< Sabuurradii 88 >
1 Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
Yahwe, Mungu wa wokovu wangu, ninalia mchana na usiku mbele zako.
2 Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo qayladayda dhegta u dhig,
Sikiliza maombi yangu; utazame kulia kwangu.
3 Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool. (Sheol )
Maana nimejawa taabu, na uhai wangu umefika kuzimuni. (Sheol )
4 Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yamayska, Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,
Watu hunichukulia kama wale waendao chini shimoni; mimi ni mtu asiye na nguvu.
5 Oo meydadka lagu dhex tuuray, Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal, Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn, Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
Nimetelekezwa miongoni mwa wafu; niko kama mfu alalaye katika kaburi, wao ambao wewe huwajari tena kwa sababu wametengwa mbali na nguvu zako.
6 Waxaad igu ridday yamayska ugu hooseeya, Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
Wewe umeniweka katika sehemu ya chini kabisa ya shimo, sehemu yenye giza na kilindini.
7 Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)
Gadhabu yako yanielemea, na mawimbi yako yote yanatua juu yangu. (Selah)
8 Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
Kwa sababu yako, wale wanijuao wote hunikwepa. Umenifanya wakutisha machoni pao. Nimefungwa na siwezi kutoroka.
9 Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
Macho yangu yamefifia kutokana na shida; kila siku nakuita wewe, Yahwe; ninakunyoshea wewe mikono yangu.
10 Ma yaabab baad tusaysaa meydadka? Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan? (Selaah)
Je! utafanya miujiza kwa ajili ya wafu? Wale waliokufa watafufuka na kukusifu wewe? (Selah)
11 Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa? Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
Uaminifu wa agano lako utatangazwa kaburini? au uaminifu wako mahali pa wafu?
12 Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa? Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
Matendo yako ya ajabu yatajulikana gizani? au haki yako katika mahali pa usahaulifu?
13 Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
Lakini ninakulilia wewe, Yahwe; wakati wa asubuhi maombi yangu huja kwako.
14 Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
Yahwe, kwa nini unanikataa? Kwa nini unauficha uso wako mbali nami?
15 Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba, Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
Nimekuwa nikiteswa kila siku na hatihati ya kifo tangu ujana wangu. Nimeteseka dhidi ya hofu yako kuu; ninakata tamaa.
16 Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
Matendo yako ya hasira yamepita juu yangu, na matendo yako ya kutisha yameniangamiza.
17 Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale, Dhammaantood way i wada hareereeyeen.
Siku zote yananizingira mimi kama maji; yote yamenizunguka mimi.
18 Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay, Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.
Wewe umemuondoa kwangu kila rafiki na anijuaye. Na sasa anijuaye pekee ni giza.