< Sabuurradii 93 >
1 Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad, Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog, Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
Yavé reina. Está cubierto de majestad. Yavé se cubrió y se ató con poder. El mundo está en verdad firmemente establecido Y no será conmovido.
2 Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore, Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.
Tu trono está establecido desde la antigüedad. Tú eres desde la eternidad.
3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.
Oh Yavé, los torrentes se levantan. Las crecientes alzaron su voz. Los ríos levantan sus olas estruendosas.
4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
Yavé en las alturas es más poderoso Que el estruendo de muchas aguas, Que las poderosas olas del mar.
5 Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal, Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.
Tus Testimonios son completamente confirmados. La santidad conviene a tu Casa, Oh Yavé, para siempre.