< Muujintii 10 >
1 Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo xoog weyn oo samada ka soo degaysa, iyadoo daruur huwan, madaxeedana waxaa saarnaa qaansoroobaad, wejigeeduna wuxuu u ekaa qorraxda oo kale, cagaheeduna waxay u ekaayeen tiirar dab ah,
And I saw another mighty angel coming down from heaven, clothed with a cloud; and the rainbow was upon his head, and his face was like the sun, and his feet like pillars of fire.
2 oo gacanteedana waxay ku haysatay buug yar oo furan. Oo cagteedii midig waxay saartay badda, teedii bidixdana waxay saartay dhulka,
And he had in his hand a little book opened; and he placed his right foot on the sea, and his left foot on the land;
3 oo markaasay ku dhawaaqday cod weyn oo u eg libaax ciyaya, oo markay qaylisay ayaa toddobadii onkodba onkodeen.
and he cried with a loud voice, as when a lion roars: and when he had cried, the seven thunders uttered their voices.
4 Oo markii toddobadii onkod onkodeen, waxaan ku dhowaa inaan wax qoro; markaasaan maqlay cod samada ka leh, Shaabad ku xidh waxyaalaha toddobada onkod ay ku onkodeen, oo ha qorin.
And when the seven thunders had spoken, I was about to write; and I heard a voice from heaven, saying: Seal up the things which the seven thunders spoke, and write them not.
5 Markaasaa malaa'igtii aan arkay oo ku taagnayd badda iyo dhulka ayaa gacanteedii midig samada kor ugu taagtay,
And the angel that I saw standing on the sea and on the land, lifted up his right hand to heaven,
6 oo inaan wakhti mar dambe jirayn ayay ugu dhaaratay kan weligiis iyo weligiisba nool, oo abuuray samada iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo dhulka iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo badda iyo waxyaalaha ku dhex jiraba. (aiōn )
and swore by him that lives from age to age, who created the heaven and the things that are in it, and the earth and the things that are in it, and the sea and the things that are in it, That time should no longer intervene, (aiōn )
7 Laakiinse wakhtiga codka malaa'igta toddobaad markay ku dhow dahay inay ka dhawaajiso ayaa waxaa dhammaan doona qarsoodiga Ilaah siduu ugu bishaareeyey nebiyadii addoommadiisa ahaa.
but in the days of the voice of the seventh angel, when he shall sound his trumpet, the mystery of God should be finished, as he has declared to his servants the prophets.
8 Oo haddana waxaan mar kale maqlay codkii aan samada ka maqlay oo igu leh, Tag oo qaado buugga furan oo ku jira gacanta malaa'igta ku taagan badda iyo dhulka.
And the voice that I heard from heaven spoke to me again, and said: Go and take the little book that is open in the hand of the angel that stands on the sea and on the land.
9 Markaasaan malaa'igtii u tegey, oo waxaan ku idhi, Buugga yar i sii. Markaasay igu tidhi, Qaado oo cun; oo wuxuu calooshaada ka dhigi doonaa qadhaadh, laakiin intuu afkaaga ku jiro wuxuu u macaanaan doonaa sida malab oo kale.
And I went to the angel, and said to him: Give me the little book. And he said to me: Take it, and eat it up, and it will make your stomach bitter, but it will be in your mouth as sweet as honey.
10 Markaasaan buuggii yaraa ka qaatay malaa'igta gacanteedii, waanan cunay, oo intuu afkayga ku jiray wuxuu u macaanaa sida malab oo kale; oo markii aan cunay ayaa calooshaydii qadhaadh noqotay.
And I took the little book out of the angel’s hand, and ate it up, and it was in my mouth as sweet as honey; and when I had eaten it, my stomach was bitter.
11 Oo iyana waxay igu tidhi. Waa inaad mar kale wax ka sii sheegtid dad badan iyo quruumo badan iyo afaf badan iyo boqorro badan.
And he said to me: You must prophesy again before many peoples and nations and tongues and kings.