< Sabuurradii 1 >
1 Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
不從惡人的計謀, 不站罪人的道路, 不坐褻慢人的座位,
2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga, Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
惟喜愛耶和華的律法, 晝夜思想, 這人便為有福!
3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
他要像一棵樹栽在溪水旁, 按時候結果子, 葉子也不枯乾。 凡他所做的盡都順利。
4 Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha, Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
惡人並不是這樣, 乃像糠詷被風吹散。
5 Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka, Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
因此,當審判的時候,惡人必站立不住; 罪人在義人的會中也是如此。
6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
因為耶和華知道義人的道路; 惡人的道路卻必滅亡。