka xukunta ayaa waxay ka soo baxday meeshii allabariga; oo waxay cod weyn ugu dhawaaqday tii manjada afka badan haysatay iyadoo ku leh, Manjadaada afka badan soo dir, oo waxaad ururisaa canabka dhulka rucubyadiisa; maxaa yeelay, canabkii waa bislaaday.
ಅಪರಮ್ ಅನ್ಯ ಏಕೋ ದೂತೋ ವೇದಿತೋ ನಿರ್ಗತಃ ಸ ವಹ್ನೇರಧಿಪತಿಃ ಸ ಉಚ್ಚೈಃಸ್ವರೇಣ ತಂ ತೀಕ್ಷ್ಣದಾತ್ರಧಾರಿಣಂ ಸಮ್ಭಾಷ್ಯಾವದತ್ ತ್ವಯಾ ಸ್ವಂ ತೀಕ್ಷ್ಣಂ ದಾತ್ರಂ ಪ್ರಸಾರ್ಯ್ಯ ಮೇದಿನ್ಯಾ ದ್ರಾಕ್ಷಾಗುಚ್ಛಚ್ಛೇದನಂ ಕ್ರಿಯತಾಂ ಯತಸ್ತತ್ಫಲಾನಿ ಪರಿಣತಾನಿ|
19 Markaasaa malaa'igtii waxay manjadeedii ku soo tuurtay dhulka, oo waxay soo ururisay canabka dhulka, oo waxay ku tuurtay macsaraddii canabka oo weyn oo cadhada Ilaah.
ತತಃ ಸ ದೂತಃ ಪೃಥಿವ್ಯಾಂ ಸ್ವದಾತ್ರಂ ಪ್ರಸಾರ್ಯ್ಯ ಪೃಥಿವ್ಯಾ ದ್ರಾಕ್ಷಾಫಲಚ್ಛೇದನಮ್ ಅಕರೋತ್ ತತ್ಫಲಾನಿ ಚೇಶ್ವರಸ್ಯ ಕ್ರೋಧಸ್ವರೂಪಸ್ಯ ಮಹಾಕುಣ್ಡಸ್ಯ ಮಧ್ಯಂ ನಿರಕ್ಷಿಪತ್|
20 Oo canabkiina waxaa lagu tuntay magaalada dibaddeeda, oo waxaa macsaraddii ka soo baxay dhiig, wuxuuna gaadhay tan iyo fardaha xakamahooda, ilaa kun iyo lix boqol oo istaadiyon.
ತತ್ಕುಣ್ಡಸ್ಥಫಲಾನಿ ಚ ಬಹಿ ರ್ಮರ್ದ್ದಿತಾನಿ ತತಃ ಕುಣ್ಡಮಧ್ಯಾತ್ ನಿರ್ಗತಂ ರಕ್ತಂ ಕ್ರೋಶಶತಪರ್ಯ್ಯನ್ತಮ್ ಅಶ್ವಾನಾಂ ಖಲೀನಾನ್ ಯಾವದ್ ವ್ಯಾಪ್ನೋತ್|