< Sabuurradii 91 >

1 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
He that dwelleth in the secret place of the Most High, Under the shadow of the Almighty, will tarry,
2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
Saying of Yahweh—My refuge and my fortress, My God, in whom I will trust.
3 Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha, Iyo belaayada aad u xun.
For, he, will rescue thee, From the snare of the fowler, From the destructive pestilence.
4 Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
With his pinion, will he cover thee, And, under his wings, shalt thou seek refuge, A shield and buckler, is his faithfulness.
5 Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
Thou shalt not be afraid, Of the dread of the night, Of the arrow that flieth by day;
6 Ama belaayada gudcurka ku socota, Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
Of the pestilence that, in darkness, doth walk, Of the plague that layeth waste at noonday.
7 Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun, Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun, Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
There shall fall, at thy side, a thousand, Yea, myriads, at thy right hand, Unto thee, shall it not come nigh;
8 Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa, Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
Save only, with thine own eyes, shalt thou discern, And, the recompense of the lawless, shalt thou see.
9 Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
Because, thou, [hast made] Yahweh, my refuge, —The Most High, thou hast made thy dwelling-place,
10 Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
There shall not be sent unto thee misfortune, Nor shall, plague, come near into thy tent;
11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
For, his messengers, will he charge concerning thee, To keep thee, in all thy ways;
12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
On hands, will they bear thee up, Lest thou strike, against a stone, thy foot;
13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
On the lion and adder, shalt thou tread, Shalt trample on young lion and crocodile.
14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
Because, on me, he hath set firm his love, Therefore will I deliver him, I will set him on high, Because he hath known my Name;
15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
He shall call me, and I will answer him, With him, will, I, be, in distress, I will rescue him, and will honour him;
16 Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
With length of days, will I satisfy him, And will show him my salvation.

< Sabuurradii 91 >