< Muujintii 12 >
1 Markaasaa waxaa samada ka muuqatay calaamo weyn, taas oo ahayd naag qorraxda huwan, oo dayaxuna wuxuu ka hooseeyey cagaheeda, madaxana waxaa u saarnaa taaj laba iyo toban xiddigood ah,
Aka ga wata babbar alama a sama: wata mace ta yi lullubi da rana, kuma wata na karkashin kafafunta; rawanin taurari goma sha biyu na bisa kanta.
2 oo uur bay lahayd; wayna qaylinaysay iyadoo foolanaysa oo xanuunsanaysa oo doonaysa inay umusho.
Tana da ciki, tana kuma kuka don zafin nakuda - a cikin azabar haihuwa.
3 Oo haddana samada waxaa ka muuqatay calaamo kale; oo bal eeg waxaa la arkay masduulaa weyn oo cas, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees, oo madaxyadiisii waxaa u saarnaa toddoba taaj.
Sai aka ga wata alama cikin sama: Duba! Akwai wani katon jan maciji mai kawuna bakwai da kahonni goma, sai kuma ga kambi guda bakwai bisa kawunansa.
4 Oo dabadiisiina waxay soo jiidday xiddigihii samada saddex meelood oo meel, oo waxay ku soo tuurtay dhulka; markaasaa masduulaagii wuxuu is-hor taagay naagtii ku dhowayd inay umusho, si uu ilmaha uga liqo markay umusho.
Wutsiyarsa ta share daya bisa uku na taurari a sama ta zubo su kasa. Diragon nan ya tsaya a gaban matar da ta kusan haihuwa, domin lokacin da ta haihu ya lankwame yaronta.
5 Oo waxay umushay ilmo lab; kaas oo loo xugmay inuu quruumaha oo dhan ul bir ah ku xukumo; oo ilmaheediina waxaa kor loogu qaaday xagga Ilaah iyo carshigiisa.
Sai ta haifi da, namiji, wanda zai yi mulkin dukan al'ummai da sandar karfe. Aka fizge yaron ta zuwa ga Allah da kursiyinsa,
6 Oo naagtiina waxay u carartay xagga cidlada, halkaasoo Ilaah iyada uga diyaariyey meel lagu quudiyo kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood.
matar kuwa ta gudu zuwa jeji inda Allah ya shirya mata domin a iya lura da ita kwanaki 1, 260.
7 Markaasaa samada waxaa ka dhacay dagaal, oo Mikaa'iil iyo malaa'igihiisii waxay u soo baxeen inay la diriraan masduulaagii; oo masduulaagii iyo malaa'igihiisiina way la dirireen;
A lokacin sai yaki ya tashi a sama. Mika'ilu da mala'ikunsa suka yi yaki da diragon, sai diragon da nasa mala'iku suka yake su su ma.
8 kamana ay adkaan, meeshoodiina mar dambe samada lagama helin.
Amma diragon ba shi da isashen karfin da zai ci nasara. Don haka, shi da mala'ikunsa ba su kara samun wuri a sama ba.
9 Oo masduulaagii weynaa oo ahaa maskii duqa ahaa hoos baa loo soo tuuray, kaasoo la yidhaahdo Ibliis iyo Shayddaan, kii dunida oo dhan khiyaaneeyey. Waxaa isaga lagu soo tuuray dhulka, oo malaa'igihiisiina hoos baa loola soo tuuray isaga.
Sai aka jefa katon diragon nan tare da mala'ikunsa kasa, wato tsohon macijin nan da ake kira Iblis ko Shaidan wanda ke yaudarar dukan duniya.
10 Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba.
Sai na ji wata murya mai kara a sama: “Yanzu ceto ya zo, karfi, da mulkin Allahnmu, da iko na Almasihunsa. Gama an jefar da mai sarar 'yan'uwanmu a kasa - shi da yake sarar su a gaban Allah dare da rana.
11 Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.
Suka ci nasara da shi ta wurin jinin Dan Ragon da kuma shaidar maganarsu, gama ba su kaunaci ransu ba, har ga mutuwa.
12 Haddaba samooyinka iyo kuwa dhex degganow, reyreeya. Waxaase hoogay badda iyo dhulka, maxaa yeelay, waxaa idiin soo degay Ibliiskii, oo aad u cadhaysan, oo weliba garanaya in wakhtigu ku yar yahay.
Don haka, yi farinciki, ya ku sammai da duk mazauna da ke cikinsu. Amma kaito ga duniya da teku saboda iblis ya sauko gare ku. Yana cike da mummunan fushi, domin ya san lokacin sa ya rage kadan.
13 Oo masduulaagiina markuu arkay in hoos loogu tuuray xagga dhulka ayuu wuxuu silciyey naagtii ilmaha lab dhashay.
Da diragon ya ga an jefar da shi kasa, sai ya fafari matar nan da ta haifi da namiji.
14 Oo waxaa naagtii la siiyey laba baal oo gorgor weyn si ay uga duusho maskii ilaa meesheedii cidlada ku tiil, halkaasoo iyada lagu quudiyo wakhti, iyo wakhtiyo, iyo wakhti badhkiis.
Amma aka ba matar nan fukafukai biyu na babbar gaggafa domin ta gudu zuwa inda aka shirya mata a jeji. A wannan wuri ne za a lura da ita na dan lokaci, da lokatai, da rabin lokaci - a lokacin da babu macijin.
15 Oo maskiina wuxuu afkiisa ka tufay oo naagtii ka daba tuuray biyo ah sidii webi, si uu durdurku u qaado.
Macijin ya kwararo ruwa daga bakin sa kamar kogi, don ya kawo ambaliyar da zai kwashe ta.
16 Markaasaa dhulku naagtii caawiyey, oo afka kala qaaday, oo wuxuu liqay webigii masduulaagu afkiisa ka soo tuuray.
Amma kasa ta taimaki matar. Kasa ta bude bakinta ta hadiye kogin da diragon ya kwararo daga bakinsa.
17 Oo masduulaagii aad buu ugu sii cadhooday naagtii, oo wuxuu u soo kacay inuu la diriro farcankeedii kale oo hadhay oo amarrada Ilaah xajiyo oo Ciise u markhaati furo.
Sai diragon ya fusata da matar, sai ya tafi ya yi yaki da sauran zuriyarta, wadanda suka yi biyayya da umarnan Allah suna kuma rike da shaida game da Yesu.