< Sabuurradii 98 >

1 Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.
מזמור שירו ליהוה שיר חדש-- כי-נפלאות עשה הושיעה-לו ימינו וזרוע קדשו
2 Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.
הודיע יהוה ישועתו לעיני הגוים גלה צדקתו
3 Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.
זכר חסדו ואמונתו-- לבית ישראל ראו כל-אפסי-ארץ-- את ישועת אלהינו
4 Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
הריעו ליהוה כל-הארץ פצחו ורננו וזמרו
5 Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.
זמרו ליהוה בכנור בכנור וקול זמרה
6 Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.
בחצצרות וקול שופר-- הריעו לפני המלך יהוה
7 Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,
ירעם הים ומלאו תבל וישבי בה
8 Webiyadu ha sacbiyeen, Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,
נהרות ימחאו-כף יחד הרים ירננו
9 Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.
לפני יהוה-- כי בא לשפט הארץ ישפט-תבל בצדק ועמים במישרים

< Sabuurradii 98 >